
Muqdisho: (Sh. M. Network) Xarakada Al Shabaab ayaa waxaa ay ugu baaqeen dadka Musliminiinta ah iyo kuwa aan aheyn inay u gar-gaaraan dadka ku ay halakeeyeen abaaraha.
Afhayeenka Xarakada Al Shabaab Sheekh Cali Max’ud Raage (Cali dheere) oo ka hadlay Abaaraha ka jira dalka Soomaaliya ayaa waxaa uu ka deeriyay xaaladda dadka ay saamaysay abaarta, isagoo ku baaqay in loo gar-gaaro dadkaasi.
Sheekh Cali dheere ayaa waxaa uu sheegay in qof waliba oo Muslim ah iyo mid aan Muslim aheyn oo wax u qabanaya dadka ay abaartu saamaysay ay lasoo xiriiri karaan guddiga gurmedka abaaraha ee Al Shabaab kaasi oo uu sheegay in uu ku gacan siin doono sidii wax loo gaarsiin lahaa dadka ku tabaalaysan deegaanada ay Maamulaan ayna ugu hortagi lahaayeen wixii dhibaato ku ah.
Afhayeenka Xarakada Al Shabaab waxaa uu dhinaca kale sheegay cidda ka dambeysa dagaal beeleedyada qasaaraha gaystay ee ka taagan deegaanka Dhagtuur ee gobolka Mudug, wuxuuna sheegay in dagaal beeleedyadaasi ay hurinayaan islamarkaana ay qarashaad ku bixinaayaan ganacsato iyo sidoo kale dad qurbo joog ah.
Cali dheere waxaa uu ugu baaqay ganacsatada iyo qurbojoogta uu ku eedeeyay inay ka dambeeyaan hurinta dagaal beeleedyadaasi inay Alle ka baqaan oo halkii ay maalkooda ku bixin lahaayeen dagaalada ay ku bixinayaan dadka u dhimanaya gaajada iyo haraadka ka dhalatay abaarta.
Waa markii ugu horeysay oo Xarakada Al Shabaab ay sheegeen inay soo dhawaynayaan cidkasta oo u gar gaaraysa dadka ay abaartu saamaysay oo aan Muslim aheyn xili ay xusid mudantahay in horey Al Shabaab ay qaar ka mid ah Hay’adaha Samafalka uga mamnuuceen gobolada ay ka taliyaan ee Koofurta iyo bartamaha dalka Soomaaliya.
Aqriso oo la soco Shabelle.net Saacad Walba si aad u hesho wararkii ugu dambeeyay ee Soomaaliya.
NALA SOO XARIIR webmaster@shabelle.net