Page 1 of 1

Somali extremist slapping imam in SouthAfrica

Posted: Thu Jul 07, 2011 3:46 am
by AhlulbaytSoldier
Wiil soomaali ah oo dharbaaxay imaam masaajida layaabka soomaalida koonfur africa.

 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
Dalka koonfur africa oo ay ku noolyihiin soomaali aad u fara badan ayaa maalin walba wax aad maqleysa amaba aad arkeysaa waxyaabo gudaha dalkan kaaga yaabinaya balse soomaaliya markii la joogay aanan micno yaableh eheyn.
Ayadoo la wada xasuusto dhacdadii isbuuc ka hor ka dhacday xaafada ay soomalida ku badantahay ee belville oo qof soomaali ah uu toori kala dhex kacay muslimiin soo cibaadeystay ayaa hadane isbuucan waxaa dhacday in sheikh imaam masaajid ah la dharbaaxo.
Wiil magaciisa la iigu sheekay daa’uud carab ayaa habeenimadii talaadada salaada cishe markii laga baxay dharbaaxo kula booday imaamkii dadka salaada ka bixiyay oo la yiraah shiiq manaan.
Masjidka oo ku yaalo bartamaha magaalada cape town ayaa waxa ku duganayay soomaali iyo ajaanib kale oo aad u fara badan taasoo la yaab ku noqotay waxa uu sameeyay muwaadinkan u dhashay dalkeena soomaaliya.
Wiilkan ayaa hadalkiisa waxa uu ahaa maxaad u duceyneysaa salaada ka dib murtadyohow aanan diinta islaamka waxba ka aqoon.
Wiilkan ayaa waxa uu ku noolaa dalka mudo ka yar hal bil, waxaana la’aaminsanyahay in uu casharo badan ka soo bartay islaamiyiinta isku haya dalkeena soomaaliya.
dadkii ayaa arintani ay kawada fajacisay, ilinka hore ee masaajika waxaa lagu soo qoray hadii soomaaliyey aad masaajidka dadka ku dileysaan salada hasoo xaadirina.
Waxaa muuqato qaladaadkii muuqday ee aan ku heynay dalkeena in aan la nimid qurbaha aan ku noolnahay taasna waxa ay muujineysaa in arimaha dalkeena ka jira xitaa aysan eheyn diin ee siyaabo kale loo badalanayo.
Tags: maqal, muuqaal, Qoraal.


Retard. If SA authority do not arrest that brainless irhaabi, he will blow himself up amongst somali worshippers.