Madaxwaynaha dowladda Puntland Dr.Cabdiraxmaan Maxamed Faroole ayaa magacaabay gudoomiyaha gobolka Cayn iyo duqa magaalada Buuhoodle.
Wareegto kasoo baxday xafiiska madaxwaynaha ayaa gudoomiyaha gobolka Cayn loogu magacaabay Axmed Aadan Carab oo horay wasiir kuxigeenka arimaha gudaha iyo dowladaha hoose kasoo noqday xukuumadii Gen.Cade Muuse halka duqa magaalada Buuhoodle loo magacaabay Cumar Xaaji Cabdi.
Wareegtada madaxwaynaha Puntland ayaan lagu sheegin sababaha ka dambaysa xilka qaadista gudoomiyahihii gobolkaasi Xariir Maxamuud Axmed,waxaana xiriir ay Horseed Medi la sameesay gudoomiyihii hore ee gobolka Cayn uu sheegay inuusan waxba kala socon xilka qaadista lagu sameeyay.
Dhinaca kale duqa cusub ee degmada Buuhoodle Cumar Xaaji Cabdi ayaa noqonaya gudoomiyihii ugu horeeyay oo ay yeelato degmada Buuhoodle,tan iyo markii uu geeriyooday bishii May ee sanadkii 2010 duqii hore ee degmadaasi Marxuum Xuseen Dacwi Ducaale.
Waxaa lagu waday in dhowaan degmada Buuhoodle laga hiragliyo kastam, u dhaxeeya labada maamul ee Itoobiya iyo Puntland,kaasi oo lagu canshuurayo alaabaha isaga kala gudba labada dhinac,waxaana la filayaa inuu isbadalakan uu dardargalin u yahay hirgalinta arimahaasi.
Horseed Media.
M.Pland magacabay gudomiyaha gobolka Cayn iyo duqa Buuhoodle
Moderator: Moderators
- FBISOMALIA
- SomaliNet Super

- Posts: 9254
- Joined: Fri Oct 15, 2010 5:26 am
- Location: SSDF FOR LIVE , AUN AWOOWE AY
Re: M.Pland magacabay gudomiyaha gobolka Cayn iyo duqa Buuho
May Allah help them to meet the challenges of governing.
Amen
Amen
- FBISOMALIA
- SomaliNet Super

- Posts: 9254
- Joined: Fri Oct 15, 2010 5:26 am
- Location: SSDF FOR LIVE , AUN AWOOWE AY
Re: M.Pland magacabay gudomiyaha gobolka Cayn iyo duqa Buuho
Maamulkii Hore Gobolka Cayn Oo Soo Dhaweeyay Xil ka Qaadista Lagu Sameeyay
Buuhoodle ( RBC Radio) Maamulkii Hore Gobolka Cayn Puntland Ayaa soo Dhaweyay Xil ka Qaadis Uu ku Sameyay Madaxweyanaha dawlada Puntland C/raxmaan Maxmed Maxmuud Maalinti Shalay.
Xariir maxmuud Axmed Ayaa Ugu Horeyn Soo Dhaweyay Xil ka Qaadistan Kuna Tilmaamay Mid ka timid Masuuliyiinta Sare Puntland,isagana aan lagu soo Wargalin Warqad Xil ka qaadis ahna aan Loo keenin.
Gudoomiyihii Hore ee Gobolka Cayn ayaa intaasi Raaciyay In Xil Ka Qaadistiisa uu Ka Maqlay Idaacadaha Gudaha Puntland Balse aysan Jirin Wax Warqada ah Oo ka Timid Xafiiska Madaxweynaha Puntland oo soo gaadhay xafiiskiisa Magalada Buuhoodle.
isagoo ka hadlayay waxqabadkiisi ayuu sheegay in degmada Buuhoodle ay keenen Markii ugu Horeysay Hay’ado Gargaar Isla Markaasina haatan ay ka shaqeyaan, in ay Sidoo kale Ka Qaybqaateen Xubnaha Maamulkiisi Hore Nabadgalada Gobolka iyo daganashihiisa.
Waxaana uu Tibaaxay in uu soo Dhaweynayo Maamulka haatan loo soo Magacabay Gobolka Cayn ee madaxda uu Ka Yahay Axmed Aadan Carab.
Dhinaca Kale Gudoomiyaha Cusub ee Gobolka Cayn oo Saxaafada la hadalay ayaa sheegay in Magacabistiisa aan lagala Tashan Balse uu soo dhaweynayo habka ay u soo Xusheen wasaarada arimaha Gudaha iyo Madaxweynaha Puntland, isagoona Tibaaxay in uu Wax badan ka Qaban doono arimaha Amniga Iyo Kicinta Canshuuraha Guud ahaan Gobolka Cayn.
ugu Danbeytiina waxaa uu sheegay in uu ka rajeynayo Bulshada ku dhaqan Gobolka Cayn in ay kala qayb qaataan Horumarinta degmada io Guud ahaan Gobolka Cayn.
RBC News

-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 3 Replies
- 730 Views
-
Last post by FBISOMALIA
-
- 0 Replies
- 328 Views
-
Last post by EastAfrica
-
- 0 Replies
- 418 Views
-
Last post by FBISOMALIA
-
- 0 Replies
- 400 Views
-
Last post by FBISOMALIA
-
- 0 Replies
- 8806 Views
-
Last post by FBISOMALIA
-
- 0 Replies
- 329 Views
-
Last post by Ayub21
-
- 0 Replies
- 343 Views
-
Last post by MajorIgaare
-
- 0 Replies
- 541 Views
-
Last post by FBISOMALIA
-
- 3 Replies
- 763 Views
-
Last post by CismanMaxamud1
-
- 4 Replies
- 1234 Views
-
Last post by peace-