darwish kicked siiland out of sanaag

Dadka ku dhaqan ama ka imaaday gobolkan

Moderators: Moderators, Junior Moderators

User avatar
FBISOMALIA
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 9254
Joined: Fri Oct 15, 2010 5:26 am
Location: SSDF FOR LIVE , AUN AWOOWE AY

darwish kicked siiland out of sanaag

Post by FBISOMALIA »

Laas-qorey July, 09 Guddoomiyaha gobolka Sanaag Maxamuud Siciid Nuur (Dabeyl) ayaa Daljir u sheegey in maantey degmada Laas-qorey uu kusoo xirtey markab xaqiiqo raadin ah oo ka socdey dalka Britian, dabadeedna ay rasaas ku fureen ciidanka daraawiishta gobolka Sanaag.

Maxamuud Siciid Nuur, ayaa sidoo kale sheegey in markabkaan markii hore uu kusoo xirtey dekeda Berbera, deedna ay kulamo ku yeesheen dusha sare ee markabka saraakiil ka socotey dalka Britian iyo madaxda Somaliland oo uu ugu horreeya madaxweyne Axmed Siilaanyo.

Guddoomiyaha ayaa dhica kale sheegey in ciidanka daraawiishta gobolka Sanaag ay muujiyeen in Laasqorey ay gacanta ku-hayaan ciidamo Puntland ah, taasoo ay ku muujiyeen rasaastii ay ku rideen markabkaasi, kaddib uu dib uga noqdey degmada Laasqorey.

Dabeyl, ayaa ku sifeeyay ujeedka socdaal ee markabkaan xaqiiqo raadin ku saleysan deegaanada ay gacanta ku hayaan ciidamada Somaliland, waxuuna guddoomiyuhu hadalkiisa raaciyay in Somaliland ay majaro habaabineyso dawlada Britian oo ay been ka sheegeyso deegaano aysan gacanta ku heyninn.

Guddoomiyaha gobolka Sanaag Maxamuud Siciid Nuur ayaa sidoo kale Daljir waxaa uu u xaqiijiyay in deegaano ka mida gobolka Sool ay joogaan wafuud ka socota dalka Britian kuwaasoo xaqiijinaya xaduudaha iyo baaxada dhulka ay Somaliland ka taliso, balse waxaa uu meesha ka saarey ineysan imaan karin wafuudaani gobolka Sanaag.

Ugu dabeyntii Maxamuud Siciid Nuur gudoomiyaha gobolka Sanaag ayaa sheegey ineysan ka baqeynin maamulka Somaliland inuu qabsado gobolka Sanaag, waxaase uu sheegey haddii ay faragalintu sii socoto inuu dhacayaan dagaallo sababa dhimasho iyo dhawaac badan sababtiisana ay yeelan doonto maamulka Somaliland.

Maxamed C/laahi Cali
Kooshin Daljir Garowe
User avatar
FBISOMALIA
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 9254
Joined: Fri Oct 15, 2010 5:26 am
Location: SSDF FOR LIVE , AUN AWOOWE AY

Re: darwish kicked siiland out of sanaag

Post by FBISOMALIA »

http://horseedmedia.net/2011/07/09/mark ... ka-sanaag/
interview with guddoomiaha sanaag puntland about siiland ambush
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Provinces - Sanaag”