Gaadiidka dadwaynaha ee magaalada Garoowe oo sameeyay shaqo joojin
Wadayaasha gaadiidka dadwaynaha ee magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland ayaa maanta sameeyay shaqo joojin,kadib markii ay ka cawdeen sicir barar ku yimid qiimaha shidaalka iyo qarashaadka lagu raaco gaadiidka dadwaynaha oo noqday kuwa aan dabooli karin baahiyahooda.
Qaar ka mid ah dareewalada gaadiidka ayaa saaka cabasho ka muujiyay sicirka shidaalka iyo qiimaha ay ku raraan gaadiidka dadwaynaha,waxaana ay cabashadooda u gudbiyeen dowladda hoose ee magaalada Garoowe si’ay wax uga qabato arintan.
Xoghayaha dowladda hoose ee magaalada Garoowe Qaasin Maxamed Cali oo la hadlay Horseed Media kadib markii ay cabasho soo gaarsiiyeen dareewalada gaadiidka ayaa waxaa uu sheegay in dareewalada u soo gubiyeen inay ku taageeraan in lacag kun shilin Soomali ah in loogu daro qiimaha ay ku raraan gaadiidka oo horay u ahayd sadex kun oo Sh.So. ah.
Waxaa uu sheegay xoghayaha dowladda hoose inay jirtay dhibaatooyin la xariirta qiimaha lagu raaco gaadiidka,waxaana uu sheegay inay isla garteen in arintan ay kawada hadlaan maalinta bari,isagoona sheegay inay kala hadli doonaan arimo badan oo ka mid tahay horumarinta wadooyinka magaalada Garoowe.
Shaqo joojinta ay sameeyeen dareewalada gaadiidka ee magaalada Garoowe ayaa imaanaysa xilli magaalooyinka Boosaaso iyo Gaalkacyo lagu raaco gaadiidka dadwaynaha ee ka shaqeeya xaafadaha magaalooyinkaasi lacag dhan 5000 Sh.So. ah.
Maxamed Saciid Yuusuf
Wakiilka Horseed Media
Garoowe,Puntland.
puntlanders protest agains car petrol
Moderator: Moderators
- FBISOMALIA
- SomaliNet Super

- Posts: 9254
- Joined: Fri Oct 15, 2010 5:26 am
- Location: SSDF FOR LIVE , AUN AWOOWE AY
-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 0 Replies
- 563 Views
-
Last post by Daanyeer
-
- 35 Replies
- 2778 Views
-
Last post by STARKAST
-
- 2 Replies
- 465 Views
-
Last post by Goljano Lion
-
- 6 Replies
- 806 Views
-
Last post by musika man
-
- 3 Replies
- 629 Views
-
Last post by Unclebin-
-
- 10 Replies
- 995 Views
-
Last post by Twisted_Logic
-
- 1 Replies
- 7752 Views
-
Last post by accident
-
- 6 Replies
- 2006 Views
-
Last post by Addoow
-
- 9 Replies
- 1875 Views
-
Last post by InoCabdi
-
- 18 Replies
- 1211 Views
-
Last post by LadyKastumo