BREAKING NEWS the founding mother of Beled Hawo died

Dadka ku dhaqan ama ka imaaday gobolkan

Moderators: Moderators, Junior Moderators

User avatar
CoolPoisons
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 10533
Joined: Sun Dec 16, 2007 7:23 am

BREAKING NEWS the founding mother of Beled Hawo died

Post by CoolPoisons »

Alla Ha U Naxariistee Hooyadii Loogu Magacdaray Magaalada B/Xaawo Oo Geeriyootey.

[2011-07-10 03:22:23] Magaalada B/xaawo ee gobolka Gedo ayaa la sheegayaa inay shalay galinkii dambe ku geeriyootey Marxuumad Xaawo Cali Guray oo ahayd hooyadii loogu magacdaray magaca B/xaawo ee Gobolka Gedo.

Dadka Taariikhda haya Hooyadaasi ayaa sheegey inay Maamo Xaawo ay iyadu aas aastey Magaalada B/xaawo ee gobolka Gedo isla markaasna loogu magacdaray,waxaana magaaladaasi la sheegey in si weyn looga dareemay geerida marxuumadaasi.

Gebagabadii Alla ha u naxariisteen Marxuumada Xaawo Cali Guray ayaa la sheegayaa inay da'deedu kor u dhaaftey in ka badan 100 sano,waxaana la sheegayaa in saaka lagu aasi doono magaalada B/xaawo.

Xafiiska warqabadka
Allwariye media Online
Mandheere,Kiiniya

Hadaba Halkan hoose ka aqri Taariikhda Marxuumada geeriyooday ee Xaawo Gurey.

Beledxaawo ama Buuloxaawo) waa magaalada labaad ee ugu weyn gobolka Gedo kuna taalla mid ka mid gobolada ugu weyn ee soomaaliya ku yaalla. Magaalada Beledxaawo waxay dhacdaa koonfurta galbeed ee Soomaaliya. Baledxaawo waxay leedahay airport weyn, waana goob muhiim ah oo ku taalla bartamaha ganacsiga gaar ahaan degaan ku wanaagsan ganacsiga oo xuduudda la leh saddex xagalka Kenya, Soomaaliya Iyo Ethiopia.
Magaca Rasmiga ah ee magaalada waa Buulloxaawo, kaasoo macne ahaan loola jeedo Aqalkii- Xaawo.

Waxaana lagu magacaabay magaalada, iyadoo lagu sharfay qofkii ugu horeeyay ee dega magaalada oo ahayd haweenay lagu magacaabo Xaawo Xuseen Cali Gurey oo soo degtay magaaladan oo ahayd keyn geedo badan qarnigii 20aad bilowgiisii.

Xaawo Oo u dhaxday askari soomaali ah oo la oran jiray (Khalif Shire) oo xiligaasi ka shaqaynayay magaalada Mandheera ee Sohdinta Kenya ayaa waxa ay sidoo kale tahay mid ka mid ah haweenka ugu magaca dheer soomaaliya marka la eego taariiqda dumarka ee dhulka soomaalida.waxaana ay matashaa mid ka mid astaamaha dhaxal galka ah ee qariirada Soomaaliya.

Xaawo Xuseen Cali ayaa markii ugu horaysay xiligaas guri yar oo ka samaysan aqal soomaali ka dhisatay meel ku dhaw xuduuda xadka kala bara soomaaliya iyo Kenya.waxaana goobtaasi ay durbaba noqotay bar ay ku nastaan dadka safarayda ah oo xoolaha u wata dhankaas iyo dhulkii loo yaqaanay NFD oo waqtigaas fariisin u ahaa ciidamadii Ingiriiska ee mustacmarka .

Xaawo ayaa meherad yar oo ay halkaasi ku lahayd waxa ay ku iibin jirtay waxyaabaha ay u baahanyihiin dadka safarayda ah.

Magaalooyinka Baardheere, Luuq Iyo Garbahaaray ayaa ka mid ahaa goobaha ay ka imaan jireen dadka safarayda ah waqtigaasi sida ay inoo sheegtay Xaawo Xuseen.

Haweenaydan oo taariiq dheer ku leh G/Gedo ayaa kulan gooni ah oo aan la yeelanay waxa ay dib u jaleecday waqtiyadii iyo taariiqihii ay ka soo martay goobta ay degaanka ka samaysatay.

“Anigu waxaan soo degay halkaan ,aniga oo watay carruurtayda,waxaana xiligaas ka soo guuray magaalada Wajeer waayo waxaa nalagu amray inaan ka guurno halkaas,nin walba qabiilkiisa ha u guuro inkastoo Ninkaygu uu ahaa Askari u shaqaynayay Mustacmarkii Ingiriiska Ee NFD,waxaan nimid magaalada hadda loo yaqaano Mandheerra halkaas ayaan degnay laakiin maalmo ka dib ayaan soo guuray waxaan ku iri askarigii Ingiriiska ahaa ee halkaasi xukumayay anigu ma rabo inaan deganaado goobtaasi waayo anigu rag ciidan ah oo sidaan u badan ma dhex deganaan karo markaasna ninkaygu waa uu maqnaa oo waxa uu jiray dhinacaas iyo Nairobi, haa, haa sidaas ayaan ku soo degay meeshaan”ayay tiri Maamo Xaawo oo cod nuxuus ah iigula hadlaysay.

Xaawo ayaa intaasi ku dartay in xilligii ay soo degtay Baledxawo aysan jirin cid deganayd .waxaana xiligaasi ka baxayay geedka loo yaqaano qaraanqarbo oo si weyn tan iyo maanta caan ugu ah.

Ma Jirtaa wax dhib ah oo aad ka soo martay imaanshihii aad halkaan timid ayay ahayd su’aashii aan hordhignay Xaawo Xusseen.

“ Haa,haa way jireen subax kastaa ayuu imaan jiray Srg Arison oo xukumi jiray gobolkan waxaana uu igu oran jiray ;weewe haama, weewe haama tu, oo uu kala jeeday hadda guur ka guur ayuu igu oran jiray” ayay tiri

Suaashii labaad ee aan waydiiyay Xaawo ayaa ahayd .yaa bixiyay magaca Xaawo sideese ku baxay?

“Ma aqaan, dadkii iigu yimid ayaa bixiyay magaca, waxay oran jireen Buulkii Xaawo, safarayda ayaa sidaas oran jirtay”. ayay ku jawaabtay.

Dhab ahaantii markii ay xusuusanaysay taariiqdii dheereed oo ay soo martay ayaa waxaa ku matashay sidii guri meel cidla ah ka dhisan,iyadoo tilmaamtay in sanado ka dib ay ka guurtay halkii ay iyadu soo degtay .waxaana ay sheegtay inay u guurtay dhankaas iyo gobolada kale ee dalka.

Muuqaalka Haweenaydan ayaa ah mid ka duwan ,astaamo horay ay wareyiyaal ku sugan gobolka uga soo qaadeen muddo saddex sano ka hor.waxaana iminka u kordhay da’ iyo waayeelnimo,kaasoo ka dhigay midka aad haatan daawanaysaan.waxaana ay awoodi waysay inay soo fariisato iskaba daa inay fariisan sida ay noo sheegtay waxaa ku soo kordhay xaawo xanuun dhinaca wadnaha kaasoo hayay muddooyinkan dambe.

Magaaladan waxaa si rasmi ah dib loogu habeeyay horaantii 1960kii ka dib markii uu Ingiriiska oo gumaysanayay dhulka NFD uu calaamadeeyay sohdinta xiligaasi oo ay soomaaliya qarka u saarneed in ay xoriyadeeda hanato.

Magaalada Baledxaawo waxa ay soo martay 1985 in ay noqotay caasimada Gobolka waayo ahmiyada ay u leedahay ganacsiga iyo isku socodka dadka gaar ahaan iyada oo xiriir dheer oo ganacsi la leh wadama Kenya,Ethiopia iyo waliba dekada magaalada Kismaayo waxaana taasi ay ka dhigtay magaaladan mid leh fursad hanti iyo dhaqaale.

Magaalada baledxawo waxaa ay mutaysatay in ay heesho iyo ciyaaro ay ka sameeyaan fanaaniin soomaali ah oo caan ah ,kuwaasoo ku amaanay dhulka ay geographi ahaan ku taallo iyo ahmiyadeeda.

Si ka duwan sida ay na xusuusisay xaawo ayaa maanta Baledxawo waxa ay tahay goob mataal ahaan ah sida magaalooyinka kale ee soomaaliya u waawayn yihiin sida magaalooyinka Baledweyne Amaba xittaa Baydhabo. waxaana si weyn u kordhay dhismayaalka iyo shacabka oo aad ugu soo badanayay wixii ka dambeeyay sanadihii uu dalka ka dhashay kaceenkii uu hogaaminayay ALLAHA U NAXARIISTEE GEN MOHAMED SIYAD BARRE, waxaana magaaladan ay bud dhig u noqotay Maahmaahdii soomaaliga ahayd ee la oran jiray magaalo ama xeeb ka dag ama xuduud ka dag.

Magaalada waxa ay soo martay marka la eego taariikhda waxa ay soo martay waayo-aragnimo dhinaca dagaalada ah ,kuwaasoo curyaamiyay hormarka xaga dhaqaalaha iyo waxbarasho wixii ka bilowday dagaalkii Caydiid iyo dadka deegaanka. Waxaa sidoo kale la degay horumarka degmada dagaaladii kharaaraa ee u dhaxeeyay Al Itahaad iyo SNF, kaba sii darane dagaalo kale oo Ahli ahaa kuwaasoo ay ku dhinteen boqolaal ruux wixii ka bilowday 1999kii.

Maamul

Axmed Maxamed Yuusuf oo si weyn loogu yaqaano Burkuus ayaa haatan ah guddoomiyaha Deg.B/xawo ,waxaana sidoo kale magaaladu ay leedahay maamul dhinaca Amniga ah oo taliye saldhig uu ka yahay Nin lagu magaacbo Sh Xasan Cabdi Maxamed dhinaca Maxkamada waxaa Guddoomiyaha Maxkamada ah wadaadka lagu magaacbo —Sh Barre. Baledxaawo caadiyan waa magaalo xiriir wanaagsan oo dhinaca maamulka uu kala dhaxeeyo Deg. Dariska la ah ee Mandhera. Maamulku waxa uu si toos ah ula macaamilaa saraakiisha xaga Kenya oo ay si wada jir ah uga shaqeeyaan nabadgelyaga sohdinta maadaama ay jireen muddooyin badan oo la soo dhaafay dhaca gaadiidka oo ku soo badanayay sohdinta.

Baledxaawo / Baled Hawo

Country :Soomaaliya
Region :Gedo
District :Baledxaawo
Government :Community Based
Mayor Ahmed :Mohamed Yusuf
Deputy Mayor :No
Population Total :80,000 est.
Time zone :East Africa Time

Waxaa Soo Diyaariyay Barmaamijkan Weriyayaasha G/Gedo
Maxamed Gaarane Aadan Iyo Sanweyne Aleuxiir( Sanka)
+2525 (0) 996132 aleuxiir@hotmail.com
+2521 5598706 Tel: +254722931982
+25215521994
+254 (0) 722687097
gaarane68@hotmail.com
quark
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 7820
Joined: Sat Oct 16, 2010 1:22 pm
Location: Xarunta Xisbiga Gooni Isu Taaga Dal udug

Re: BREAKING NEWS the founding mother of Beled Hawo died

Post by quark »

AUN
User avatar
mudugawi
SomaliNetizen
SomaliNetizen
Posts: 697
Joined: Wed Jun 17, 2009 5:10 pm
Location: Ras Asir to Ras Kamboni

Re: BREAKING NEWS the founding mother of Beled Hawo died

Post by mudugawi »

allaha u naxariisto marxuumada
User avatar
udun
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 9018
Joined: Sat Apr 03, 2010 12:11 pm

Re: BREAKING NEWS the founding mother of Beled Hawo died

Post by udun »

AHUN
User avatar
kismayogedojubaland
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 1115
Joined: Sun Jul 25, 2010 12:20 pm
Location: Ceelcade, Gedo, Jubbaland State of Somalia

Re: BREAKING NEWS the founding mother of Beled Hawo died

Post by kismayogedojubaland »

allaha u naxariisto ayeeyo janatul firdoosa allaha haa geeyo...amiin :rose:
User avatar
Knight of Wisdom
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 6609
Joined: Thu Aug 27, 2009 1:56 pm
Location: Eiffel Tower

Re: BREAKING NEWS the founding mother of Beled Hawo died

Post by Knight of Wisdom »

AUN....I heard she died at the age of 128 years old. :shock:

I'd be disappointed if no one interviewed her when she was alive and wrote down the stories and experiences she has seen thru out her life. :|
User avatar
Barkhadd
SomaliNetizen
SomaliNetizen
Posts: 993
Joined: Wed Dec 01, 2010 6:05 am
Location: be good

Re: BREAKING NEWS the founding mother of Beled Hawo died

Post by Barkhadd »

AUN
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Provinces - Gedo”