Gaalkacyo (RBC Radio):- Dowladda Puntland ee Soomaaliyeed ayaa la soo wareegtay maleeshiyo beeleed ku sugnaa degmada Xarfo ee gobolka Mudug.
Maleeshiyo beeleed in badan ku sugnaa degmada Xarfo isla markaana halkaasi ku qaatey tababaro ayaa waxaa si rasmi ah maanta loogu wareejiyay dowladda Puntland si ay uga mid noqdaan ciidamada dowladda Puntland.
Xaflad loo sameeyay wareejinta maleeshiyaadkaasi ayaa waxay ka dhacday degmada Xarfo ee gobolka Mudug waxaana xafladaasi ka soo qeybgalay Mas’uuliyiin ay ka mid yihiin Wasiir xigeenka Arimaha Gudaha Mudane Cali Yuusuf Cali (Xoosh), Taliyaha Madaxtooyada Puntland Cumar C/laahi Faraweyne iyo Gudoomiyaha Guddiga Amniga iyo Maamulka Gobolka Mudug Mudane Maxamuud C/raxmaan Cuuke iyo Saraakiil ciidan oo ka tirsan maamulka gobolka Mudug.
Maleeshiyaadkani lagu wareejiyay dowladda Puntland ayaa la filayaa in ay qeyb ka noqdaan ciidamada Puntland ee ka howlgala gobolka Mudug kuwaasi oo xoojin u noqon doona ciidamada ku sugan magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug.
pland Lasoo Wareegtay Maleeshiyo Beeleed Kusugnaa G.mudug
Moderator: Moderators
- FBISOMALIA
- SomaliNet Super

- Posts: 9254
- Joined: Fri Oct 15, 2010 5:26 am
- Location: SSDF FOR LIVE , AUN AWOOWE AY
-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 0 Replies
- 248 Views
-
Last post by SLEW_DEM
-
- 1 Replies
- 417 Views
-
Last post by CismanMaxamud1
-
- 26 Replies
- 2279 Views
-
Last post by Samatr
-
- 7 Replies
- 1803 Views
-
Last post by Nubis
-
- 17 Replies
- 3244 Views
-
Last post by udun
-
- 8 Replies
- 1365 Views
-
Last post by Somalistan
-
- 3 Replies
- 15759 Views
-
Last post by Bermooda
-
- 9 Replies
- 1656 Views
-
Last post by AhlulbaytSoldier