Xog ku Aaadn Wafdi Ingiriis ah oo ku Sugan Laascaanood

Dedicated for Puntland politics and affairs.

Moderator: Moderators

User avatar
FBISOMALIA
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 9254
Joined: Fri Oct 15, 2010 5:26 am
Location: SSDF FOR LIVE , AUN AWOOWE AY

Xog ku Aaadn Wafdi Ingiriis ah oo ku Sugan Laascaanood

Post by FBISOMALIA »

Laascaanood(Puntlandi.com);- Magalada Laascaanood ee xarunta Gobolka Sool ayaa maalmihii udanbeeyay waxaa ku sugnaa wafdi ka socda dawlada Britain waxaana qorshaha wafdigaa Puntlandi.com uga waramay wariye madaxbanaan oo ku sugan laascaanood.
Saxafigan ayaa ka gaabsaday in magaciisa aan soo xigano hase yeeshee waxaa uu sheegay in qorshaha wafdigan uu yahay qorshe balaaran salkana ku hay sidii Dawlada Britain mamulka Somaliland gacan ugu hanashada guud ahaan Gobolka Sool iyo qaybkamida Gobolka Sanaag.

Waxaa uu sheegay in ay wadaan qorshe xadaynta xuduuda iyo in dhaqaale ay ku kaabaan mamulka Somaliland waxaana uu sheegay in gacan lagu siinayo mamulka somaliland sidii ay ulawareegilahaayeen Laascaanood iyo deegaano katirsan Dhulka Puntland waxaana uu ku tilmaamay qorshe guracan oo Dawlada Britain dabada kariixayso.

Qaybkamida qorsha ay wado Dawlada Britain ayaa fashilmay kadib markii ciidamada Daraawiishta iska hortaageen in markabka xaqiiqa raadinta ee horkacaya wafdigaa uu ku soo xirto xeebta degmada laasqoray.

Qaarkamida dadka deegaanka oo Puntlandi.com lahadlay ayaa sheegay in ay ka soo horjeedaan talaabooyinka hagardaamadaa ee mamulka somaliland iyo Dawlada Britain wadaan waxaana ay sheegeen in marnaba aysan dhicidoonin in dhulka Puntland loo sharciyeeyo Somaliland.

Waxaa ay sheegeen in qorshahan uu yahay mid balaaran waxaana madaxda Puntland ugu baaqeen in hurdada kakacaan kana feejignaadaan qataraha ku soo wajahan.
User avatar
FBISOMALIA
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 9254
Joined: Fri Oct 15, 2010 5:26 am
Location: SSDF FOR LIVE , AUN AWOOWE AY

Re: Xog ku Aaadn Wafdi Ingiriis ah oo ku Sugan Laascaanood

Post by FBISOMALIA »

puntland has to move fast in international courts to stop english man offensive toward puntland towns , at same time we asking US to move fast to stop British helping queen orphans from making north somalia war zone .
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Puntland”