Maxkamada Ciidanka Pland maanta xukunti riday 50 Askari
Posted: Sun Jul 10, 2011 2:38 pm
Boosaaso: (pp)- Maxkamada Ciidamada qalabka sidda ee Dowlada Puntland ayaa maanta xukuno kala duwan ku riday 50-Askari oo ka mid ah Ciidamada Puntland kuwaasi lagu soo eedeyay Danbiyo kala duwan.
Ciidamadaani oo gaaraya 50 Askari ayaa waxaa la sheegay inay geesteen danbiyo kala duwan oo kala ah dilal, dhaawacyo, jidgooyo, burcadnimo, kufsi iyo qoryo ay lunsadeen, kuwaasi oo ay maanta ay xukuntay maxkamada ciidanka qalabka Sida ee magaalada Boosaaso.
Xeer ilaaliyaha guud Ciidamada qalabka Sida ee Dowlada Puntland C/xakiin Xasan Fardhiye oo maanta u waramayay warbaahinta Daljir xarunteeda Magaalada Boosaaso ayaa tilmaamay in 30 Askari lagu xukumay Dil toogasho ah iyo xabsi sano badan ah, halka 20-kii kalena Sida uu sheegay xeer ilaaliyu la siidaay ka dib markii lagu waayay wax danbi ah .
Ciidamadaani ayaa la sheegay inay ka mid yihiin Ciidamada Daraawiisha Puntland ,waxayna ka kala tirsanaayeen ciidamada daraawiishta ee gobalada Bari , Karkaar iyo Sanaag , waxaana jira Ciidamo ka mid ah kuwo amaanka oo sidaani kale xukumo kala duwan lagu fuliyay ka dib markii la sheegay inay geesteen fal-danbiyeed kala duwan.
Xeer ilaaliyaha Maxkamada Ciidamada qalabka Sida ayaa intaas raaciyey inay sidaan oo kale ay Maxkamad lala tiigsan doono askari walba oo sharciga ku xad gudba, isla markaasna sameeya Danbiyo ka madax banan sharciga u dagan Ciidamada Puntland,wuxuuse ugu danbayntii ugu baaqay Ciidamada inay bulshada si wanaagsan ugu adeegaan .
Waa markii ugu horaysay maamulka Puntland inta taariikhda la og yahay ay maxkamad soo taagaan 50 askari oo ka tirsan ciidanka daraawiishta Puntland, kuwaas oo lagu xakumay intooda badan dil iyo Xabsi, kaddib markii ay ku kaceen falal danbiyeedyo ka soo horjeeda dhaqanka Islaamka oo ay ka mid yihiin Dilal, ku xadgudub hanti qaran iyo Kufsi , iyo Isbaaro dhigasho, waxaase la isweydiinayaa Maamulka Puntland ma yahay kuwo fulinaaya xukumada ay rideen , maadaama ay xabsiyada Puntland ay ka buuxaan kuwo horay loo xakumay iyo kuwa aan la xukumin intaba