
Boosaaso:(Allpuntland)-Eebe ha uraxmadee Taliyihii hore ee Ciidamada Booliska dawlada Puntland Jen.Nuur Salaad Muuse Ayaa Maanta ku geeryooday magaalada Boosaaso ee xarunta dhaqaalaha Puntland halkaas oo beryihii ugu danbeeyey uu ku jiray Isbitaal kadib markii ay liidatay Xaaladiisa caafimaad oo mudooyinkii u danbeeyey aan kasoo rayn lahayn islamarkaasna xanuuno kaladuwani ay hayeen, Waxaana eebe ha ruxmadee Taliyihii hore ee Booliska Puntland lagu dabiibayey isbitaalka weyn ee Puntland Hospital halkaas oo lagu dabiibayey ilaa dhimashadiisa.
Eebe ha ruxmadee Jen.Nuur Salaad wuxuu mudoo dheer kamid ahaa Saraakiisha Puntland ee daroojooyinka sare ka gaaray heerka Sarkaalnimada, sidookalena wuxuu kamid ahaa dadka sida weyn loogu qadariyo loogana danbeeyo xushmadna kuleh hormarinta Amaanka ee Mandiqada Puntland ay caan ku tahay islamarkaasna wuxuu kasakow ahaanshihiisii taliyihii guud ee Booliska Puntland sidoo kale soo qabtay xilka Taliyaha booliska ee qaarkamid ah qaybaha booliska ee gobolada dalka, isagoo sidoo kalena kamid ahaa madaxdii sida weyn ugu mashquulsanayd hormarinta amaanka iyo habaynta ciidamada Puntland tan iyo markii dhidibada loo tagay dawlada Puntland ee Soomaaliyeed 13-Sano ka hor.
Xubno badan oo kamid ah Qaybaha kaladuwan ee Bulshada Puntland ayaa maanta ka qeybgalay Aaska Taliyihii hore ee Booliska Puntland oo islamaanta ka dhacay magaalada Boosaaso, Waxaana sidoo kale tacsiyeyn iyo dareen murugoleh muujiyey dhamaan xubnaha kaladuwan ee Golayaasha Puntland iyadoo ay si gaar ahna tacsidan u direen gudiga cusub ee doorashooyinka Puntland, Wasiirka Wasaarada Caafimaadka dawlada Puntland Dr.Cali Cabdullaahi Warsame, Wasiirka Wasaarada waxbarashada Cabdifaarax Siciid, Wasiirka hormarinta haweenka iyo Arimaha Qoyska Marwo.Caasho Geelle Diiriye, Wasiiru-dawlaha wasaarada Qorsheynta iyo xiriirka caalamiga ah Dr.Cabdulqaadir Cabdi Xaashi, Wasiir xigeenka Wasaarada Arimaha gudaha, dawladaha hoose iyo hormarinta reer miyiga Cali Yuusuf Cali iyo Xubno kaladuwan oo kamid ah golayaasha dawlada Puntland kuwaas oo APL lasoo xiriiray islamarkaasna tacsi balaaran u diray dhamaan shacabka reer Puntland oo dareemay dhimashada Jeneraalka.
Cabdiqani Xayir
Allpuntland