Masuuliyiin katirsan Puntland oo sameeyay xil wareejin

Dedicated for Puntland politics and affairs.

Moderator: Moderators

User avatar
FBISOMALIA
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 9254
Joined: Fri Oct 15, 2010 5:26 am
Location: SSDF FOR LIVE , AUN AWOOWE AY

Masuuliyiin katirsan Puntland oo sameeyay xil wareejin

Post by FBISOMALIA »

Image

Waxaa maanta lagu qabtay xarunta wasaaradda qorshaynta iyo xiriirka caalamiga Puntland ee magaalada Garoowe munaasabad ay xilalka ku kala wareegayeen agaasimaha cusub ee wasaaradda qorshaynta iyo xiriirka caalamiga Puntland Faysal Saciid iyo agaasimhii hore ee wasaaradda Maxamed ismaaciil.

Munaasabada oo ay kasoo qaybagaleen masuuliyiinta xilalka isku wareejinaysay iyo shaqaalaha wasaaradda qorshaynta iyo xiriirka caalamiga Puntland ayaa waxaa ugu horeyn ka hadlay wasiirka wasaarada qorshaynta iyo xiriirka caalamiga Puntland Dr.Dau’ud Maxamed Cumar.

Wasiirka qorshaynta Dr.Daa’uud Maxamed Cumar ayaa sheegay in ajandaha munsaabada ay tahay mid la isbarayo agaasimaha cusub ee wasaaradda qorshanta Faysal Saciid oo uu dhowaan madaxwaynaha Puntland u magacaabay xilkan iyo howlwadeenada wasaaradda.

Waxaa uu sheegay agaasimaha cusub inuu yahay mid aqoon u leh howlaha loo igmaday,islamarkaana uu wax wayn ka badali doona howlaha wasaarada,waxaana uu soo jeediyay shaqaalaha wasaaradda qorshanta inay la shaqeeyaan masuulka cusub ee loo magacaabay agaasimaha wasaaradda.

Agaasimihii hore ee wasaaradda qorshaynta Maxamed Ismcaail oo goobta ka hadlay ayaa waxaa uu sheegay in wasaarada ay ka koobantahay xafiisyo kale duwan oo kala ah:

1-Waxaad qorshayant iyo mashaariicda
2-Waaxda maamulka
3-Waxada tiro koobka
4-Waxaada Kormeerka Iyo qiimaynta
5-Waaxda xiriirka caalamiga ah
6- Waaxda xiriirka wasaardaha.

Waxaana uu sheegay agaasimihii hore ee wasaaradda in wasaaradda leedahay xafiisyo ka kooban 13-qol,howlalka shirarka iyo xafiiso kale duwan oo ku yaala qaybo ka mid ah
gobolada Puntland,waxaana uu intaasi ku daray in buugaag badan oo ay soo saartay wasaaradda inuu ka wareejinayo agaasimaha cusub ee wasaaradda si loogu sii shaqeeyo.

Agaasimaha cusub ee wasaaradda qorshaynta iyo xiriirka caalamiga Faysal Saciid oo ka hadlay goobta ayaa waxaa uu sheegay inuu uga mahadcelinayo agaasimihii hore ee wasaaradda Maxamed Ismaaciil qaabkii uu xilka ugu wareejiyay,waxaana uu ka codsaday shaqaalaha wasaaradda qorshaynta iyo xiriirka caalamiga inay la shaqeeyaan.

Agaasimaha cusub ee wasaaradda qorshaynta Faysal Saciid ayaa xilkan loogu magacaabay wareegto kasoo baxday xafiiska madaxwaynaha Puntland Dr.Cabdiraxmaan Maxamed Faroole.

Maxamed Saciid Yuusuf
Wakiilka Horseed Media
Garoowe,Puntland.
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Puntland”