Taariikh nololeedkii taliyihii hore ciidanka booliska pland

Dedicated for Puntland politics and affairs.

Moderator: Moderators

User avatar
FBISOMALIA
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 9254
Joined: Fri Oct 15, 2010 5:26 am
Location: SSDF FOR LIVE , AUN AWOOWE AY

Taariikh nololeedkii taliyihii hore ciidanka booliska pland

Post by FBISOMALIA »

Image

ALLAH unaxariistee taliyihii hore ee ciidanka booliska Puntland Nuur Muuse cali(Nuur Salaad) wuxuu ku dhashay magaalada Garoowe ee caasumada Puntland sanadka markuu ahaa 1923-kii.

Wuxuu waayihiisa waxbarsaho dugsi hoose,dhexe iyo sare uu ku qaatay magaalada Baladwayne ee xarunta gobolka Hiiraan,waxaana uu ku hadli jiray afar luuqadood oo kala a h:

1-Talyaani
2-English.
3-Carabi iyo Sawaahili.

Wixii waqtigaasi ka dambeyay wuxuu tababaro kala duwan uu kusoo qaatay wadamada Kenya Ugadha iyo wadamo kale.

Inta uu noolaa wuxuu guursaday saddex haween ah,waxaana uu dhalay 11- carruur ah oo 4-ka mid ah ay yihiin wiilal.

Waxaa sheegid mudan in tirada guud ee caruurta uu dhalay iyo waxa ay sii dhaleen inay gaarayaan 36-qof.

Xilalkii uu soo qabtay inta uu noolaa.

ALLAH ha’unaxariistee Nuur Muuse Cali(Nuur Salaad) waxaa xilal kala duwan uu ka soo qabtay dowladihii rayidka iyo milatariga ahaa ee wadanka ka ariminayay muddo ku siman 31-sano,waxaa sidoo kale uu xilal kala duwan ka qabtay maamulka Puntland.

Marxuum Nuur Muuse Cali”Nuur Salaad” waxa eheladiisa ay Horseed Media u shegeen in qiyaastii isaga oo 18-sano jir ah uu ku biiray ciidamada booliska,xilligaasi oo wadanka uu ka ariminayay gumaystihii Talyaaniga.

Markaynu si qoto dheer u fiirino xilalkii uu soo qabtay xornimadii kadib ayaa waxa ay kala ahaayen:

Sanadihii 1960-1963-dii wuxuu ahaa xisaabiyaha ciidanka daraawiishta ee gobolka Hiiraan ee gobolada dhexe ee dalka Soomaliya.

1965-1966-dii wuxuu ahaa taliyaha saldhig degmada Baraawe gobolka Shabeelada Hoose.

1967 -1970-kii wuxuu ahaa taliyaha saldhig ee degmada Janaale gobolka Shabeelada Hoose.

1970-1971-dii wuxuu qayb kaa ahaa saraakiil tababar ku qaadatay iskuul buluusiyo ee magaalada Muqdisho,waxaana uu halkaasi ku qaatay xidig waqtigaasi.

1971-1973 wuxuu ahaa taliyaha saldhiga degmada Hobyo ee gobolka Mudug..

1974 wuxuu noqday taliyaha saldhiga degmada Baladxaawo ee gobolka Gedo,halka sanadkii 1975 uu guddoomiye degmo ka noqday isla degmadaasi.

1977 ala ha u naxariistee Gen Nuur Salaad wuxuu qayb ka ahaa saraakiishii ka qaybgalay dagaalkii dhexmaray dowladaha Soomaliya iyo Itoobiya.

1978 wuxuu koorso tababara uu ku soo qaatay wadanka Bulgaria.

1980-1983-dii wuxuu noqday taliyaha saldhiga degmada Bu’aale gobolka Jubada Hoose.

1984-1985 taliyaha ciidanka daraawiishta ee gobolka Bakool.

1986 isagoo Gaashaanle sare ah ayaa loo soo magacaabay taliyaha daraawiishta gobolka Nugaal.

1986-1990-kii isagoo ah taliyaha daraawiishata gobolka Nugaal ayaa dowladii dhexe ee Soomaliya ay u magacawday inuu ka shaqeeyo hirgalita wadada laamiga ah ee isku xirta Boosaso iyo Garoowe.

Wuxuu qayb ka noqday masuuliyiintii Somaliyeed ee halganka u galay dhismaha wadada laamiga ah ee ay isticmaalaan dadawayaha reer Puntland iyo kuwa Somaliyeed.

Xilalkii uu kasoo qabtay Puntland.

AUN Nuur Salaad 11-kii sano ee ugu dambeeyay wuxuu xilal kala duwan ka soo qabtay maamulka Puntland,xilalka uu ka soo qabtay Puntland ayaa waxaa ay kala ahaayen:

Aasaaskii Puntland kadib wuxuu noqday Nuur Salaad taliyaha booliska gobolka Nugaal xukuumadii uu hormuudka Cabdulaahi Yuusuf Axmed.

Sanadkii 2006-dii waxaa Gen Cade Muuse oo ahaa madaxwayanaha Puntalnd uu u magacaabay taliyaha ciidanka booliska Puntland,waxaana dadka aqoonta durugsan u leh lamaha amaanka Puntland ay yiraahdaan waxaa waqtigaasi uu ahaa xilligii uu ugu wanaagsanaa ee soomara ciidanka booliska Puntland.

Sanadkii 2007-dii madaxwaynihii xiligaasi ee Puntland Gen.Cade Muuse wuxuu u magacaabay ALLAH ha u anaxariistee Gen.Nuur Salaad la taliyaha dhinaca siyaasada.

Muddooyinkii ugu dambeeyay waxaa marxuumka geeriyooday uu door shariifa ka cayaaray kor u qaadida nabadgalyada guud ee Deegaanada Puntland.

Waxa sheegid mudan in marxuumku uu ku geeriyooday da’da 89-sano.

Qaar ka mid ah dadka yaqaanay marxuukmka geeriyooday ayaa ii sheegay in uu ahaa wadani dalkiisa iyo dadkiisa jecel.

Hadaba bahda Horseed Media waxay tacsi tiiraanyo leh u dirayaa umada Soomaliyeed,eheladii iyo qaraabadii uu ka geeriyooday Gen Nuur Salaad oo ah saaxiib naga fogaaday sida lagu ilaawaana ay adag tahay.

Cabdiqani Cabdilaahi Cabdi (Qalabad)

Horseed Media.
User avatar
damu
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 3373
Joined: Sun Aug 15, 2010 9:24 pm
Location: PL National Socialist Party

Re: Taariikh nololeedkii taliyihii hore ciidanka booliska pl

Post by damu »

AUN :up:
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Puntland”