
Maamulka degmada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari ayaa ku wareejiyay 60-qoys oo ka mid ah dadka kasoo barakacay dhibaatooyinka ka jira qaybo ka mid ah dalka Soomaaliya ee kusugan magaalada Boosaaso suuq cusub oo ay dowlada hoose oo kaashanaysa hay’adda UNDP ay ka hirgalisay magaalada Boosaaso.
Duqa degmada Boosaaso Maxamuud Faarax Beeldaaje oo la hadlayay saxaafadda ayaa sheegay in suuqa loogu talagalay inay ka shaqaystaan dad danyar ah oo ka mid ah dadka ugu baahiyaha badan ee ku sugan xeryaha barkacayaasha ee magaalada Boosaaso,waxaana uu sheegay in dadka lagu wareejiyay suuqa inay yihiin dadka ugu dhibaatooyinka badan ee nolosha dadka barakacayaasha,waxaana uu intaasi raaciyay in looga baahanyahay inay ilaaliyaan nadaafadda suuqa lagu wareejiyay,isagoona sheegay in goobo kale ay ku kordhin doonaan suuqa.
Suuqa cusub ee lagu wareejiyay qoysaska danyarta ah ayaa ka kooban 8-qol oo loogu talagalay dukaamo 2-baqaar iyo goobo loogu talo galay miisaska lagu ganacsado oo dhamaantood loogu talagalay qoysaska danyarta inay kala soo baxaan nolol maalmeedkooda.
Qaar ka mid ah dadkii danyarta ahaa ee lagu wareejiyay suuqa ayaa uga mahadceliyay maamulka degmada Boosaaso suuqa cusub ee lagu wareejiyay,waxaana ay sheegeen inay ku dadaali doonaan sidii ay ugu ganacsan lahaayeen iyagoo ilaalinaya nadaafadda goobta lagu wareejiyay.
Si kastaba,qoysaska lagu wareejiyay suuqa cusub oo ku yaala hareeraha kaamkii hore ee Shabelle ee bariga magaalada Boosaaso ayaa la filayaa inuu wax badan ka badalo nolosha dadka danyarta ah ee ku jira xeryaha barakacayaasha ee magaalada Boosaaso.
Horseed Media.