
Garowe (RBC Radio) Iyadoo Xubnaha Golaha Wakiilada Puntland ay ansixiyeen 7 Xubnood oo ka mid ah Guddiga Doorashada puntland ee dhawaan ay soo kala Magacabeen Madaxweynaha Puntland iyo Golaha Wakiilada Puntland Ayaa Hadana waxaa ay Dalbadeen Guddigan Doorashoyinka Wadashaqeyn dhinaca Bulshada ah.
Mudane Barkhad Cali Saalax oo Ku Hadlayay Afka Guddigan oo 9 Xubnood ka kooban ayaa waxaa uu Marka Hore Soo Dhaweyay Magacabistani Loo Magacabay Guddigan,isagoona sidoo kale Wadashaqeyn Ka dalbay Dhamaan shacabka Puntland.
“Masuuliyada Aan Qaadnay Waxaan Dooneyna in La’ inagu Garabsiiyo sida Kalsoonida Naloo siiyay Ayaanu Xilka U Gudan Doona” ayuu hadal Kooban oo Ka Horjeeday Golaha wakiilada Puntland Ku yiri Mudane barkhad Cali Saalax oo Ku Hadlayay Afka Guddiga Doorashooyinka Puntland ee Dhawaan La Dhisay.
Mudane Barkhad Cali Saalax ayaa ugu Danbeytiina Waxaa Uu Rajeyay In Uu Guddiga uu ka Mid Yahay Ka soo bixi doonan Howsha Loo diray Hadii ay Ku guuleysan Wayan Ay Markaasi ka Hadli Doonan.
RBC News