
Garoowe:(Allpuntland)-Wasaarada Hormarinta Haweenka iyo Arimaha Qoyska ee dawlada Puntland ayaa maanta hortagtay Golaha Wakiilada ee Puntland si ay Warbixin uga siiso shaqooyinkeeda caadiga ah islamarkaasna ay usoo gudbiso waxqabadkeedii dhowrkii sano ee ay jirtay, Iyadoo ay maanta Golaha Wakiilada ee Puntland si rasmi ah u hortageen madaxda Wasaaradaas oo horey golaha uga codsaday inay hortagaan markoodii ugu horaysay intii ay Wasaaradu jirtay.
Gudoomiyaha Golaha Wakiilada ee Puntland Dr.Cabdirashiid Maxamed Xirsi oo maanta si rasmi ah u furay Fadhiga golaha Wakiilada ee maalin lahaa ahaa Ayaa Qur’aan akhris lagu furay shirka kadib Golaha ku wargaliyey in ay maanta Marti u tahay Wasaarada Hormarinta haweenka ee Puntland oo uu ku tilmaamay mid muhiim u ah howlaha shaqo ee dawlada dhexe, Wuxuuna Gudoomiyuhu sheegey in golaha looga baahanyahay inay dhagaystaan khudbad.
Wasiirka hormarinta Haweenka iyo Arimaha Qoyska ee dawlada Puntland Marwo.Caasho Geelle Diiriye oo ay wehelinayeen xubno badan oo kamid ah madaxda sare ee Wasaarada Haweenka Waxaana ay Marwo Caasho Geelle mahadcelin u jeedisay golaha Wakiilada ee Puntland iyadoo mahadcelin kadibna sheegtay in Wasaaradu ay imika jirto mudo kudhow lixsano taasoo ay haysay Hogaankeeda, Waxaana ay sheegtay inay ku guulaysteen waxyaabo badan oo muhiim ah. Marwo.Caasho Geelle Diiriye waxay sheegtay in Wasaarada haweenka ee Puntland aysan jirin shaqo u gaar ah oo ay ku magacaabantahay si lamid ah shaqooyinka u xadaysan Wasaaradaha dawlada gaar ahaana kuwa Caafimaadka iyo Waxbarashada, Waxaana ay sheegtay in ay ku mashquulsanyihiin hormarinta Qoyska iyo Haweenka oo lafdhabar u ah bulshada, Waxayna sheegtay in taasi ay kaliftay inay dhexda u galaan howlo culus oo miisaankooda leh islamarkaasna aysan haynin dhaqaale xoogan oo ay ku maareeyaan ama Hay’addo ay kala shaqeeyaan oo barnaamijyada ka caawiya.
Waxay sidoo kale Wasiirka Haweenka ee Puntland sheegtay in kadib dhismihii Wasaarada ee xukuumadii hore ee Puntland ay shaqada ugu muhiimsan ka bilaabeen in dhanka Aqoonta laga dhiso Haweenka si ay aqoontooda ugu maareeyaan hormarinta Qoysaskooda taasoo ay sheegtay inay dadaal dheer baaxad balaarana leh ku bixiyeen, Iyadoo intaas raacisay in Marwo leh Aqoon ku filani ay badbaadin karto Qoyskeeda islamarkaasna ay waxtari karto Caruurteeda iyadoo sheegtay in hadii aysan Hooyadu lahayn Aqoon ku filan aysan garan Karin xataa Akhriska dawooyinka caruurta loosoo qoro oo qaarkood halis noqon kara.
Sidoo kale Wasiirka Haweenka ee Puntland waxay ku celcelisay inay ku dadaalaan hormarinta Haweenka iyo sidii ay haweenku uga dhexmuuqan karaan kaalmaha dhanka siyaasada taasoo ay sheegtay In ay waxbadani uga qabsoomeen kuwaas oo ay kamid ahaayeen in ay Golaha Wakiiladu soo saaraan sharci qeexaya in Haweenku ay qayb muhiim ah ka noqdaan Golayaasha kaladuwan ee dawlada taasoo ay sheegtay in ay Golayaasha deegaanka siweyn uga soo muuqdeen gaar ahaana degmooyinkii ugu danbeeyey, Sidoo kale Wasiiradu waxay sheegtay inay wadaan barnaamijyo dheeri ah oo haweenka lagu hormarinayo laguna difaacayo xuquuqdooda, Waxaana jeedinta Warbixintaas ee Wasiirka Haweenka siweyn ugu farxay sacabna kusoo dhaweeyey Golaha Wakiilada oo aan Wax Su’aal ah waydiin Wasiirka haweenka iyo madaxdii kale ee la socotay.
Cabdiqani Xayir
Allpuntland