iyadoo maanta Magalada Muqdisho ay Gaadhen Wafdi balaaran oo ka socda Qaramda midoobay Puntland iyo Maamulka galmudug ayaa halkaasi waxaa ku soo dhaweyay madaxda Dawalda KMG somalia.
Wafdigani ayaa waxaa ka mid ah Wasiirka Waxbarashada Puntland Cabdi Faarax Juxaa oo ka mid ah Xubnaha Indheyana Halka ku haboon ee shirka dib u heshiisinta somalida lagu Qaban doono Muddada soo Aadan.
Mudane Juxaa ayeey u Noqonayesaa Markii ugu horeysay oo Xamar tago,iyadoona horey xiriirka Puntland iyo DKM aanu Wanaagsaneen Ka dib Markii la isku Qabtay Qodobo Badan iyo Sidoo kale Heshiisyo labada dhinac Dhex maray oo Waxba ka soo bixi waayen.
wasiirka Waxbarashada Puntland Cabdi Faarax Oo Shir Jara’id ku qabtay Villa Somalia ayaa hoosta ka xariiqay in Uu Socdaalkiisa Muqdisho Qayb ka yahay Sidii Loo wanaajin lahaa Xiriirka DKMG Iyo Maamulada kale ee ka jira dalka Sida Dawalda Puntland oo indhaweyd aan Wanaagsaneen.
Socdalkani oo ay ku weheliyaan xubno ka socda Galmudug iyo Xafiiska Qaramada midoobay arimaha siyaasada waxaana uu salka ku hayaa sidii Masuuliyiinta DKMG Loogala hadli lahaa halka Lagu Qaban doono shirka dib u Heshiisinta ee Loo Qabanayo Dhinacyada Somalida.
Horay Ayaa waxaa Puntland ay Xiiriirki wadashaqeyn uga Goosatay DKMG Balse xiligani waxaa muuqanaya Ififaale Cusub oo Muujinaya In Dib Boorka looga Jafayo Xiriirkasi.
Waxaana Dhawaan magalada Nairobi Xarunta dalka Kenya Kulan Dheer ku Qaatay madaxweynaha Puntland Iyo Ra’isalwasaraha dalka Somalia, Kulankaasi oo inta badan Diirada lagu Saaray Arimaha Xiriirka Puntland iyo Federaalka iyo Wasiirada dhawaan La soo Magacaabi Dooni in Talo ay ku yeelato Puntland.
RBC News
Wasiirka Waxbarashada Puntland Oo ka dagay Muqdisho
Moderator: Moderators
- FBISOMALIA
- SomaliNet Super

- Posts: 9254
- Joined: Fri Oct 15, 2010 5:26 am
- Location: SSDF FOR LIVE , AUN AWOOWE AY
-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 4 Replies
- 508 Views
-
Last post by Highland
-
- 0 Replies
- 284 Views
-
Last post by Kanada
-
- 0 Replies
- 411 Views
-
Last post by FBISOMALIA
-
- 3 Replies
- 1545 Views
-
Last post by FBISOMALIA
-
- 0 Replies
- 385 Views
-
Last post by FBISOMALIA
-
- 0 Replies
- 1030 Views
-
Last post by FBISOMALIA
-
- 0 Replies
- 281 Views
-
Last post by FBISOMALIA
-
- 2 Replies
- 375 Views
-
Last post by FBISOMALIA
-
- 0 Replies
- 530 Views
-
Last post by FBISOMALIA