Aadan Carab ilaahay ha u naxariisto,gabaygiisii uu wakhtigaa tiriyey waxaad moodaa in aanu wakhtigaas ku haboonayn, ama meeshuu uu u waday ay kaga haboon tahay tan maanta taagan ee kala guurka reerihii wada dhistay maamulka Puntland, oo beelaha qaarkood inta la hawl geliyey, libaax labadiisa dhegood inta loo dhiibay lagaga dhaqaaqay. Raali ka ahaada tuducyo ka mid ah gabayga baan micno kale u samaynaye.
Waayahan khaliifow anaan gabay u weel qaadin
oo aan wadiiqadiiba hayn lana i weydiinin
ayuun baan wareegtooyin helay aan i waafiqine
Soomaali ooy weer xidhteen madax intii weyday
oo wabaxa kii oomanaa waran u soo qaatay
Hadaad laba madaxweyne yeelateen oo wakhtigan jooga
oo qaybtu saa kuma wacnee odaygu(Cabdillaahi) weydaartay
oo aad walaalnimo jarteen wegere yeelkiine
Teer iyo wafaadkii duqa iyo wararka taariikhda
waxaan ahay nin qaran waalifay aan waabinta aqoone
Haduunbaa sidii wecel-gabdheed la igu wiirsadaye
Garaad Shirshoore wahab baa hayee inuu ku waraayo
iyo waa damboo noo beryaa inuu wacnaan doono
Waa waxaan ilaah cid u waxyoon waaxidna ogayne
Marka beer wanaagsani midhaha wagac ka soo siiso
Shimbiraha la weetaynayee wadhafka loo haysto
Rabbi baa u wakiila oo risiq waasacay cuniye
dhulkaas bay waxaan lala arkayn walam sanaayaane
Lama wadho anoo kale intuu weedh u joogsado'e
Isaga kaa wadaadka ahe kale waaba walammooge(Faroole)
Weerkiyo intuu tobanka dhidar weeye odhanaayo
Wadankoo dhanbaanu u nacniyo calankii weynaaye
Darood ha wiiqina sidaan ugu walaacaayey
Iga wiin garee nacaskastoo wayla raac ihiye
Wahaa igu dhacdaye talo xumaan inaan ka waantoobo
oo aan isaaq weheshadaa waajib kayga ahe
Waqooyaan ahee dhalasho yaan la igu wayrixinnin
Sida gacanka waanwaanta iyo nabadba loo waayey
ee carab wadkeed noqonayee woorku ka abuurmay
anaguna wadada aanu naal waa wadniyo dhuune
Kol hadaan widhiidhyey oo colaad galo wareerkeeda
Wab-beynaa la geyn inay kaceen nimanki waallaaye
Waaciidsi badan baanu heli oo walaahiyahe
Wadduxaan ku dhaartaye jahaad waafiyaa dhiciye
Meeshiyo wajaale yaa amxaar woofka soo karine
Hawiyahan wanshiiraye degaa weerar soo kicine
Majeerteen haduu yare wahsaday wuu wisiisiyiye
warsangeli wacyiga taagan arag oo is waansade e
Marhadii xornimaday wadeen loo walqali waayey
Ugaadeen walwaal iyo ilaa wabiga sii yaacye
Ma walwalo Qayaad iyo ninkii Wagardhac haystaaye
Waayahanba reer Jaamac(Jamac Siyaad) waa wahansanaayeene
Walbahaarka iyo ciilka waa nala wadaageene
Wadiiqaana noo wada jirtiyo wacad ilaahaye
Waayeelka dhacay waa shanboqol wiigan oo qudha'e
Meeshaba tukaha waaqle iyo habar washaaqooda
iyo eeyga waah laad ka deyi wehel islaameede
Warqadiina kala goosannay iyo warankii qabiile(Harti)
Weedhaasi waa kala tag iyo sii waddiciddiiye
Idinkaa amxaarka waalani idin wanajaaye
Wadeeco allah waydiin bannaan waaxyihii kale'e.
Kala Guurka Reerihii Wada Dhistay Maamulka Puntland
Moderator: Moderators
- Knight of Wisdom
- SomaliNet Super
- Posts: 6609
- Joined: Thu Aug 27, 2009 1:56 pm
- Location: Eiffel Tower
- Samatr
- SomaliNet Super
- Posts: 14767
- Joined: Fri Feb 11, 2005 4:56 am
- Location: Somewhere only we know :P
Re: Kala Guurka Reerihii Wada Dhistay Maamulka Puntland
batty boy, waxan aad noo soo bandhigtay ma fahmaysaa mise you just like the pink text? 

- damu
- SomaliNet Heavyweight
- Posts: 3373
- Joined: Sun Aug 15, 2010 9:24 pm
- Location: PL National Socialist Party
Re: Kala Guurka Reerihii Wada Dhistay Maamulka Puntland
i thought clan topics were banned in the general section 

- Samatr
- SomaliNet Super
- Posts: 14767
- Joined: Fri Feb 11, 2005 4:56 am
- Location: Somewhere only we know :P
Re: Kala Guurka Reerihii Wada Dhistay Maamulka Puntland
He/She(depending on the day) gets a pass, as long as it is in pink text. 

- Knight of Wisdom
- SomaliNet Super
- Posts: 6609
- Joined: Thu Aug 27, 2009 1:56 pm
- Location: Eiffel Tower
Re: Kala Guurka Reerihii Wada Dhistay Maamulka Puntland
Samatr wrote:He/She(depending on the day) gets a pass, as long as it is in pink text.


-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 0 Replies
- 1041 Views
-
Last post by Hiiraan boy
-
- 4 Replies
- 753 Views
-
Last post by sadwiil
-
- 0 Replies
- 495 Views
-
Last post by CoolPoisons
-
- 2 Replies
- 872 Views
-
Last post by abdi342
-
- 5 Replies
- 619 Views
-
Last post by Siciid85
-
- 74 Replies
- 5619 Views
-
Last post by Warabaha
-
- 12 Replies
- 1796 Views
-
Last post by gobdoon
-
- 1 Replies
- 526 Views
-
Last post by Rabshoole
-
- 17 Replies
- 2454 Views
-
Last post by gobdoon