Page 1 of 1

BIGGEST AHLU SUNA SHIR IN ABUDWAQ TOMORROW

Posted: Sat Jul 16, 2011 2:19 am
by CoolPoisons
Shir wayne lagu wado inuu bari ka dhaco Cabud-Waaq

Cabud-Waaq : (Sh. M. Network) Culumaa’udiinka Ahlu Sunna Waljamaaca ayaa waxaa lagu wadaa in maalinta bari ah ay shir wayne ku yeesheen magaalada Cabud-Waaq oo la sheegay in Wafuud ka qayb galaysa Shirkaasi ay gaarayaan.



Wararka Idaacadda Shabelle ay ka helayso degmada Cabud-Waaq ee gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya ayaa waxa ay sheegayaan in degmadaasi ay ka soconeyso qaban qaabadii ugu danbeysay xili maalinta bari ah lagu wado in halkaasi uu ka furmo Shir wayne ay isgu imaanayaan Culumaa’udiinka Ahlu Sunna Waljamaaca.



Saraakiil ka tirsan Ahlu Sunna oo la hadashay Idaacadda Shabelle ayaa waxa ay sheegeen in la diyaariyay halkii uu ka dhici lahaa shirkaasi, iyagoo intaasi ku daray inay soo gaarayaan magaalada Wafuud badan oo ka kala imaanaysa dalka gudihiisa iyo dibadiisa kuwaasi oo la tilmaamay inay ka qabyb galayaan kulanka lagu wado in bari uu ka furmo degamada Cabud-Waaq.



Saraakiisha ayaa sheegay in wadooyinka magaalada ay dhigeen ciidamo badan oo wata Darees isku nuuc ah kuwaasi oo ay sheegeen inay sugayaan amaanka goobta uu shirka ka dhacayo oo la sheegay inay tahay xarunta Mashruuca degmadaasi oo inta badan ay ku kulmaan Mas’uuliyiinta Ahlu Sunna Waljamaaca.



Shirkani lagu wado in bari uu ka furmo magaalada Cabud-Waaq ee gobolka Galgaduud ayaa baaqday dhowr jeer oo hore kadib markii muran ku aadan shirkaasi uu soo kala dhexgalay Mas’uuliyiinta Ahlu Sunna kaasi oo markii danbe la xaliyay lamana uga waqtiga uu qaadan doono shirkaasi iyo waxa kasoo bixi doono.