Olole Wacyi galin, Luuqyo xirid iyo Laambado xirid ah oo ay dhalinta Aaya ka talinta Mudug maanta ka sameeyeen Gaalkayo
Dhalinyarada Aaya ka talinta Gobolka Mudug ayaa maanta waxa ay ka fuliyeen xaafadda Horumar ee magaalada Gaalkayo barnamaij isugu jiray baraarujin iyo laambado xirid lagu ifinayo magaalada luuqyada aan la marinna lagu xirayo.
Ololahan oo ay garbo u ahaayeen guddiga ayaa ka talinta gobolka Mudug iyo maamulka gobolka ayaa waxaa fulinayay dhalinyarada gobolka ee ka kala socotay xaafadaha Gaalkayo, waxaana ay qayb ka tahay hawlo laga wada fulinayo xaafadaha magaalada taasoo ammaanka wax looga qabanayo.
boqolaal dhalinyaro ah oo saaka waabarigii si iskaa wax u qabso ah isu diyaarinayay inay xaafadda Horumar uga fuliyaan barnaamijkan ayaa waxa ay qaarkood cabbireen dareenkooda hawsha ay doonayan in ay qabtaan.
Guddoomiye ku xigeenka guddiga maamulka iyo horumarka Gaalkayo Daahir Maxamuud Muuse oo ka mid ahaa mas`uuliyiintii hor boodaysay hawlgalka maanta ayaa waxa uu aad u dhiiri galiyay dhalinyarada, isaga oo ugu baaqay in aysan ka gaabin hawlaha ay maamulka ku taageerayaan.
Maamulka Gobolka ayaa horay waxa uu u soo saray amarro uu dadka ku amrayo in ay iska xiraan luuqyada laambadana ku xirtaan guryaha hortooda.
Ololahan ayaa waxa uu ugu jiray wacyi galin in ay dadku luuqyada iska xiraan, in ay ammaanka ka shaqeeyaan iyo in ay layrar ku xirtaan guryaha hortooda si ay u taraato dhibaatada shacabka loo gaysto, waxana fulinayay in ka badan 150 dhalinyaro ah oo ka mid ah tabarucayaasha dhalinayrada ee Gaalkayo, waxaana dhanka kale maamulka Gobolka Mudug oo dhowaan soo saaray amar uu ku mamnuucayo luuq yada iyo dhag xaanta guryaha hortooda taalla.
Guud ahaan barnaamijka aaya ka talinta ee Gobolka Mudug ayaa waxaa si siman hawlihiisu uga wada socdaan magaalada Gaalkayo iyada oo koox kasta oo bulshada ka mid ah ay dhankeeda ka waddo.
![]()
Dhalinyarada Aaya ka talinta Gobolka Mudug
Moderator: Moderators
- damu
- SomaliNet Heavyweight
- Posts: 3373
- Joined: Sun Aug 15, 2010 9:24 pm
- Location: PL National Socialist Party
Dhalinyarada Aaya ka talinta Gobolka Mudug
Last edited by damu on Sat Jul 16, 2011 10:15 am, edited 2 times in total.
- damu
- SomaliNet Heavyweight
- Posts: 3373
- Joined: Sun Aug 15, 2010 9:24 pm
- Location: PL National Socialist Party
Re: Ururka Aaya ka talinta Gobolka Mudug
Last edited by damu on Sat Jul 16, 2011 10:14 am, edited 1 time in total.
- damu
- SomaliNet Heavyweight
- Posts: 3373
- Joined: Sun Aug 15, 2010 9:24 pm
- Location: PL National Socialist Party
Re: Dhalinyarada Aaya ka talinta Gobolka Mudug
Xaafad ka mid Ah Gaalkayo oo maanta Layrar loo sameeyay, Luuq luuqyana laga xiray
Kooxda Dhalinyarada Aaya ka talinta G.Mudug ayaa waxa ay maanta ku guulaysteen in ay xaafadda Horumar ee magaalada Gaalkayo ku xiraan layrar gaaraya 300 oo Layr, iyaga oo sidoo kalena waxa ay xireen tiro luuqluuqyo.
Hawshan ayaa waxa ay qayb ka tahay barnamaij aammaanka gobolka wax looga qabanayo oo ay wadaan guddiga Aaya ka talinta gobolka Mudug iyo maamulka Gobolka, waxaana la damacsan yahay in barnaamijkani uu noqdo mid ka wada hirgala magaalada oo dhan.
Hawlagalka ay dhalinyaradu luuqyada ku xirayeen layrarkana ku rakibayeen ayaa waxa ka dhex muuqday Suldaan C/salaan Suldaan Maxamuud, Maxamed Yusuf Jama oo ka mid ah guddiga Aaya ka talinta Gobolka Mudug, madaxda xaafadda iyo xubno ka mid ah wax garadka gobolka.
Cali Cumar Jamac (Cali Kacaan) oo ka mid ah odoyaasha gobolka ayaa waxa uu aad u soo dhoweeyay hawlaha ay dhalinyaradu magalada ka waddo, waxana uu ku baraarujiyay in ay sii laba jibbaaraan isaga oo sheegay in ay astaan u tahay horumarka Soomaaliya ku soo fooll leh.
Kacdoonka dhalinyarada Gobolka Mudug, Qorshaha Maamulka gobolka iyo dhiiranaanta guddiga Aaya ka talinta ayaa waxa ay magaalada u horseedi karaan hormar lixaad leh, kaasoo ku baaha guud ahaan Geeska Afrika.
Guud ahaan hawlahani ma aha kuwo ku kooban xaafadda Horumar, waxaase qorshuhu yahay in laga wada hir galiyo dhammaan xaafadaha magaalada Gaalkayo, si ay u yaraato dhibaataynta shacbiga, waxaana dhanka kale guddiga Aaya ka talinta iyo maamulka gobolka oo iskaashanaya ay ku guulaysteen in ay tababar u furaan boqolaal Askari oo noqon doona ciidamada madaniga ah ee ammaanka magaalada sugaya.
- damu
- SomaliNet Heavyweight
- Posts: 3373
- Joined: Sun Aug 15, 2010 9:24 pm
- Location: PL National Socialist Party
Re: Dhalinyarada Aaya ka talinta Gobolka Mudug
Olole Balaaran Oo Ka Soconaya Xaafadaha Magaalada Gaalkacyo
Gaalkacyo (RBC Radio):- Waxaa xaafadaha magaalada Gaalkacyo si iskumid ah uga bilowday olole lagu soo nooleynayo xaafadaha magaalada Gaalkacyo arimahaasi oo ay ka shaqeynayaan Maamulka Gobolka, Guddiga Aayakatalinta Gobolka Mudug iyo Dhalinyarada Xaafadaha Gaalkacyo.
Waxaa socda kulamo isdabajoog ah oo dhalinyarada xaafaduhu isku arkayaan isla markaana ay uga shirayaan sidii wax looga qaban lahaa amaanka iyo horumarka xaafad kasta oo ku taala gudaha magaalada Gaalkacyo, waxaana kulamadaasi ka soo baxay qodobo wax ku ool ah.
Dhalinyarada xaafadaha Gaalkacyo ayaa la dhisay, waxaana 13-ka xaafadood ee magaalada Gaalkacyo laga doortay madax qeybeedyo dhalinyaro ah oo hoggaaminaya howlgalada xaafadaha iyo dhalinyarada wax qabanaysa, waxaana Gudoomiyaasha xaafadaha lagu guuleystay in la wada dhiso.
Amaanka, Nabadgelyada iyo Horumarka ayaa dhalinyaradani balan ku qaadeen in ay gacan ka geysan doonaan iyagoon ku haleyneyn maamulka gobolka Mudug kaligiis inuu wax qabto, waxaana haatan xaafadaha qaarkood ka bilowday olole nadaafadeed ay dhalinyaradu fulineyso, waxaana talaabooyinkaasi xigi doona ka shaqeynta amniga iyagoo balan qaadey in ay wada shaqeyn buuxda la yeelan doonaan laamaha amaanka Gobolka Mudug si meesha looga saaro dadka falalka amaan darro ka geysanaya gudaha magaalada Gaalkacyo.
Xaafad kasta waxaa loo sameeyay xarun ay ku shirto isla markaana ay isugu yimaadaan xilli walba oo ay lafa gurayaan arimaha xaafada iyo waxyaabaha loo baahan yahay in laga qabto gudaha xaafadaha Gaalkacyo, waxaana howshaasi ay haatan mareysaa meel fiican.
Ololahani dhalinyaradu horboodeyso ee kasocda xaafadaha Gaalkacyo waxaa soo dhoweeyay dadweynaha magaalada waxayna sheegeen in loo baahan yahay in dhalinyaradu doorkeeda ka ciyaarto horumarka iyo amniga si loo yareeyo falalka amaan darro iyo horumark la’aanta waayihii dambe Gaalkacyo la soo dersay
- damu
- SomaliNet Heavyweight
- Posts: 3373
- Joined: Sun Aug 15, 2010 9:24 pm
- Location: PL National Socialist Party
Re: Dhalinyarada Aaya ka talinta Gobolka Mudug
Gaalkacyo (RBC Radio):- Waxaa maanta gelinkii dambe magaalada Gaalkacyo si rasmi ah uga bilowday howlgal baaxad leh oo taariikhda Gaalkacyo baal dahab ah ka galay, howlgalkaasi oo ahaa mid iskaa wax u qabso ah oo ay si wadajir ah u fuliyeen shacabka Gaalkacyo, Guddiga Amniga iyo Maamulka Gobolka Mudug iyo Issimada Gobolka Mudug.
Howlgal lagu nadiifinayo isla markaana lagu hagaajinayo bilicda Garoonka kubada cagta Gaalkacyo ayaa maanta gelinkii dambe ka bilowday gudaha garoonka kubada cagta ee Cawaale Stadium Gaalkacyo.
Dhalinyarada oo wada shaqada iskaa wax u qabso
Mas’uuliyiinta, Waxgaradka, Isimada, Aqoonyahanka, Gabdhaha, Wiilasha iyo Caruurta dhamaan looma kala harin howlgalkani, waxaa la wada qaaday badeelka, fargeetada iyo gaari gacanka, waxaa hal mar loo jeestay nadiifinta bilicda garoonka kubada cagta Gaalkacyo, waxaa la aruurshay dhagaxa, qashinka iyo wax kasta oo wax u dhimaya bilicda ee dhex yaalay gudaha garoonka.
Suldaan C/salaam iyo Maxamed Yuusuf oo ku shaqeynaya gaari gacan
Suldaan C/salaam Suldaan Maxamuud oo ka mid ah Isimada Gobolka Mudug, Gudoomiyaha Gobolka Mudug Mudane Maxamuud C/raxmaan Cuuke ayaa la arkayey iyagoo wata gaari gacano ay ku qaadayaan dhagaxa laga aruuriyey gudaha garoonka isla markaana waxay sidoo kale ka qeyb qaateen aruurinta qashinka oo ay gacantooda wax kaga nadiifiyeen, waxaana taasi ay dhiiri gelin iyo boggaadin u noqotay shacabkii Gaalkacyo ee galabta u soo banbaxay in ay ku shaqeeyaan iskaa wax u qabso iyagoo ka shaqeynaya dantooda.
Gudoomiye Cuuke oo wada gaari gacan ay ka buuxaan dhagxaan
Waxaa howlgalkani lagu tilmaami karaa mid muujinaya hididiilo horumar, waxaa dadweynaha ka wada go’neyd in ay wax qabsadaan iyagoo boggaadin iyo dhiiri gelin ka helay mas’uuliyiinta iyo waxgaradka gobolka, waxaa sidoo kale jiray gaari ay leedahay Dowladda hoose ee Gaalkacyo oo uu ku xiran yahay cod baahiye kaasi oo ay ka baxayeen heeso guubaabinaya shaqada iyo horumarka shacabka, isla markaana dhiiri gelin u sameynaya ka shaqeynta danta shacabka iyo wadaniyada.
Mid ka mid ah askarta oo dhagxaanta wax ka guraya
Intii uu socday howlgalkani iskaa wax u qabso waxaa indhaheygu qabteen caruur da’doodu gaareyso 6 sano ilaa iyo 7 sano oo ahaa dadkii ugu yaraa ee shaqada wax ka waday oo aruurinaya dhagaxa dhex yaala gudaha Garoonka kubada cagta Gaalkacyo, waxayna u muuqdeen kuwa ku faraxsan in ay ka shaqeeyaan horumarka iyagoon dareemeyn culeyska shaqada.
Caruurta ayaa door ka cayaaray howshani iskaa wax u qabso
Gabdhuhu waxay ahaayeen kuwa kaliya ee maanta dhinacooda ay howshu sida wanaagsan uga socotay, waxaan arkey oo aan la kulmay gabdho xijaabka iyo indhashareerkii ay wateen ku guraya dhagaxa iyo qashinka ay ka aruuriyeen gudaha garoonka, waxaana dadka shaqada wadaa dhamaantood ay ahaayeen kuwa howlan oo aan heysan fursad ay ku wada hadlaan.
Gabdhaha oo shaqo xoog leh ka wada gudaha garoonka kubada cagta Gaalkacyo
Waxaa dadka soo joogay xilligii Kacaanka ay dib u xasuusteen howlgaladii Iskaa wax u qabso ee dalkeena lagu soo dhisay, waxaana tani ay u ahayd fursad ay markale ku soo xasuustaan oo ay ku helaan rajo iyo ifafaalo wanaagsan oo umuujinaysa in dadku diyaar u yahay in uu ka baxo jahliga iyo colaada.
Suldaan C/salaam Suldaan Maxamuud oo noqday Hoggaamiyaha looga bartey baraarujinta shacabka Gobolka ayaa khudbad taariikhi ah oo dareenka dadweynaha kicisay ka jeediyey fagaaraha tarabuunka garoonka kubada cagta Gaalkacyo, wuxuuna sheegay in shacabkii Gaalkacyo ay qaadeen talaabo muhiim ah oo ku dayasho mudan, isla markaana ay tahay fursad aad u qaali ah oo soo marta shacabka in ay iskaa wax u qabso ku hagaajistaan wax kasta oo bulshada muhiim u ah, wuxuuna intaa ku daray in la dhiiri geliyo sii socoshada howlgaladan oo kale.
Suldaan C/salaam oo dadweynaha la hadlaya
Gudoomiye xigeenka Guddiga Amniga iyo Horumarka Gobolka Mudug Mudane Daahir Maxamuud Muuse oo ka mid ahaa mas’uuliyiintii gacantooda wax kaga qabtey shaqadii maanta dhacdey ayaa waxaa uu hambalyo iyo boggaadin u diray shacabka Gaalkacyo, wuxuuna kula dardaarmey in ay isku tashtaan oo ay wax qabsadaan isla markaana ay sii xoojiyaan howlgalada ceynkani oo kale ah.
Gudoomiye xigeenka Guddiga Amniga Gobolka Mudug Mudane Daahir Maxamuud
Gabar ka mid ah gabdhihii maanta wadey shaqada iskaa wax u qabsada ah ee lagu nadiifinayey gudaha Garoonka ayaa jeedisay gabay yar oo ay ku dheehan tahay xikmad wadaniyada dhiiri gelinaysa, waxayna gabadhaasi soo jeedsatay dareenka dadweynaha oo idil waxayna quluubtooda ku reebtay dardaaran wadaniyadi ku jirto oo ah in shacabku kaco oo ka miro dhaliyo ka shaqeynta danahooda.
Amsa Cali C/qaadir oo jeedisay gabay wadani ah
Waxaa isbedel dhab ah laga dareemay gudaha garoonka kubada cagta ee Cawaale Stadium Gaalkacyo oo markii hore uu ka muuqday dayac, waxaana markii dambe laga dheehanayey qurux iyo bilic kadib markii si iskaa wax u qabso ah loo nadiifiyey.
![]()
- damu
- SomaliNet Heavyweight
- Posts: 3373
- Joined: Sun Aug 15, 2010 9:24 pm
- Location: PL National Socialist Party
Re: Dhalinyarada Aaya ka talinta Gobolka Mudug
Taariikhdu markay ahayd 27/05/2011 ayaa waxaa ka dhacay magaalada gaalkacyo isbadal taariikhi ah oo ku salaysan in labaddalo muuqaalka murugada leh ee fooshaxun ee ay yeelatay Gaalkacyo ee ku salaysan dilka, cabsida, horumar la’aanta, laguna badalo nabad, cabsi la’aan iyo horumar, in laga guuro kala qaybsanaanta gobolka aafaysay loona guuro wadajir, wax wadaag iyo waxwada qabsi, in la joojiyo nindoorka iyo labeenta bulshada ee la ugaarsado laguna Laayo macne la`aan, in la difaacdo sharafta iyo karaamada ummadda, in wax laga qabto burburka baahsan ee ku dhacay arrimaha bulshada.
Waxaa kale oo la go’aansaday in laga faa`iidaysto awoodaha la haysto sida aqoonta, dadnimada, dhaqaalaha, iyo ciidanka, waxaa la La isla qaatay in maamul iyo shacaba lawada asteeyo oo dhexda loo xirto sidii arintaas looga wada mira dhalin lahaa oo loo wada shaqayn lahaa.
Kadib waxaa is abaabulay dhalinyada gobolka oo lafdhabar u ah mustaqbalka ummadda waxayna go,aansadeen inay qaataan kaalinta ay ku leeyihiin isbadalka waxay qabteen 10/06/2011 shirwayne dhalinyarada gobolka mudug waxay soo bandhigeen aqoontooda iyo kartidooda waxay balan qaadeen inay dalkooda ugu shaqaynayaan iskaa wax u qabso, inay ka qayb qaadanayaan xasilinta nabadgalyada lana shaqaynayaan laamaha kala duwan ee dawladda, inay ka shaqaynayaan nadaafadda, in ay canshuurta wax ka uruurinayaan iyagoo mutadawacnimo ku shaqaynaya, inay jidadka wax ka dhisayaan, inay bukaanada iyo isbitaalada caawinayaan, inay dadka aan waxbarashada fursadda u helin waxbarayaan iyo in ay maamulka wax walba oo wanaagsan ku garab istaagayaan.
Waxaa isbadal taariikhi ah sameeyay bahda saxaafadda gobolka mudug waxay mideeyeen wax qabadkooda, waxay bulshada usoo bandhigeen wacyi galin aan horay loo arag waxayna muujiyeen dadaal iyo xilkasnimo iyo wadaninimo aan caadi ahayn taariikhda ayaana xusi doonta doorka bahda saxaafaddu ka qaadatay aaya ka talinta gobolka mudug.
Kulamo joogto ah kadib dhalinyaradu waxay doorteen guddi ka kooban 13 xubnood oo dhaliyarada heer xafadeed iyo laan laan ka soo dhisa kadib waxay la kulmeen xubnaha sare ee maamulka waxayna usoo bandhigeen in saddex iyo tobanka laamood ee ay ka koobanyihiin sadexda xaafadood le magaaladu ay ka diyaarinayaan kun iyo saddex boqol oo dhaliinyaro ah oo diyaar u ah inay dalkooda iyo dadkooda ugu sheqeeyaan iskaa wax u qabso.
Waxaa la oran karaa Maxamuud C/raxmaan Cuuke waa ninkii ugu nasiibka badnaa ee xukuma mudug maxaa yeelay wuxuu helay taageerada shacabka oo dhamaystiran shacabkuna waxay ka sugayaan inuu amni iyo horumar u horseedo caddaaladna u sameeyo siduu u balanqaaday
![]()
- damu
- SomaliNet Heavyweight
- Posts: 3373
- Joined: Sun Aug 15, 2010 9:24 pm
- Location: PL National Socialist Party
Re: Dhalinyarada Aaya ka talinta Gobolka Mudug
Gaalkacyo (RBC Radio):- Shir balaaran oo ay ka soo qeyb galeen boqolaal dhalinyaro ah oo ku nool gobolka Mudug ayaa maanta ka dhacay hoolka shirarka ee dugsiga sare ee Cumar Samatar Gaalkacyo.
Shirkani oo ahaa shirweynihii ugu balaarnaa ee ay yeeshaan dhalinyarada gobolka Mudug ayaa waxaa kulankooda kala qeybgalay Guddiga Amniga iyo Horumarka Gobolka Mudug, Issimada Gobolka, Siyaasiyiin, Dhakhaatiir, Dhalinyarada gobolka iyo Marti sharaf kale.
Boqolaal qof ayaa soo buux dhaafiyey hoolka uu ka dhacayey shirweynaha dhalinyarada gobolka Mudug waxaana halkaasi hadalo qiimo iyo qaayo leh ka jeediyey Suldaan C/salaam Suldaan Maxamuud, Gudoomiyaha Guddiga Amniga iyo Horumarka Gobolka Mudane Maxamuud C/raxmaan Cuuke iyo qeybaha dhalinyarada gobolka Mudug.
Dhalinyaro ka tirsan Dalladda ururada dhalinyarada gobolka Mudug ee Dudmudug ayaa goobta ka hadley waxayna kulanka kaga dhawaaqeen ka shaqeynta amaanka, xasiloonida iyo horumarka gobolka Mudug iyagoo si mutadawacnimo ah uga shaqeynaya arimahaasi, waxayna maamulka gobolka u balan qaadeen in ay ka garab istaagi doonaan arimo badan oo u baahan in bulshada loo qabto sida amaanka iyo horumarka.
Suldaan C/salaam Suldaan Maxamuud oo ka tirsan Issimada Gobolka ayaa waxaa uu shirweynaha dhalinyarada gobolka Mudug ka jeediyey dhiiri gelin iyo boggaadin ku aadan dhalinyarada in ay isku tashadaan oo ay dadkooda iyo dalkooda wax u qabtaan isla markaana ay ka shaqeeyaan horumarka iyo nabadgelyada gobolka Mudug.
Suldaanka ayaa noqday Hoggaamiye dhaqmeedka hormuudka u ah isbedelka la doonayo in laga hirgeliyo magaalada Gaalkacyo, waxaana Suldaanka markii uu usoo dhaqaaqey in uu hadalka jeediyo mar qura wada istaagey isla markaana sacabka u tumay dhamaan boqolaalkii ruux ee ka soo qeybgalay kulanka kuwaasi oo ku faraxsanaa hadalka uu Suldaanku la hadlayo.
Hadalo dhiiri gelin iyo boggaadin ah oo xaqiiqda Gaalkacyo ka tarjumaya ayaa Suldaan C/salaam uu maalintii labaad ka jeediyey kulanka Aayakatalinta Gaalkacyo iyadoo shirweynaha dhalinyarada ee maanta uu Suldaanku ka jeediyey hadal qiima leh oo badalay shucuurta kasoo qeybgalayaasha.
Marka loo fiiriyo hadalada goobta laga jeediyay waxaa soo ifbaxay in reer Gaalkacyo isku tashtay isla markaana ay cagta saareen dhabbihii horumarka, barwaaqada iyo amnigaba ay ku gaari lahaayeen, waxaana shirweynaha dhalinyarada ee maanta uu ahaa mid si heer sare ah ku soo idlaaday.
Gudoomiyaha Guddiga Amniga iyo Horumarka Gobolka Mudug Mudane Maxamuud C/raxmaan Cuuke ayaa shirweynaha dhalinyarada ka jeediyey salaan sharafeed uu ka waday Madaxweynaha Dowladda Puntland oo ay khadka telfoonka ku wada hadleen, intaa kadib wuxuu dhalinyarada ku dhiiri geliyay in ay waxbartaan, isla marka ay waxbarashada dhameystaana ay u shaqeeyaan waalidiintood iyo dadka sugaya waxtarkooda, wuxuuna intaa ku daray in uu soo dhoweynayo hadalada ka soo yeeray dhalinyarada gobolka ee ah in ay la shaqeyn doonaan maamulka gobolka Mudug.
Mudane Cuuke waxaa uu ku dhawaaqey in jid weyn oo maamulkiisu ka dhisay agagaarka dugsiga sare ee Cumar Samatar Gaalkacyo loogu magac darayo Dhalinyarada gobolka Mudug isla markaana xaflad weyn loo sameyn doono oo dhalinyaradu xariga ka jari doonto, iyadoo wado taa la mid ah uu sheegay in loogu magac dari doono Suldaan C/salaam hase ahaatee Suldaanka ayaa ka cudur daartey oo sheegay in uu codsanayo in loogu magac darro Maxamed Yuusuf oo ah Xoghayaha Guddiga Aayakatalinta Gaalkacyo.
Gudoomiyaha ayaa xaflada kaga dhawaaqey in uu furayo sanduuq lacageed oo bil kasta maamulkiisu ku ridayo dhaqaale dhan $1,000 (Kun Doolar) dhaqaalahaasi oo waxbarasho loogu dirayo dhalinyarada ugu natiijo sareysa sanad kasta ee ka soo baxda dugsiyada sare ee gobolka Mudug kuwaasi oo aan awoodin in ay waxbarasho jaamacadeed raadsadaan.
Wasiirka Shaqada Shaqaalaha Dhalinyarada iyo Cayaaraha Puntland Mudane C/weli Xirsi Cabdulle ayaa shirka uga soo qeybgalay khadka telfoonka wuxuuna u hambalyeeyay dhalinyarada gobolka oo uu u sheegay in Wasaaradiisu wax badan oo horumarin ah ay u sameyn doonto sida cayaaraha iyo waxyaabaha la midka ah, wuxuuna Wasiirku dhalinyarada ku baraarujiyey in ay la shaqeeyaan maamulka cusub.
Xubno u hadley bahda Saxaafada gobolka Mudug ayaa ka warbixiyey doorka saxaafadu ay ka qaadatay isbedelada ka socda magaalada Gaalkacyo iyo guud ahaan gobolka Mudug, waxaana xubnaha saxaafada u hadley oo ay ka mid ahaayeen Rooble Xasan Cabdi iyo C/naasir Cali Ibraahim ay soo bandhigeen waxqabadka saxaafada iyo doorkooda wacyigelineed ee ay soo sameeyeen.
Gabdho iyo Wiilal ka tirsan dhalinyarada gobolka Mudug ayaa hadalo qiiro leh ka jeediyey madasha, waxayna dadweynihii iyo mas’uuliyiintii ka soo qeybgashay kulanka ay tuseen sida ay dhalinyaradu uga go’an tahay in la helo isbedel muuqda oo ay dhalinyaradu xubin ka tahay, waxayna balan qaadeen in ay hormuud ka noqon doonaan howl kasta oo shacabka wax loogu qabanayo.
- damu
- SomaliNet Heavyweight
- Posts: 3373
- Joined: Sun Aug 15, 2010 9:24 pm
- Location: PL National Socialist Party
Re: Dhalinyarada Aaya ka talinta Gobolka Mudug
Gaalkacyo (RBC Radio):- Shirkii ugu balaarnaa isla markaana ugu qiimaha badnaa ee looga hadlo arimaha Gaalkacyo ayaa ka dhacay hoolka shirarka ee Dugsiga Sare ee Cumar Samatar Gaalkacyo.
Shirkani oo loogu magac darey shirka Aayakatalinta Gaalkacyo ayaa waxaa soo agaasimay Waxgaradka Gobolka Mudug, waxaana shirkani ka soo baxay qodoba muhiim u ah shacabka Gobolka Mudug gaar ahaan kuwooda ku dhaqan magaalada Gaalkacyo.
Mas’uuliyiinta Maamulka Gobolka Mudug, Siyaasiyiin horey uga soo tirsanaa Xukuumada Puntland, Mudanayaal ka tirsan Baarlamaanka Puntland, Issimo, Nabaddoono, Ganacsato, Aqoonyahan, Dhakhaatiir, Culimo, Waalidiin, Ardey iyo Marti sharaf kale oo farabadan ayaa soo buux dhaafiyey halka uu ka dhacayey shirku ee hoolka shirarka ee dugsiga sare ee Cumar Samatar Gaalkacyo.
Kulankani oo ka badalnaa kuwii horey uga dhici jiray magaalada Gaalkacyo ayaa waxaa looga hadley arimaha Gaalkacyo gaar ahaan Amniga iyo Horumarka degmada, waxaana halkaasi lagu soo bandhigay talooyin wax ku ool ah iyo dhaqaale aruurin balaaran oo ay sameeyeen shacabkii iyo mas’uuliyiintii ka soo qeyb galay kulanka.
Gudoomiyaha Guddiga Amniga iyo Horumarka Gobolka Mudug Mudane Maxamuud C/raxmaan Cuuke ayaa ka hadley munaasabada wuxuuna ka sheekeeyay waxyaabaha uga qabsoomay maamulkiisa arimaha amaanka iyo horumarinta Gaalkacyo intii la soo magacaabay kadib, wuxuuna si gaar ah ugu dheeraadey arimaha amaanka.
Mudane Cuuke waxaa uu sheegay in ay dib u habeyn balaaran ku sameeyeen ciidamada gobolka iyo xarumahooda isla markaana ay dar dar geliyeen dhamaan howlihii shaqo ee ciidamada amaanku ka wadeen magaalada Gaalkacyo, wuxuuna hadalkiisa ku sii daray qorshayaasha labada bilood ee soo socda ay ka qaban doonaan amniga iyo horumarka Gobolka Mudug.
Suldaan C/salaam Suldaan Maxamuud oo ka mid ah Issimada Gobolka Mudug ayaa mar qura goobta shirka waxaa uu badalay jewigeeda kadib markii uu jeediyey khudbad xasaasi ah oo taabaneysa arimaha dhabta ah ee Gaalkacyo ka jira, wuxuuna ku nuux nuuxsadey arimaha amaanka, isagoo tusaale u soo qaatey Waxgaradkii Gaalkacyo lagu dilay iyo ciddii dishay, wuxuuna hadalkiisa raaciyey in ay jiraan hanjabaadyo looga soo jeediyey telfoonka.
Suldaanka ayaa waxaa uu sheegay in uu bixinayo dhaqaalaha ugu horeeya ee amaanka wax looga qabanayo isagoo soo bandhigay lacag dhan 5,000 (Shan kun oo doolar) taasi oo uu sheegay in ay amaanka wax kaga qabtaan maamulka gobolka Mudug, waxaana sidoo kale lacag intaas le’eg bixiyey Gudoomiyaha Ganacsatada Gobolka Mudug Cabdi Jaamac Cali Food oo bixiyey deeq lacageed oo dhan 5,000 (Shan kun oo doolar).
Hadalka Suldaan C/salaam oo ahaa mid kiciyey dhamaan dadkii meesha isugu yimid ayaa waxaa uu gundhig u ahaa in la helo dhaqaale farabadan oo dadku iska aruuriyeen kaasi oo lagu kaabayo howlgalada amaanka ee ka soconaya magaalada Gaalkacyo.
Gabdho ka soo qeyb galay munaasabada ayaa dahabkooda soo furay isla markaana ku deeqay howlgalada amaanka ee ka soconaya Gaalkacyo, waxaa iyaguna jiray Ganacsato iyo Nabaddoono oo uu ka mid yahay Nabaddoon Yaasiin C/samad Cumar oo bixiyey lacag dhan 500$ (Shan boqol oo doolar).
Waxaa Suldaanku soo jeediyay si loo helo amni balaaran oo lagu naaloon karo in shirkadaha biyaha, korontada iyo isgaarsiinta khidmada bil kasta ay bulshada ka qaadayaan in lagu kordhiyo xoogaa khidmad ah oo maamulka gobolka lagu hormarinayo isla markaana wax looga qabanayo amaanka magaalada Gaalkacyo taasi oo la isla ogolaaday.
Shirkada Nepco ee korontada siisa guud ahaan magaalada Gaalkacyo ayaa qaadatay go’aankaasi sheegtayna in ay soo dhoweyneyso in khidmad gaar ah shacabka looga soo aruuriyo horumarinta amaanka gobolka, waxaana sidoo kale shirkada isgaarsiinta Orpit ay ku dhawaaqdey in telfoono, internet iyo adeegyo badan oo isgaarsiin ah oo si bilaash ah ay ku gelinayso dhamaan xarumaha dowladda ee gobolka Mudug.
Kulankani ayaa intii uu socday waxaa ka soo qeyb galayaasha loo qeybiyey waraaqo rasiido ah oo qof kasta uu ku qorayo inta dhaqaale ee uu awoodo in uu ku biiriyo howlgalada dhinaca amaanka iyo horumarinta ee ka soconaya magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug.
Shirkani ayaa la oran karaa in uu yahay kii ugu balaarnaa isla markaana ugu qiimaha badnaa ee looga hadlo arimaha amaanka iyo horumarinta Gaalkacyo, waxaana kulankani la sheegay in uusan intaa ku ekaan doonin oo uu sii socon doono isla markaana todobaad kasta la qaban doono.
- abdisamad3
- SomaliNet Super
- Posts: 12628
- Joined: Sat May 30, 2009 10:18 am
- Location: Kismayo
Re: Dhalinyarada Aaya ka talinta Gobolka Mudug
good move by the youth, 

-
- SomaliNet Super
- Posts: 7820
- Joined: Sat Oct 16, 2010 1:22 pm
- Location: Xarunta Xisbiga Gooni Isu Taaga Dal udug
Re: Dhalinyarada Aaya ka talinta Gobolka Mudug
mashallah reer galkacyo
keep up the good work 


Re: Dhalinyarada Aaya ka talinta Gobolka Mudug
They look beautiful,great work.
- ciyaal_warta
- SomaliNet Super
- Posts: 9629
- Joined: Mon Jan 22, 2007 9:58 pm
- Location: Hiiraan State of Somalia
Re: Dhalinyarada Aaya ka talinta Gobolka Mudug
mashallah reeeeeer mudug ilaahey ha u siyaadiyo wanaagooda
-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 0 Replies
- 232 Views
-
Last post by FBISOMALIA
-
- 0 Replies
- 615 Views
-
Last post by wadnahadhiiga
-
- 2 Replies
- 260 Views
-
Last post by Xamud.
-
- 1 Replies
- 390 Views
-
Last post by sheekh-Farax-zero
-
- 0 Replies
- 312 Views
-
Last post by sheekh-Farax-zero
-
- 59 Replies
- 6240 Views
-
Last post by MrPrestige
-
- 1 Replies
- 319 Views
-
Last post by FBISOMALIA
-
- 4 Replies
- 490 Views
-
Last post by quark
-
- 0 Replies
- 291 Views
-
Last post by TheblueNwhite
-
- 5 Replies
- 1230 Views
-
Last post by FBISOMALIA