

Kooxda Kubada Cagta ee Gobolka Oodweyne Oo Dhulka Jiiday Kooxda Gobolka Gabiley Oo halkaasi Booqosho Ku Jooga
Oodweyne (OWN)- Xulka Gobolka Oodweyne ayaa maanta ciyaar Saaxibtinimo la yeeshay Xulka Kubada Cagta ee Gobolka Gabiley oo Booqosho ku jooga Magaalada Oodweyne ee Gobolkaasi.
Ciyaartani Saaxibtinimo ayaa waxa ay Maanta ka dhacday Magaalada Oodweyne waxa ay dhex martay Ciyaartooyadaga kooxaha ku ciyaara Gobolka Gabiley oo iyagu halkaasi Booqosho ku joogo iyo ciyaartooyga Oodweyne.
Sida ay ku soo waramayaan Garsoorayaasha kubada cagta ee gobolkaasi, waxa maanta ciyaartasi oo ahayd mid aad u adag isla markaana ay daawashadeeda ka soo qayb galeen Masuuliyiinta Gobolkaasi iyo dadweyne tiro badan ayaa waxa ay kooxda Oodweyne kooxdii Gabiley kaga badiyeen 2 gool oo ay keesadeen Kooxda Reer Oodwyene halka Reer Gabileyna keeneen 1 gool.
Ciyaartaasi ayaa waxa ay ku dhamaatay si aad uu qurux badan oo ay faraxad laba dhinac ahi ku dheehan tahay, waxana qorshaysan in ay mar labaad laba kooxood ciyaar saaxiibtinimo ku kulmi doonaan, iyada oo lagu ciyaari doono Magaalada Gabiley ee Gobolka Gabiley.
http://oodweynenews.com/news/90099-koox ... jooga.html