Shir Looga Hadlaayo Xoojinta Amniga pland Ka Furamay garowe

Dedicated for Puntland politics and affairs.

Moderator: Moderators

User avatar
FBISOMALIA
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 9254
Joined: Fri Oct 15, 2010 5:26 am
Location: SSDF FOR LIVE , AUN AWOOWE AY

Shir Looga Hadlaayo Xoojinta Amniga pland Ka Furamay garowe

Post by FBISOMALIA »

Image

Shirkani Oo ay Soo Qaban qaabisay Wasaarada Amniga iyo DDR Puntland Ayna Fulinesay Macahadka Cilmi Baarista Puntland PDRC ayaa Maanta waxaa uu Ka Furmay Hoolka shirkarka Ee PDRC Garowe.

kulankan ayaa waxaa Lagu Casuumay Gudomiye Gobolo, Wakiilo Ururo haweyn Iyo Qaybaha kala duwan ee Bulsha Gaar ahaan Gobolada Sool,karkaa iyo Nugaal Xubnahani oo Gaadhaya 40 Ruux.

Shirkani oo Furay wasiirka arimaha Gudaha Puntland C/llahi Axmed Jamac ayaa waxaa uu halkaasi ka sheegay in looga hadli doono Amniga guud ee Puntland iyo sidii loo heli lahaa Fikrado Saliim ah oo ku aadan sida Looga wada shaqeyn karo amniga gudaha Puntland.

Arintaasi oo wada tashiyo lagala sameyn doono dhamaan ka Qaybgalayasha kulankani oo Maanta Furmay Waxaana sidoo Kale Ka Qaybgalayaasha Halkaa ku sameyn doonan Doodo ku aadan sida Loo adkeyn Lahaa amniga iyo Meesha ay Ka jirto habacsanaanta.

Agaasimaha guud ee Wasarada Amniga Puntland Cali Cabdiraxmaan Oo Shir Jara’id Qabtay ayaa sheegay in shirkani yahay Mid Looga Doodi doono Nidaamka Amniga Gudahda puntland iyo sidii la iskula Meel dhigi lahaa Nidaam dagsan oo Wadashaqeyneed Bulshada iyo wasaarada.

Ugu danbeytiina Cali Hayaan ayaa sheegay in Kulamo Noocan ah Lagu Qaban Doono magaloyinka Boosaso iyo Gaalkacyo Isala Markaasina Looga Doodi Doono Arimaha Horumarinta Amniga Guud ee Puntland.

RBC News
Bosaso Office
User avatar
FBISOMALIA
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 9254
Joined: Fri Oct 15, 2010 5:26 am
Location: SSDF FOR LIVE , AUN AWOOWE AY

Re: Shir Looga Hadlaayo Xoojinta Amniga pland Ka Furamay gar

Post by FBISOMALIA »

this shiir only matter three gobols ( sool - karkaar - nugaal )

bossaso ( bari - hayland - sanaag)

galgacio ( mudug - cayn)

we hope those 3 shiir do its work inshalla :up:
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Puntland”