Diyaar garow ku’aadan bisha Ramadaan puntland

Dedicated for Puntland politics and affairs.

Moderator: Moderators

User avatar
FBISOMALIA
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 9254
Joined: Fri Oct 15, 2010 5:26 am
Location: SSDF FOR LIVE , AUN AWOOWE AY

Diyaar garow ku’aadan bisha Ramadaan puntland

Post by FBISOMALIA »

Image

Magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari ayaa waxaa laga dareemayaa diyaar garow ku’aadan bisha barakaysan ee ramadaan, waxaana lagu arkayaa suuqa wayn ee magaalada Bosaaso dad badan oo iibsanaya alaabaha iyo cunooyinka inta badan loo istimaalka afurka bisha barakaysan ee Ramadan.

Diyaar garowga bisha Ramadaan ee kasocda magaalada Boosaaso ayaa waxaa ay ganacsatada ay sheegeen inaysan jirin wax isbada

Mar wariyayaal katirsan Horseed Media ay saakay booqdeen suuqa ganacsiga ee magaalada Boosaaso ayaa waxaa ay dadku sheegen inay u diyaar garoobayaan bisha barakaysan ee Ramadaan isla markaana ay suuqa ka iibsanayaan adeegyada la istimaaclo bisha Ramadaan oo xiligaan maalmo ka harsantahay.

Siciid Maxamed Cali oo ka mid ahaa ganacsatadii ay Horseed Media la kulantay ayaa sheegay in maalmahaan ay suuqa ka socdeen diyarow xoogan oo lagu diyaar garoobayo bisha Ramadaan,waxaana uu sheegay in dadka Boosaaso iyo tuulooyinka kale duwan ee gobolka Bari inay iibsanayaan alaabaha ay ka mid yihiin:

Timirta
Bariiska
Burka
Qaxwaha iyo noocyada kale duwan ee sharaabka.

Waxaana uu sheegay inay maalmaha soo socdo la filan karo inuu sicir barar ku yimaado raashiinka quutul daruuriga xilli uu sheegay in dadka ay badankooda ka xagaa baxeen kulaylka magaalada Boosaaso.

Maxamed Sugule oo ka mid ah ganacsatada suuqa Boosaaso ayaa dhankiisa sheegay in xiligaan ay diyaariyeen alaabaha ay inta badan iibiyaan bisha barakaysan ee Ramadaanka.

Marka laga yimaado ganacsatada iyo dadwaynaha magaalada Boosaaso ee ku wajahan diyaar garowga soonka bisha Ramadaan ayaa waxaa dhinaca kale jira dad danyar ah oo qaarkood kasoo cararay colaada ka jirta koonfurta Soomaaliya oo ku sugan magaalada Boosaaso kuwaasi oo codsanyaya in loo sameeyo gargaar si’ay uga qaybqaataan gudashada waajibaadka bisha Ramaadaan oo ah rukniga sadexaad ee arkaanta islaamka.

Bisha barakaysan ee Ramadaanka ayaa waxaa ka harsan mudo gaaraysa 14-maalmood waxaana xiligaan soconaysa dhaqdhaqaaq xoogan oo loogu diyar garoobayo Bisha barakaysan ee Ramadaan.

C/salaan Axmed Shire

Hoseed Media Bosaaso.
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Puntland”