Kulan looga hadlayay tayaynta Imtixinaadka

Dedicated for Puntland politics and affairs.

Moderator: Moderators

User avatar
FBISOMALIA
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 9254
Joined: Fri Oct 15, 2010 5:26 am
Location: SSDF FOR LIVE , AUN AWOOWE AY

Kulan looga hadlayay tayaynta Imtixinaadka

Post by FBISOMALIA »

Image

Garoowe:-Xarunta Wasaaradda Waxbarshada Puntland ee Garoowe ayaa maanta lagu qabtay kulan ballaaran oo ay si wadajir ah u qabteen Wasaaradda iyo hay’adda Africaan Educatin Trust (AET), waxaana ujeedada kulankan uu ahaa sidii loo tayayn lahaa imtixinaadka, waxaana ka soo qaybgalay xubo ka socday Puntland, Somaliland iyo Koonfurta Soomaaliya.

Cabdilaah Nuur Salaad Xiriiriyaha AET ayaa waxa uu sheegay in kulankan uu ku saabsan yahay kor u qaadida tayaynta waxbarashada Puntland, Somaliland iyo Koonfurta Soomaaliya.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Waxbarashada Puntland Mudane, Cabdiqaadir Yusuuf Nuux ayaa waxa uu sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay in halkan ay iskugu yimadaan wakiilo ka kala socda dhammaan Soomaaliya, wuxuuna sheegay in Puntland aan la kala lahayn oo qofkasta oo Soomaali ah uusan u baahnayn Fiiso iyo dal kugal, uuna isagu aqoonsan yahay magaca Soomaali oo Soomaalidu aysan waxba kalahayn, islamarkaasna xubnahan ay bahwadaah ku yihiin waxbarasho.

Wuxuu codsaday in meelkasta oo loo joogo laga shaqeeyo horumarka waxbarashada Ummadda Soomaaliyeed si loo helo Ubadd aqoon lah noqda mustaqbalka dalka iyo dadka, wuxuuna mahad ballaaran u jeediyay hay’adda AET oo ku sheegay in ay si gaar ah isugu hawsho kor u qaadida waxbarashada dalka.

Mid ka mid ka soo qaybgalayaasha o oka yimid Koonfurta Somaaliya ayaa waxa uu sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay in uu yimaado Puntland, wuxuuna ammaanay Garoowe oo uu ku sheegay magaalo aad u qorxoon hase ahaatee waxa uu sheegay in ay dhirtu ku yartahay isaga oo codsaday in la dhireeyo magaalada. Wasaaradda Waxbarashada Puntland ayaa iyadu waxay si xawli ah ku doonaysaa in tayaysiiyo waxbarashada.
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Puntland”