somali national peace conference: garowe v mogadishu

Dedicated for Puntland politics and affairs.

Moderator: Moderators

User avatar
whitehartlane
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 2041
Joined: Sun Jan 02, 2011 10:23 pm

somali national peace conference: garowe v mogadishu

Post by whitehartlane »

Garaadkii Guud Ee Warsangeli Oo Runta U Sheegay Odayaasha Hawiye.

Garowe: (KM)-garaad Cabdillaah Cali-Ciid oo ah afhayeenka isimmada gobollada Puntland isla markaana ah garaadka guud ee beelaha Warsan Geli, Garaad C/laahi Cali-Ciid ayaa u jawaabay qayla dhaantii ahayd “waa wareey yaan Puntland lagu qaban shirka ee ka soo yeedhay odayaasha iskood isu caleema saaray ee beelaha Hawiye…
Af hayeenka isimmada gobollada Puntland isla markaana ah garaadka guud ee beelaha Warsangali ayaa xusay isaga oo Garoowe jooga in shirka wada tashiga Soomaaliyeed lagu qabanayo meel kasta oo ammaan ah oo dalka Soomaaliya ka mid ah isaga oo ugala jeeday inay Puntland nabad tahay.
Garaadka ayaa tibaaxay in Koonfurta Soomaaliya aanay wakhtigan ahayn mid ku habboon marti gelinta shirwaynaha Soomaaliyeed.
Odayaasha beelaha Hawiye ayaa tartan ugu jira inay afka u dhigtaan lix milyan oo doollar oo beesha caalamku ku bixinayso shir-waynaha xaaladda kala guurka ee Soomaaliya lagu micneeyey oo lagu qabanayo dalka Soomaaliya.
Mahiga oo ah wakiilka Qarammada Midoobey u qaabilsan arrimaha siyaasadda Soomaaliya wuxuu rajo wanaagsan ka bixiyey qabsoomid shirkaasi in kasta oo aanu carrabbaabin meesha lagu qabanayo shirka.
Wakiillada ka socda gobollada Puntland oo ay ka mid yihiin Siyaasi Khaliif Ciise Mudan iyo wasiirka tacliinta sare ee gobollada Puntland Dr. Juxa ayaa QM wefti ka socda Kula Kulmay magaalada Muqdisho.
War aannu ka soo xigannay shabakadda caalamiga ah ee Gal-Galanews.com ayaa sheegaya in Shariif Axmed oo ay qaraabo yihiin odayaasha ka dhawaaqaya Xamar uu madaxa aa duga ruxay tegitaanka Garoowe ama Dhulka Udugga ee Puntland isla markaana uu diidanyahay in shirka lagu qabto gobollada Puntland.
Sannadkii 1991- Ilaa hadda waxa ay Koonfurta Soomaaliya ahayd meel dagaallo iyo colaado dami waayey ka ooganyihiin mana aysan jirin wakhti la xusuusto oo ay nabad ka dhalatay.
Qayla dhaanta ka soo yeedhay odayaasha beelaha Hawiye ma ahan mid wakhtigan looga fadhiyo maaddaama Muqdisho ay ka aloosanyihiin dagaallo sokeeye dhac hantida shakhsiyaadka Somaliyeed iyo midda qaranka loo geysto, iyo abaaraha oo curyaamiyey isla markaana saamayn xooggan ku yeeshay guud ahaan Koonfurta Soomaaliya kana abuuray xasillooni la’aan iyo barakac cusub.
Siyaasiyiinta ka soo Jeedda Koonfurta Soomaaliya ayaa khatar ka aaminsan gobollada Puntland, laakiin waxa cajil nabad tusay guddoomiyaha gobolka banaadir oo ah ninkii Corl. Mr. Yuusuf wakhtigii uu madaxwaynaha Soomaaliya ahaa boodhadhka waa-weyn iyo carruurta la hor tegi jirey safaaradda Ethiopia ku leedahay magaalada London ee boqortooyada UK, waxana uu ku qaylin jirey” daarood baa xoog nagu haysta Daarood baa Ethiopia noo soo kaxaystay” laakiin Maxamed Nuur Tarzan oo lagu casumay ciyaarihii gobollada Soomaaliya oo ay Puntland marti gelisey, baa ka sheekeeyey sida wanaagsan ee loogu soo dhaweeyey gobollada Puntland.
Dad la sheekaystay Mr. Tarzan markii uu Garoowe tegay baa laga dheegtay in uu Yiri “miyaan gaadiid badan oo ciidan ah la igu Ilaalinayn markii laba Askari oo dharcad ah lagu daray guddoomiyaha taasi oo aad uga duwan riyada taalla magaalada Muqdisho oo uu ka soo duulay gudoomiyuhu.
Kalshaale Media, Garoowe, Soomaaliya.
Kalshaale Media, isha wararka Soomaaliya iyo caalamka!
Kalshaalemedia@Kalshaalemedia.com
User avatar
whitehartlane
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 2041
Joined: Sun Jan 02, 2011 10:23 pm

Re: somali national peace conference: garowe v mogadishu

Post by whitehartlane »

little bit surprised no one mentioned this major breaking news,
User avatar
FBISOMALIA
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 9254
Joined: Fri Oct 15, 2010 5:26 am
Location: SSDF FOR LIVE , AUN AWOOWE AY

Re: somali national peace conference: garowe v mogadishu

Post by FBISOMALIA »

puntland is ready for it long time ago plus its safe place in somalia with sland , again big step puntland ha nolato :up:
User avatar
Monk-of-Mogadishu
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 4962
Joined: Mon Oct 08, 2007 1:06 pm
Location: The thought of gemini07 and her family getting rich sends chills down my spine

Re: somali national peace conference: garowe v mogadishu

Post by Monk-of-Mogadishu »

This is not a competition between Garowe and Mogadishu - Xamar is our national capital and Garowe is just our regional capital - this is an argument between the forces of good (Puntland) and those who want to hold the country back forever (Hawiye) and insha allah the forces of good will prevail.

Also, it is 100% certain that it will be held in Garowe.
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Puntland”