New Youth Group Created In Laascaanood

Dadka ku dhaqan ama ka imaaday gobolkan

Moderators: Moderators, Junior Moderators

User avatar
Knight of Wisdom
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 6609
Joined: Thu Aug 27, 2009 1:56 pm
Location: Eiffel Tower

New Youth Group Created In Laascaanood

Post by Knight of Wisdom »

Dhalinyaro u dhalatay Gooladda SSC oo ku dhawaaqday urur Cusub –Ururka Dhaqdhaqaaqa Dhalinyarada SSC Soomaaliya


Abaabul iyo shirar Bilihii tegay ka socday Magaalada Laascaanood ee Gobolka Sool, ayaa laga gaadhay natiijooyin wax ku ool ah oo waayo cusub u furaya Dadka mandaqada SSC gaar ahaan, guud ahaana Soomaaliya.

Hawshan oo ay bilaabeen 25 dhalinyaro ahi waxaa ku qancay oo taageearay in kabadan 120 xubnood oo da’yar ah {gudaha iyo debedaba}.
Hadaba, iyadoo laga duulayo arimaha soo socda ; waxaan soo bandhigeynaa mowqifka iyo barnaamijka Urur cusub oo magaciisu yahay Ururka Dhaqdhaqaaqa Dhalinyarada SSC Soomaaliya kaasoo ka dhashay dareenka iyo talada barbaarta kor ku xusan.Ururku wuu metelaa kana koobanyahay dhammaan Dhalinyarada SSC.

Dhalashada iyo Ujeedooyinka Ururka

Kadib markii dhalinyaradu aragtay marxaladaha qallafsan ee Dadka iyo Deegaannada SSC.
Markii laysla gartay dulliga, dib udhaca , tafaraaruqa iyo sharaf darrada maanta haysta Bulshada SSC.
Markii la garowsaday mas’uuliyadda baylihinta xorriyadda iyo Dalka SSC inay tahay madaxdii hore ee Puntland.
Markii lagu qancay in madaxda maanta ee Puntland ayan 3 Sano ku dhowaad dan ka gelin welina ayan muraad ka lahayn.
Markii la arkay in Hogaankii Nairobi lagu dhisay ee SSC inuu burburay.
Markii la yaqiinsaday in Issimo, Siyaasiyiin iyo Saraakiilba madxdii Beesha Dhulbahante ayan ku foognayn xal u helidda gunnimada iyo halaaga dadka haysta, ayna gabeen xilkoodii iyo kaalintii ku haboonayd.
Iyadoo maanka lagu hayo qiimaha iyo awoodda shacbiga sharfan ee SSC.
Lagama maarmaan iyo xaq culus waxaa ah in la bilaabo halgan dhab ah.
Ururka Dhaqdhaqaaqa Dhalinyarada SSC markaa wuxuu isu taagay inuu buuxiyo hogaamin daacad u ah Dadka iyo Dalka SSC.

Shirar casri ah oo isku xidhan ka dib, waxay Dhalinyaradani gudoonsadeen:-

Waxaa la dhisay ururka Dhaqdhaqaaqa Dhallinyarad SSC Soomaaliya.
Himilooyinka Ururka waxaa safka hore kaga jira:- xoraynta Dhulka SSC, midaynta Bulshada iyo raadinta midnimo iyo qaranimo Soomaaliyeed.
Iyadoo laga taxadderayo arimihii fashilmay ee shirarkii hore ee waayeelka iyo madaxda Besha, lama qiimaynayo duruufaha iyo dhaqannada gurrucan ee jira; qarsoodi ayaa loo badiyey dhaqdhaqaaqa Ururka.
Ururku wuxuu xogihisa ku gaadhsiinayaa Bulshadiisa si qorshaysan.
Waxaa la dhisay guddiyo farsamo iyo waaxyo look ala asteeyey xilalka iyo hawl fulinta oo dhan.

Baaq

Ururka Dhaqdhaqaaqa Dhalinyarad SSC Soomaaliya Wuxuu ugu baaqayaa dhammaan shacbiga mandaqada {gudo iyo dibedba} inay is barbar taagaan barbaarta bilowday halganka.

Ururku wuxuu Beelaha derisyada ugu baaqayaa in ay garowsadaan fashilaada madaxda ay maamulka u dhiibteen.
Ururku wuxuu Bulsho weynta walaalahood ee Puntland ka codsanayaa aqoonsiga iyo taageeridda dhaqdhaqaaqan u kacay soo dhicinta iyo xoraynta dhulka.
Dhaqdhaqaaqa Dhalinyaradu wuxuu soo dhoweynayaa dareenka Jaalliyada debada iyo Shirarka Khaatumo1 London iyo Khaatumo2 Oslo, wuxuuna diyaar ula yahay iskaashi buuxa.
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Provinces - Sool”