Page 1 of 1

Awdal State Oo Furatay Idaacad Cusub, ByeBye Radio Hargeysa

Posted: Mon Jul 18, 2011 4:46 pm
by Knight of Wisdom
Wararka naga soo gaadhaya Gobolka Awdal ayaa sheegaya in dhowaan ay hawada gobolkaas soo gashay..

Idaacad ku hadlaysa Afka Awdal State, taas oo aan la garanayn meel lagasoo baahiyo oo xarun u ah.

Hase yeeshee wararku waxay sheegayaan in idaacadan lagasoo tebiyo dalka dibediisa, taasoo la mid ah tii uu Siilaanyo wakhtigii uu Kulmiye mucaaradka ahaa u isticmaali jiray borobogaandadii ay kaga soo horjeedeen Daahir Rayaale oo dibeda laga soo lalin jiray.

Idaacadan waxaa samaystay Qurba-joogta Gobolka Awdal ee ka soo horjeeda maamulka Somaliland, waxayna ka baahiyaan barnaamijyo ay kaga soo horjeedaan maamulkaas Somaliland.

Baahinta Idaacadan ayaa ku soo beegmaysa wakhti ay qarka u saaran tahay inay bakhtido oo hawada ka baxdo mawjadii FM ta ahayd ee Radio Hargeysa, taasoo sida ay sheegeen ilo xogogaal ahi ay gashay cilad codkeeda sii naaqusay iyo dhaqaale xumo..

Re: Awdal State Oo Furatay Idaacad Cusub, ByeBye Radio Harge

Posted: Mon Jul 18, 2011 4:55 pm
by Hargaysa1982
Yawn okkkkkk........nxt-------------->