Madaxweynaha Puntland oo magacaabey labo Wasiir

Dedicated for Puntland politics and affairs.

Moderator: Moderators

User avatar
FBISOMALIA
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 9254
Joined: Fri Oct 15, 2010 5:26 am
Location: SSDF FOR LIVE , AUN AWOOWE AY

Madaxweynaha Puntland oo magacaabey labo Wasiir

Post by FBISOMALIA »

Wareegto ka soo baxay xafiiska Madaxwaynaha dowladda Puntland Cabdiraxman Sh.Maxamed Farole ayaa waxa lagu magacaabey laba Wasiir oo kamid noqonaya xukuumada dowalda Puntland.

Mudane Khaliif Ciise Mudan ayaa Madaxwanaya dowladda Puntland wareegto lambarkeedu yahey 40 kuna taarikhaysan 18.7.2011 ugu magacabey Wasiirka Wasaaradda amniga iyo hubka dhigista, dhaqan celinta ee Puntland.

Sidoo kale wareegto lambarkeedu yahey 41 kuna taarikhaysan 18.7.2011 ayuu Madaxwaynaha dowladda Puntland ugu magacaabey Genaral Yuusuf Axmed Khayr Wasiiru dowlaha dhanka sharciga Madaxtooyada Puntland.

Wareegtaddan waxa ay ka soo baxdey galabta xafiiska Madaxwaynaha dowladda Puntland Dr. Cabdiraxman Farole,waxana ay dhaqan galaysa marka Madaxwaynuhu saxiixo waana uu saxiixey.

Wasiirka cusub ee loo magacabey Wasaaradda Amniga iyo hub ka dhigista, dhaqan celinta ee Puntland Khaliif Ciise Mudan ayaa ka tirsanaan jirey ciidanka cirka ee dowladi dhexe ee Soomaaliya isaga oo aan wax xil ah horey uga qaban Puntland balse ahaa ganacsade.

GAROWEONLINE
User avatar
FBISOMALIA
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 9254
Joined: Fri Oct 15, 2010 5:26 am
Location: SSDF FOR LIVE , AUN AWOOWE AY

Re: Madaxweynaha Puntland oo magacaabey labo Wasiir

Post by FBISOMALIA »

impressive move MR.president to choice somalia lions to work in security :up:
User avatar
FBISOMALIA
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 9254
Joined: Fri Oct 15, 2010 5:26 am
Location: SSDF FOR LIVE , AUN AWOOWE AY

Re: Madaxweynaha Puntland oo magacaabey labo Wasiir

Post by FBISOMALIA »

Madaxweynaha Puntland Dr.Cabdiraxmaan Maxamed Faroole ayaa u magacaabey Wasiirka Amniga Hub kadhigista iyo Dhaqan celinta, Col.Khaliif Ciise Mudan, Sidoo kale wareegtada ka soo baxdey xafiiska Madaxweynaha ayaa wasiirkii hore ee Wasaaradsdaas gen.Yusuf Axmed Kheyr loo magacaabey Wasiiru Dawlaha dhanka Sharciga ee Madaxtooyada.

Wasiirka cusub ee Amniga Puntland Mudane Khaliif Ciise Mudan ayaa Dawladdii hore ee Soomaaliya ka tirsanaa ciidanka Cirka, isaga oo gaarey derajada Korneyl, muyddooyinkii u danbeeyey waxa uu ahaa ganacsade caan ka ah deegaanada Puntland isaga oo galaangal fiican u lahaa arrimaha siyaasadda ee Puntland iyo Soomaaliyaba.

Wasiirkii hore ee Amniga ee hadda loo badalay wasiiru dawlaha Sharciga ayaa muddooyinkii la soo dhaafey ku sugnaa dalka Ingiriiiska halkaas oo degnanaansho ku lahaa, Booska cusub ee loo magacaabey Yusuf Axmed Kheyr ayaa ah mid cusub waxaana ay kor u sii qaadeysaa tirada Golaha Wasiirada ee Puntland kuwaas oo hadda gaaraya 50 waasiir, wasiiru dawle iyo ku xigeeno.

Wareegtada ka soo baxdey Madaxweynaha Puntland ayaa lagu xusey in Madaxweynuhu markii uu arkey dastuurka Puntland iyo sida baahi loogu qabo in wax laga qabto arrimaha amaanka, isla markaana uu qiimeeyey kartida iyo awoodda wasiirka isla markaana uu la tashiyo sameeyey uu arrintan ku talaabsadey

Horseed Media
User avatar
FBISOMALIA
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 9254
Joined: Fri Oct 15, 2010 5:26 am
Location: SSDF FOR LIVE , AUN AWOOWE AY

Re: Madaxweynaha Puntland oo magacaabey labo Wasiir

Post by FBISOMALIA »

Garowe(PP): Madaxweynaha Puntland C/Raxmaan Maxamed Faroole ayaa caawa u magacaabay Khaliif Ciise Mudan wasiirka Amniga Puntland. Wasiirka La magacaabay ayaa ah nin aad looga yaqaan degaanada Puntland waxa uuna ahaa ganacsade caan ah.

Khaliif waa markii ugu horaysay ee uu soo galo golaha wasiirada Puntland, waxa uuna dowladihii hore kala shaqayn jiray dhinaca arimaha dibada iyo ganacsiga dibada.

Wasaaradan maanta wasiirka cusub loo magacaabay ayaa dadka siyaasada Puntland indhaha ku haya u aanaynayaan in ay wax badan ka qabanweyday dilalka qorsheysan ee ka dhaca magaalooyinka Boosaaso iyo Gaalkacayo.

Wasiirkii Hore ee wasaaradan Yusuf Axmed Kheyr ayaa laga dhigay wasiiru dowlaha madaxtooyada dhinaca sharciga.

Daabacaada Puntlandpost.com
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Puntland”