
Wasiirka Cusub ee Amniga Puntland Gen. Khaliif Ciise Mudan oo shalay loo magacaabay jagadan ayaa maanta lagu dhaarshay xarunta madaxtooyada Puntland ee Garoowe, dhaarta kadib ayuu wuxuu ku baaqay in lala shaqeeyo si loo helo ammaan buuxa.
“Waxaan ku baaqayaa Issimo, waxgarad, aqoonyahan, dhalinyaro iyo haween in la ila shaqeeyo si loo helo ammaan buuxa, waxaana balan qaadayaa dhaarta aan ku dhaartay in aan oofiyo oo ka soo baxo wadankeena (Puntland) uu noqdo meel ammaan ah ayuu yiri”.
M-kuxigeenka Puntland Gen. Cabdisamad Cali Shire oo hadal kooban jeediyay ayaa waxa uu sheegay in uu aad ugu kalsoon yahahay in Gen. Khaliif uu ka soobixi doono hawsha loo igmaday oo uu yahay nin aqoonsare u leh hawlaha ammaanka Puntland, wuxuu kaloo tilmaamay Wasiirkii hore ee shaqada laga badalay Yuusuf Axmed Khayr uu ahaa nin isna General ah oo wax badan qabtay balse ay jagadu meerto tahay oo hadba nin qabanayo.
Khaliif Ciise Mudan Wasiirka Cusub ee Amniga Puntland ayaa markii ugu horaysay abid Golaha Wasiirada Puntland soo galay, wuxuuna ahaa nin siyaasi ah oo maamuladii kala duwanaa ee Puntland soo maray illaa 1998-dii qaab ka duwan xubin ka noqoshada Golaha Wasiirada kala shaqeeyay, wuxuu in badan kala shaqeeyay arimaha dibada iyo xiriirka ganacsiga.
Waxaa xusid mudan, Wasiirka hada jagada Wasaaradda Amniga Puntland laga badalay Yuusuf Axmed uu ku maqan yahay dalka dibadiisa, waxaa kaloo iyana xusid mudan Wasiirkii isaga ka horeeyay ee jagadan Amniga laga badalay Gen. Cabdilaahi Saciid Samatar uu isna markii la badlay uu ku maqnaa dalka dibadiisa, wallow, hadda Yuusuf Axmed Khayr uu wali qayb ka yahay Golaha Wasiiradda Puntland.
