
Ergeyga gaar ah ee QM u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Augutine Mahiga ayaa isaga oo jooga magaalada Nairobi waxaa uu sheegay in ay been abuur yihiin islamarkaana waxba ka jirin wararka sheegaya in shirka wada tashiga la qorsheeyay in lagu qabto magaalada Garoowe maamul goballeedka Puntland.
‘’Wali magaalo loo xushay ma jirto in shirka, waxaa arintaa u xil saraan guddi gaar ah oo u guurgalaya magaalada ugu mudan in kulankaasi lagu qabto, sidaa daraadeed wali wax go’aan ah oo la gaaray malaha ayuu yiri,’’ Mahiga.
Hadalka Mr. Mahiga ayaa ku soo beegmaya xili madaxda maamulka Puntland ayaa ku cel celinayeen maalmihii aynu soo dhaafnayba in shirka lagu wado in lagu qabto gudaha dalka Soomaaliya uu ka dhici doono magaalada Garoowe ee xarunta u ah maamul goballeedka Puntland.
Wasiirrka waxbarashada maamulka Puntland Cabdi Faarax Juxa oo qeyb ka ah guddi QM u saartay ka soo baaraan dagida halka lagu qabanayo shirka ayaa saxaafadda u sheegay in hadda meesha ugu mudan ee leysla wada gartay tahay magaalada Garoowe, hasse ahaatee hadalka wasiirka waxaa meesha ka saaray Augutine Mahiga oo sheegay in ilaa hadda aysan jirin meel gaar ah oo loo cayiman in uu shirku ka dhaco.
Madaxweynaah maamulka Puntland C/raxmaan Shiikh Max’ed Faroole oo warbaahinta la hadllayay ayaa sheegay “Cidii diida shirkaasi waxaan u aragnaa cid dooneysa dhibaatada Soomaaliya, anaguna waan arkeynaa.. Beesha caalamkuna way arki doontaa”