
Wasiirka Caafimaadka Puntland oo ka qayb qaadanaya Kulanka
Garoowe: (pp)- Munaasabad lagu soo bandhigayo mashruuc Caafimaad oo ay waddo hay’adda IOM -kana socota wadanka Finland ayaa maanta gelinkii danbe lagu soo bandhigay xarrunta Rugsan Square ee magaalada Garoowe ,waxaana mashruucaasi qayb ka ah wasaaradda Caafimaadka Dowlada Puntland.
Kulankaani waxaa kasoo qayb galay Masuul ka kala socota Wasaaradda Caafimaadka ,W/qarshaynta , Hay’adda Caafimaadka aduunka ee WHO iyo Masuuliyiin ka socota UNPD iyadoona intiisa badan kulankaasi looga hadlayay qaabka uu mashruucaani caafimaadka uga shaqayn karo deegaanada Puntland ,waxaana inta uu socday kulankaani ka dhex muuqday dhaqatiir caafimaad oo soomaali ah kana socotey dalka finland.
C/qaadir oo ah masuulka u jooga hay’adda IOM magaalada Garoowe ayaa ka warbixiyay kulankaani waxa uu ku saabsan yahay ,isagoona ku tilmaamay inuu yahay mid kor loogu qaadayo caafimaadka Puntland ,wuxuuna intaasi ku daray inay jiraan dhaqatiir caafimaad oo soomaali ah kana howl gali doona deegaanada Puntland ” Mashruucani waa mid ka hirgali doona Puntland iyo Somaliya waxaana kor loogu qaadaya caafimaadka” ayuu yiri .
Fadhigaani oo intiisa badan ay ka hadleen Masuuliyiinta ka socotay Hay’adda IOM ayaa sheegay inuu mashruucaani ku saabsan yahay arrimaha caafimaadka isla markasna laga hirgalin doona Degaanada Puntland balse ay jiri doonan mashruucyo kale laga hirgelin doona Puntland .
Gabo gabada kulankaani oo looga hadlayay Mashruuca caafimaad oo laga hirgalin doono Puntland ayaa waxaa soo xiray wasiirka caafimaadka Dowlada Puntland Dr Cali C/laahi Warsame oo sheegay inuu aad ugu farax san yahay howshaani ay qabanayaan Masuuliyiinta IOM ,isagoona ugu danbayntiina ugu baaqay Masuuliyiin ka socotay Finland inay Puntland usoo diraan dhaqatiir caafimaad oo ka qayb qaadata dawaynta dadka xanuunsan ee Puntland.
Waa markii ugu horaysay Hay’adda IOM ay Mashruuc ku saabsan arrimaha caafimaadka ay ka hir-galiso degaanada Puntland ,iyadoona mashruucaani hadii uu hirgalo uu noqonayo mid wax wayn ka badalo sidii loola dagaalami lahaa cudurada ku dhaca dadka
