Page 1 of 1

Beesha Ayuub oo caleemo saaraysa Suldaan Cusub.

Posted: Thu Jul 21, 2011 2:32 pm
by Mr_Alfaas
Madaweyn ( IshaNews) 21-07-2011, BeeLWeynta Ayuub ayaa 23/07/2011 ku caleemo saari doonta Suldaan cusub Magaalada Madaweyn, halkaaso ay hada ka socoto xafladii u diyaar garowga caleemo saarka suldaanka cusub, ka soo noqon doona Suldaan Maxamed Xuseen Maxamuud(Guray Fayaan Biro).



Hadaba sida ay gudida qaban qaabadu noo xaqijiyeen ayaa waxa laga dareemaya caleemo saarka suldaankan dhaqdhaqaaqyo dhinacyo badan oo Ethiopia iyo Somaliland ba ah madaama oo u suldaankani noqon doono suldaanka guud ee beesha ayuub ee degan dhinaca Ethiopia.



Caleemo saarka suldaankan ayaa isna shaki xoogan ku abuuray, dawlada Somaliland madaama oo ay beeshani tabanaysay inaan la siin saamigii ay xaqa ugu lahaayeen golaha fulinta taaso keentay inay beeshani samayso dhaqdhaaq ah sidii ay uga mid noqon lahayd golaha fulinta dawlada cusub, iyadoo dawladuna ilaa hada ay ka dhago adaygtay oo aanay fulin rabitaanki beesha Ayuub, taasina keentay inay beeshani sameyso kulamo googoos ah iyo waliba shirar dal iyo dibadba leh, kuwaaso ay ka soo baxeen in beesha ayuub yeelato shir guud oo ay aaya hooda kaga tashanayaan, kaaso ay qurbe joogtu ku dhawaaqday in sida ugu dhakhsaha badan looga qabto dalka gudahiisa, taaso cabsi weyn ku abuurtay xukumada Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo.

Image

Iyagoo dawladu ku xidhiidhisay arinta caleemo saarka suldaankan cusub inuu yahay mid gogol u xaadhaya shir beeleedkii ay beeshani hore ugu balansanayd, taaso ay dawladu xooga saartay inaanu qabsomin shir beeleedkani iyadoo wufuud ka socota gobolka hawdna u dirtay degmada sayla halkaas oo ay filaysay inuu caleemo saarku ka dhici doono, iyadoo shalay galinkii hore ay ku hungobeen weftigii u hogaaminayey, gudoomiyaha gobolka Hawd.



Mohamed Jama Hashi

Ishanews Media Group

Hargeisa Somaliland

Re: Beesha Ayuub oo caleemo saaraysa Suldaan Cusub.

Posted: Thu Jul 21, 2011 2:39 pm
by afisoone
Habar Ayuub miyaa mise waa Ayuub kaliya. Waa beel igu cusub hada aniga shaqsiyan. I thought I learn all the tribes of Somalia. Still Some more to come....;

Re: Beesha Ayuub oo caleemo saaraysa Suldaan Cusub.

Posted: Thu Jul 21, 2011 2:42 pm
by Mr_Alfaas
waa ayuub qudha sxb



waxa jiro kale Arab,toljeclo,cimraan,sanbuur,garxajis

Re: Beesha Ayuub oo caleemo saaraysa Suldaan Cusub.

Posted: Thu Jul 21, 2011 2:47 pm
by Knight of Wisdom
:lol: :lol: :lol:

Re: Beesha Ayuub oo caleemo saaraysa Suldaan Cusub.

Posted: Thu Jul 21, 2011 3:52 pm
by Siciid85
Ayup Sheikh Isaaq Axmed. :up: :sland: Bwt where in Hawdka is "Madaweyn" located in?

Re: Beesha Ayuub oo caleemo saaraysa Suldaan Cusub.

Posted: Thu Jul 21, 2011 5:11 pm
by HooBariiska
Noolow Suldaan Nooloow :sland: :up: :sland: :up:

Re: Beesha Ayuub oo caleemo saaraysa Suldaan Cusub.

Posted: Thu Jul 21, 2011 5:17 pm
by Barkhadd
Ayuub in Habar Magaado group :sland:

Re: Beesha Ayuub oo caleemo saaraysa Suldaan Cusub.

Posted: Fri Jul 22, 2011 4:20 am
by djibsomali
hambalyoo

Re: Beesha Ayuub oo caleemo saaraysa Suldaan Cusub.

Posted: Fri Jul 22, 2011 6:08 am
by ToughGong
:up: :sland:

Re: Beesha Ayuub oo caleemo saaraysa Suldaan Cusub.

Posted: Fri Jul 22, 2011 6:42 am
by Mr_Alfaas
Siciid85 wrote:Ayup Sheikh Isaaq Axmed. :up: :sland: Bwt where in Hawdka is "Madaweyn" located in?
sxb i will let u know soon insha Allah.sida auma sii kala aqaan waxay u dhawdahay xarshin iyo bandar amaan labadaas ayey u dhaxaysa ayan filaya.

Re: Beesha Ayuub oo caleemo saaraysa Suldaan Cusub.

Posted: Fri Jul 22, 2011 7:19 am
by Xamud.
Congrats to Beesha Ayuub :up:

Re: Beesha Ayuub oo caleemo saaraysa Suldaan Cusub.

Posted: Fri Jul 22, 2011 8:52 am
by KingMJ
:up: :sland:

Re: Beesha Ayuub oo caleemo saaraysa Suldaan Cusub.

Posted: Sat Jul 23, 2011 7:59 pm
by Dhaga Bacayl
Mr_Alfaas wrote:
Siciid85 wrote:Ayup Sheikh Isaaq Axmed. :up: :sland: Bwt where in Hawdka is "Madaweyn" located in?
sxb i will let u know soon insha Allah.sida auma sii kala aqaan waxay u dhawdahay xarshin iyo bandar amaan labadaas ayey u dhaxaysa ayan filaya.

Madawayn :up: one of my to see list INSHA ALLAH.

Madaweyn,
Dabaylka
Gaashaamo
Xarshin
Harta
RAMASO (my all time favorite name)

...I just love these names.... :up:

Re: Beesha Ayuub oo caleemo saaraysa Suldaan Cusub.

Posted: Thu Jul 28, 2011 12:37 pm
by Mr_Alfaas
Caleemo Saarkii Suldaanka Beesha Ayuub Oo Si Heer Qaran Ah Loogu Caleemo Saaray Tuulada Madalweyn.Sawiro dhawaan naga fisha.


Madalweyn(ishanews) waxa xaflad si heer qaran ah loo soo agaasimay oo labada dawladood ee Somaliland iyo Ethiopia ba ka soo qaybgaleen shalay loogu caleemo saaray Suldaan Maxamed Xuseen Maxamuud( Guray ), oo noqon doona suldaanka guud ee beesha ayuub ee degan dalka Ethiopia.

Caleemo saarkan oo lagu qabtay goob aad u muqaal wanaagsan, oo bulshadii ka qaybgashayna aad moodaysay mid wada raali galisay ayaa waxa ka soo qaybgalay bulsho aad farabadan oo lahayd aqoonyahayo, boqoro, ugaasyo, odayaal, siyaasiyiin, saladiin, abwaano, haween , iyo dhalinyaro, dhamaantoodna waxayka kala yimideen labada dale e Ethiopia iyo Somaliland.

Waxaana madashaa ka hadlay boqoro, ugaasyo, iyo saladiin tiro badan dhamaantoodna waxay isku raceen in suldaankani xilkan manta loo caleemo saaray uu ahaa mid marka horeba inka badan labaatan sano ka shaqaynayey, amniga iyo arimaha dhaqankaba isagoo ahaa oday hogaamiye dhaqameed ahaa beelaha isaaq ee degaanka ethiopai.


Waxaanay ilaahay uga baryeen in suldaanka cusub ee beesha ayuub soo kordhisay uu yahay mid wakhtigan ay beeshu baahiweyn u qabtay, madaadam oo ay kala degaan labada dale e ethiopai iyo Somaliland, waxaana khudbadii halkaa lag jeediyey oo qoraal ahba aanuidin soo gudbin doona habeen danbe.

Mohamed Jamac Hashi

Ishanews media group

Hargeisa somaliland