Page 1 of 1

W.Dhalinyarada & Cayaaraha Pland Gaalkacyo Lagu Soo Dhoweeya

Posted: Fri Jul 22, 2011 5:10 pm
by FBISOMALIA
Image

Gaalkacyo (RBC Radio):- Wasiirka Shaqada Shaqaalaha Dhalinyarada iyo Cayaaraha dowladda Puntland ee Soomaaliyeed Mudane C/weli Xirsi Cabdulle (Indhaguran) ayaa gelinkii dambe ee maanta ka soo degay Garoonka diyaaradaha magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug.

Wasiirka ayaa waxaa Garoonka diyaaradaha Gaalkacyo ku soo dhoweeyay Mas’uuliyiinta maamulka gobolka Mudug, Waxgarad, Aqoonyahan, Dhalinyaro leh gabdho iyo wiilal iyo Dhalinyarada kooxaha kubada cagta Gaalkacyo.

Mudane C/weli Indhaguran ayaa ka soo kicitamay magaalada Nairobi ee dalka Kenya halkaasi oo uu ku tagey safar shaqo oo qaatey maalmo kooban, waxaana uu maanta gelinkii dambe dib ugu soo laabtey deegaanada Puntland isagoo ka soo degay Garoonka diyaaradaha Gaalkacyo.

Wasiirka ayaa markii uu soo dagey waxaa uu salaan sharafeed soo dhoweyni kularan tahay uu ka qaatey dhamaan xubnihii soo dhoweynayey ee isugu jiray dadweyne iyo Mas’uuliyiinta gobolka Mudug wuxuuna halkaasi ka jeediyay hadal kooban oo mahad celin u badan.

Mudane C/weli waxaa uu si gaar ah uga mahad celiyay soo dhoweynta qiimaha badan ee loo sameeyay imaatinkiisa, wuxuuna Mas’uuliyiinta iyo dadweynaha gobolka Mudug uu usheegay ujeedada safarkii uu ku tagey dalka Kenya, isagoo sheegay in horumarka deegaanada Puntland shir looga hadlayo in uu kaga qeybgalay dalka Kenya, shirkaasi oo uu sheegay in ay ka soo baxeen waxyaabo horumar u ah shacabka iyo deegaanada Puntland.

Wasiirka Shaqada Shaqaalaha Dhalinyarada iyo Cayaaraha dowladda Puntland Mudane C/weli Xirsi Cabdulle (Indhaguran) ayaa imaatinkiisii kadib waxaa loo galbiyey Aqalka uu magaalada Gaalkacyo ka degan yahay, wuxuuna Wasiirku balan qaadey inta uu Gaalkacyo joogayo in uu la kulmi doono dhalinyarada gobolka Mudug iyo dadweynaha qeybihiisa kala duwan oo uu yiri waxan kala sheekeysan doonaa horumarka gobolka.

RBC Radio.

Re: W.Dhalinyarada & Cayaaraha Pland Gaalkacyo Lagu Soo Dhow

Posted: Fri Jul 22, 2011 5:28 pm
by CismanMaxamud1
:som: :up:

Re: W.Dhalinyarada & Cayaaraha Pland Gaalkacyo Lagu Soo Dhow

Posted: Fri Jul 22, 2011 5:38 pm
by FBISOMALIA
CismanMaxamud1 wrote::som: :up:
:som: :up: