Inaa Lilaahu Waa Inaa Ilaahi Raajucuun Muj.Yusuf Isa Talaabo
Moderator: Moderators
Inaa Lilaahu Waa Inaa Ilaahi Raajucuun Muj.Yusuf Isa Talaabo
War Deg Deg ah: Alle Ha u Naxariiste waxa La soo Sheegay Geeridii Mujaahid Macalim Aqoon yahan Yusuf Ciise Ducaale Talaabo
Inaalilaahi Wa Inaa Ilayhi raajicuun Alle Ha u naxariistee waxa Goordhawayd Ku Geeriyooday Cusbitaal ku yaala Magaalada Nairobi Mujaahid Yusuf Ciise Ducaale (Talaabo).
Mujaahid Yusuf Talaabo ayaa ka mid ahaa Saraakiishii Sarsare ee Ururkii Dhaqdhaqaaqa Wadaniga Somaliyeed ee SNM sidoo kale waxa uu ahaa Barre Macalim Aqoon yahan Soo saaray jiilal Badan oo ka tirsan Bulshada Somaliland oo uu Macalim u ahaa.
Sidoo kale Mujaahid Yuusuf Ciise waxa lagu xasuustaa Doorkii Hogaamineed ee uu ku lahaa Bulshada Dhexdeeda Geesinamadii Hadal Cadaantii iyo Run Sheegnimo Sidoo kale waxa uu ka mid ahaa Abaabulayaashii iyo Hogaankii Kacdoonkii Dhagaxtuurkii 1982 ee arydada Dugsiyada Hargeysa iyo Macalimiintu ay kaga Soo horjeesteen Kaligii Taliye Siyaad Barre.
Alle Ha u Naxariistee Marxuum Mujaahid Yusuf Ciise Ducaale Talaabo ayaa Xilal kala duwan ka soo qabtay Xukuumadihii kala Danbeeyey ee Somaliland soo maray ,waxa uu ku adadkaa gooni isu taaga Soomaliland wuxuu ahaa mujaahid weyn oo wax tar ah oo ku sifoobay wadaninimo.
Inaalilaahi Wa inaa Ilayhi Raajicuun.
Dhamaan Bahda ToggaHerer Waxay Tacsi u diraysaa Dhamaan Ehelka Qoyska Qaraabada Asxaabta Shacbiga Somaliland iyo Mujaahidiintii SNM ee uu ka geeriyooday Marxuumku.
Waxaanu Alle uga Baryaynaa In uu Naxariistiisii jano Ka waraabiyo Marxuum Yusuf Ciise Talaabo Amiin Amiin Amiin Amiin…
Warqabadka ToggaHerer
Hargeysa
Somaliland
http://oodweynenews.com/news/92051-alle ... kenya.html

Re: Inaa Lilaahu Waa Inaa Ilaahi Raajucuun Muj.Yusuf Isa Tal
Mujaahid Axmed Mire Oo Tacsi Tiiraanyo xambaarsan U Diraya Qoyskii Uu Ka Baxay Mujaahid Yusuf Cisse Ducaale (Talaabo).
"Mujaahid Yusuf wuxuu halgamaa weyn oo qeyb libaax ka qaatay xornimadii Somaliland. Wuxuu aha nin gobanimada jecel oo ku adag fikirkiisa mabdaiisana aan ka weecan. Wuxuu ahaa run sheeg hadal dhiiran oo ku taama cadaalada. wuxuu ah shakhsiyan nin dhib badan u soo maray halganka oo muddo u xidhnaa marar kala duwan mamuulkii keli taliska ahaa wuxuu ka mid ahaa abaabulayaashii kacdoonka ardayda Hargeysa isgagoo barre ka ahaa""
http://oodweynenews.com/news/92060-muja ... laabo.html

- ToughGong
- SomaliNet Super

- Posts: 15321
- Joined: Mon Jul 14, 2008 11:06 pm
- Location: No Justice Just Us
Re: Inaa Lilaahu Waa Inaa Ilaahi Raajucuun Muj.Yusuf Isa Tal
Inaa Lilaahu Waa Inaa Ilaahi Raajucuun
AHUN Mujaahidka
Amiin
AHUN Mujaahidka
Amiin
- HooBariiska
- SomaliNet Super

- Posts: 7692
- Joined: Thu Apr 08, 2004 7:00 pm
- Location: In My Ardaaa - Ballin' & Haasaawin'
Re: Inaa Lilaahu Waa Inaa Ilaahi Raajucuun Muj.Yusuf Isa Tal
AUN to the Mujaahidka
Re: Inaa Lilaahu Waa Inaa Ilaahi Raajucuun Muj.Yusuf Isa Tal
Allaha ha u naxariisto Marxuumka wuxu aha halyeey daadkiisa uso halgamay mudo dheer. A free Ceerigaabo & Somaliland was the end result
His body will be flown to Somaliland tommoro inshallah to be buried in his hometown.
His people today are enjoying the freedom SNM members such as Muj.Yusuf Cisse Talaabo AUN fought for.

- NewHargeisaGirl
- SomaliNet Heavyweight

- Posts: 4876
- Joined: Sat May 30, 2009 11:49 am
Re: Inaa Lilaahu Waa Inaa Ilaahi Raajucuun Muj.Yusuf Isa Tal
Allah ya raxmah.
Re: Inaa Lilaahu Waa Inaa Ilaahi Raajucuun Muj.Yusuf Isa Tal
Madaxweynaha somaliland oo Dhambaal Tacsi ah Udiraya Eheladii iyo Asxaabtii Uu Ka Tagay MARXUUM, Mujaahid YUUSUF CIISE DUCAALE (TALAABO
(Hadhwanaagnews) Saturday, July 23, 2011
Madaxweynaha JSL Mudane: Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu tacsi u dirayaa Ehelkii, Qaraabadii, Asxaabtii, Bahda Waxbarashada, Xisbiga UDUB iyo Dhamaan Shacbiga Reer
JAMHUURIYADDA SOMALILAND Republic of SOMALILAND
Xafiiska Af-hayeenka Madaxtooyada JSL
Date: 23/07/2011
TACSI
Madaxweynaha JSL Mudane: Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu tacsi u dirayaa Ehelkii, Qaraabadii, Asxaabtii, Bahda Waxbarashada, Xisbiga UDUB iyo Dhamaan Shacbiga Reer Somaliland, oo uu ka tacsiyadaynaayo Geerida Naxdinta leh ee ku MARXUUM, YUUSUF CIISE DUCAALE (TALAABO) oo ku geeriyooday Waddanka Kiiniya (Nairobi) Maanta 23-07-2011.
Marxuumka oo ahaa Masuul Xilal kala duwan ka soo qabtay Xukuumadihii hore ee JSL, kana mid ahaa ururkii Dhaqdhaqaaqa Xornimada ee SNM, qayb libaaxna ka qaatay Dib u dhiska nabadaynta ama hubka dhigista ee Maleeshiyo beleedkii markii danbe noqday xooga Ciidamada JSL,
Madaxwaynuhu waxa uu ILLAAHAY uga baryayaa Marxuumka inuu naxariistii Janno ka waraabiyo, Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo Dhamaan Shacbiga Reer Somaliland ee uu ka baxayna Samir iyo Imaan ka siiyo.
IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN
Cabdillaahi Maxamed Daahir (Cukuse)
Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.
----------------------------------------------------------------------------------------------------------------------
Madaxweynihii Hore Ee Somaliland Oo Dhambaal Tacsi U Direy Wasiir Kuxigeenkii Hore Ee Wasaarada Cadaalada Yuusuf Ciise Ducaale (Talaabo) Oo Geeriyooday.

Dubai(HWN):-Madaxweynihii hore ee Somaliland Daahir Rayaale Kaahin ayaa waxa uu dhambaal tacsi ah hawada u marinayaa Qoyskii,Eheladii,Qarabaadii iyo guud ahaan Shacabka reer Somaliland,isaga oo ka tacsiyadeynaya Geeridii naxdinta lahayd ee ku timid
Dubai(HWN):-Madaxweynihii hore ee Somaliland Daahir Rayaale Kaahin ayaa waxa uu dhambaal tacsi ah hawada u marinayaa Qoyskii, Eheladii, Qarabaadii iyo guud ahaan Shacabka reer Somaliland, isaga oo ka tacsiyadeynaya Geeridii naxdinta lahayd ee ku timid Wasiir kuxigeenkii hore ee Wasaarada Cadaalada Somaliland Marxuum Yuusuf Ciise Ducaale (Talaabo) oo maanta oo ay taariikhdu ahayd 23 July 2011 ku geeriyootay Dalka Kenya oo hawlo Caafimaad loogu qaaday, dhowr todobaad ka hor.
Madaxweynihii Hore ee Somaliland Daahir Rayaale Kaahin
Sidaa waxa uu Daahir Rayaale Kaahin ku sheegay qoraal uu soo gaadhsiiyey Shabakada Wararka ee Hadhwanaagnews, isaga oo wakhtigan ku sugan Dalka Dubia.
Waxaan ILAAHAY uga baryey Marxuum-ka Yuusuf Ciise Ducaale (Talaabo) inuu naxariistii jano ka waraabiyo, eheladii, qoyskii iyo guud ahaan shacabka reer Somaliland Samir iyo iimaan ka siiyo. Aamiin ..Aamiinayuu yidhi Daahir Rayaale Kaahin.
INA LI LAAHI WA INA ILEYHI RAAJUCUUN.

- Mr_Alfaas
- SomaliNet Heavyweight

- Posts: 3439
- Joined: Thu Dec 31, 2009 2:16 pm
- Location: Hargeysa...The Diamond City of Somaliland
Re: Inaa Lilaahu Waa Inaa Ilaahi Raajucuun Muj.Yusuf Isa Tal
Alla Yarxam.
Marxuum Prof Ibrahim Maygaag
Marxuum Prof Muuse Cabdi Cilmi Samatar Gudomiyihi Jaamacada Hargeysa
Marxuum Mudane Keyse Xassan Cige Xoghayihi guud ee Xisbiga talada haya ee Kulmiye
Marxuum Yusuf Talaabo
Marxuum Jaamac Gaas Mucaawiye
Marxuumad Kinsi Xaaji Aadan Xuseen
n many more.
Rag badan iyo dumar badan oo magac weyn ku leh Bulshada ayaa geeriyooday biloyinki ugu danbeeyey Allah Yarxam dhamaan

AUN
Marxuun Isaaq yuu ka ahaa anyone?
Marxuun Isaaq yuu ka ahaa anyone?
- Hargaysa1982
- SomaliNetizen

- Posts: 656
- Joined: Tue Jul 12, 2011 10:42 am
- Location: SIINAY (Hargeisa)
Re: Inaa Lilaahu Waa Inaa Ilaahi Raajucuun Muj.Yusuf Isa Tal
OMG so much tacsi:/
Allah ha u naxariisto amin
Allah ha u naxariisto amin
Re: Inaa Lilaahu Waa Inaa Ilaahi Raajucuun Muj.Yusuf Isa Tal
Taariikh Nololeedka Alle Ha U Naxariistee Yuusuf Cisse (Tallaabo).
http://oodweynenews.com/news/92198-taar ... -mawt.html
Gudoomiyaha Xisbiga UCID ENG, Faysal Cali Waraabe, dhamaan Guddida Fulinta iyo Xubnaha G/Dhexe Xisbiga UCID waxay tacsi tiiraanyo leh u diriyaan Ehliyadii iyo Qaraabadii uu ka baxay Wasiir ku Xigeenka hore Wasaarada Cadaalada JSL.
http://oodweynenews.com/news/92248-gudo ... raanyo-leh
He was Abdi Xamuud - Musa Ismaaciil.

Barkhadd wrote:AUN
Marxuun Isaaq yuu ka ahaa anyone?
He was Abdi Xamuud - Musa Ismaaciil.
- KingMJ
- SomaliNet Heavyweight

- Posts: 4191
- Joined: Sun Dec 05, 2010 1:04 pm
- Location: Back frm the Dead
Re: Inaa Lilaahu Waa Inaa Ilaahi Raajucuun Muj.Yusuf Isa Tal
Allah ha u naxariisto amin. A lot of tacsi recently for influential people.
Re: Inaa Lilaahu Waa Inaa Ilaahi Raajucuun Muj.Yusuf Isa Tal
inaa lilaahu waa inaa ilaahi raajucuun....may Allah have mercy on adeer yusuf talaabo
-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 24 Replies
- 1662 Views
-
Last post by Rightwing
-
- 9 Replies
- 902 Views
-
Last post by grandpakhalif
-
- 10 Replies
- 794 Views
-
Last post by Monsieur
-
- 23 Replies
- 1090 Views
-
Last post by Hyperactive
-
- 30 Replies
- 1785 Views
-
Last post by Toy Soldier
-
- 36 Replies
- 1824 Views
-
Last post by couldublvd
-
- 4 Replies
- 575 Views
-
Last post by Niya
-
- 11 Replies
- 1017 Views
-
Last post by Ina Baxar
-
- 18 Replies
- 1238 Views
-
Last post by LiQaaye_TDH
-
- 10 Replies
- 1311 Views
-
Last post by Babygirl-