Ciyaaro Kubadeed Oo Ka Furmay Buhoodle-(Sawiro)-
Posted: Sat Jul 23, 2011 1:55 pm
http://boocameonline.com/wp-content/upl ... CF0725.jpg
http://boocameonline.com/wp-content/upl ... M_0557.jpg
http://boocameonline.com/wp-content/upl ... M_0558.jpg
http://boocameonline.com/wp-content/upl ... CF0726.jpg
Buuhoodle,(Lasanod Online)- Magaalada buuhoodle ee xarunta gobolka Cayn, waxaa shalay galab ka furmay koob cayaareed ay soo qaban qaabiyeen..
Ururka dhalinyarada ee hormuud cares, kaasi oo ururka ugu tala galay naadiyada ka jira magaalada buuhoodle oo gaaraya ilaa 8-kooxood.
Masuuliyiinta ururka hormuud oo madasha furitaanka koobka ka hadlay ayaa waxay sheegeen in koobkan loogu talagalay kooxaha kubada cagta ee ka jira magaalada buuhoodle.
Cayaartii ugu horaysay ayaa waxay dhexmartay labada kooxood ee HILaal vs NEWSTAR waxaana cayaartu ku bilaamatay weerar iyo weerar celis waxaana markii danbe cayaartu ku dhamaatay 1-0 ay guushu ku raacday kooxda hilaal waxaana goolkaasi u sexeexay cayaarhanka "bishaar" oo isagu ka mid ah kooxda hilaal.
Maalmaha inagu soo aadan ayaa waxaa lagu wadaa in garoonka kubada cagta ee xabado ay kasii socdaan cayaaraha horyaalka magaalada buuhoodle oo hada meel xasaasi ah maraya.
Axmed Maxamed Nadiif
lasanod Online Buuhoodle