Canada & Venezuela

Daily chitchat.

Moderators: Moderators, Junior Moderators

Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
KeligiiJabhad
SomaliNetizen
SomaliNetizen
Posts: 939
Joined: Mon Oct 22, 2007 8:38 am
Location: TURMO

Canada & Venezuela

Post by KeligiiJabhad »

Madaxweynaha dalka Venezuela Hugo Chaves ayaa ku dhawaaqay in dawladiisu ay bixinayso lacag dhan 5 Million oo Dollar oo uu ugu talo galay in loogu gar gaaro dadka Soomaaliyeed ee ay sida weyn u saameeyeen abaaraha wadanka ka jira.

M/weyne Chaves oo hadalkaan ka sheegay asagoo ku jira isbitaal ku yaala wadanka Cuba oo Cancer looga daweynayo ayaa sheegay in xukuumadiisa ay diyaar u tahay inay ka qeyb qaadato gurmadka loo sameynayo dadka abaaruhu ku haystaan gudaha Soomaaliya.

M/weynaha oo Taleefoonka ugu waramayay Tv-ga dawlada ayaa xusay in dawlada Venezuela ay diyaar u tahay inay Soomaaliya keento diyaarado raashin gar gaar ah sidda si loogu gurmado dadka abaaraha ku xoolo beelay ee gudaha Soomaaliya ku barakacay, sidoo kalena waxaa uu intaa ku daray inuu Soomaaliya u soo dirayo guddi military ah oo qiimeeya sida loo caawin karo dadka abaaraha ku dhifteen.

Dhinaca kale Dawlada Canada ayaa iyana sheegtay inay Soomaaliya ku tabarucayso 50 Million oo Dollar si dadka abaaraysan wax loogu qabto.
Wasiirka xiriirka caalamiga ah ee dalka Canada haweenayda lagu magacaabo Bev Oda ayaa oo dhawaan booqday xerada qaxootiga ee Dhadhaab ayaa sheegay inay go’aan ku gaareen inay malaayiin Dollar ku taageeraan Soomaaliya si loo bad baadiyo dadka Soomaaliyeed sida uu yiri.

Bev Oda waxay sheegtay in xeryaha qaxootiga Soomaaliya ay ku aragtay xaalad bini’aadanimo tii ugu darnayd waxayna ku baaqday in dadka si deg deg ah loo gar gaaro

Waxaa sii kordhaya wadamada caalamka ee ku baaqaya in la gar gaaro dadka abaaruhu saameeyeen iyadoona wadamada qaar ay yabooh ku aadan caawinta barakayaasha Soomaaliyeed ay dirayaan.
KeligiiJabhad
SomaliNetizen
SomaliNetizen
Posts: 939
Joined: Mon Oct 22, 2007 8:38 am
Location: TURMO

Re: Canada & Venezuela

Post by KeligiiJabhad »

We should also remember these two Countries in their effort to help our people out during this hard times. :up:
User avatar
Twist
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 12420
Joined: Sat Jun 25, 2011 11:14 pm
Location: In your neighbors' lawn, stalkin' your mom

Re: Canada & Venezuela

Post by Twist »

I hope some of the unscrupulous, unashamed pieces-of-shit thieves wont divert most of these donated money into their accounts and not to the starving poor people.
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “General - General Discussions”