
Xaflad ka dhacdey xarunta gobolka Nugaal ee magaalada Garowe ayaa dhalinyaro wax ka barata Jaamacadaha Puntland , kuwo banaanka ku yaal iyi sidoo kale qaar kamid ah macalimiinta wax ka dhigta xarumaha waxbarashada ee Garowe ayaa waxay daaha kaga rogeen urur cusub oo loogu magac darey " Puntland Readers Club" kaasoo ah mid bulshada ku dhiiri galin doona wax akhriska.
Sida ay sheegeen dhalinta xaflada qabatey ururku waxa uu yahay mid faa'iidooyin badan u leh bulshada wax akhrida, waxaana ay aaminsan yihiin in uu meesha ka saari doonto talaabadaan , waxyaabo badab oo dadku ku lumin jireen waqtigooda.
Madax kala duwan ayaa kasoo qeyb gashey xaflada ururkan furitankiisii loo qabtey kuwas oo shegey in ay soo dhaweynayan fikrada ururka lagu aas aasey, islamarkana ku booriyeen dhalinta fikrada ururku ka timid in looga baahanyahay mirro dhalinta talaabadaan.
Siciid Ali Shirre oo ah qoraa caana ayaa ka mid ahaa dadkii xafdlada kasoo qeyb galey waxaana uu goobta ku gudoonsiiyey dhalinyarada xaflada qabatey buugaag ay ka mid yihiin furaha ganacsiga iyo bangiyada islaamka , kuwaas oo uu horey u qorey.
Waa Markii ugu horeysay ee Puntland laga furo urur dhalin yaro oo ka shaqeynaya wax akhrinta in uu ku baraarujiyo bulshada Puntland ku nool, kaas oo ka anfaci doona dad badan waxbarashada mustaqbalkooda.
http://www.garoweonline.com/artman2/pub ... land.shtml

