Mahmoud Sayid Adan: ''Farmaajo helped us to liberate Gedo''

Dadka ku dhaqan ama ka imaaday gobolkan

Moderators: Moderators, Junior Moderators

User avatar
XimanJaale
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 12577
Joined: Wed Oct 27, 2010 4:15 am
Location: Buulo Xubeey, Wadajir District
Contact:

Mahmoud Sayid Adan: ''Farmaajo helped us to liberate Gedo''

Post by XimanJaale »

Mahmoud Sayid Adan in presence with the governor of Gedo Maxamad Cabi Kaliil and senior Army Chief Barre Hiiraale and other intellectuals of Beesha Sade has today verified and exposed that Farmaajo took great part in the liberation of Gedo, (financially, logistically and others). Mahmoud Sayid Adan, has also condemned the new cabinet (this is another leader of Beesha Sade that have condemn the new cabinet today).

The elders of Sade including the mayors of Ceelwaaq, Doloow, Beled-Xawo, Luuq and Garbaharey have condemned the new cabinet, now Xildhibaan Mahmoud Sayid Adan has also condemn the new cabinet.

What is happening in Gedo (I wonder) :?


Maxamuud Sayid Aadan oo ka mid ah Mudanayaasha Baarlamaanka ee ka soo jeeda Gobolka Gedo, oo xilligan dagaalo ay ka wadaan Ciidamada Dowladda iyo kuwa Ahlusuna, kana mid ah Xildhibaanada howl galkaas hogaaminaya ayaa waxaa uu sheegay inuu saluugsan yahay Golaha Wasiirada cusub ee dhowaan la soo dhisay.

Xildhibaan Maxamuud Sayid ayaa sheegay in wasiirada cusub oo u badan Ragg qurba joog ah ay yihiin kuwo aan waxba kala socon xaalada dalka, isagoo tilmaamay in haba yaraatee aan lagu soo darin wasiiradii hore ee Xukuumadii Farmaajo.

"Runtii anaga waa saluugsanahay Wasiirada cusub ee qurba-joogta u badan yihiin, waxaa is leeyahay midab takoor ayaa dhacay, in la yiraahdo ninkii Wasiir horay ahaa in maanta lagu soo darin, waa muwaadin, xaq buu u leeyahay in la qiimeeyo waaye, muxuu qaban karaa, taas waa in la isa soo aalo"ayuu yiri Xildhibaan Maxamuud Sayid oo u muuqday nin ka damqaday xaalufka lagu sameeyay Wasiiradii hore ee Xukuumadii Farmaajo ka tirsanaa.

Maxamuud Sayid Aadan ayaa sheegay in Xukuumadii Farmaajo ay wax weyn ka qabteen xaalada dalka, isagoo tilmaamay wax laga xumaado ay tahay in lagu fikiro nooc cusub oo cunsuriyad ah, oo dad badan ku fikiraan in kuwa gudaha jooga aanay waxba qaban karin, ee qurbaha kaliya la keeno.

"Anaga dagaalkii aan bilowday gacan weyn ayay naga siiyeen Team-kii Farmaajo, hadii ay ahaayeen xaga moraalka iyo taageerada Ciidanka, sanadkan markii aan dagaalka bilowday ilaa iyo hada xabada nagu socoto ayay ahaayeen kuwo naga war hayay, laakiin garan meyno ragga cusub in xaalada la socdaan, xog ogaalna u ah"ayuu yiri Xildhibaan Maxamuud Sayid Aadan.

Waxaa uu sheegay in aan talo fiican oo aan laga qeyb gelin aanay jirin magacaabistii Golaha Wasiirada, isla markaana aan haba yaraatee wax wada tashi ah lagala yeelan Xildhibaanadooda sida uu hadalka u dhigay.

Golaha wasiirada cusub ee uu dhowaan soo magacaabay Ra'iisul wasaare Dr. C/wali Maxamed Cali ayaa u badan kuwo ku cusub masraxa siyaasadeed ee dalka, iyadoo ay u badan yihiin qurba joog.

Source: http://jowhar.com/news.php?readmore=2074
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Provinces - Gedo”