Maxaa ka jira wadahadal la sheegay soo daxia Puntland & ATOM
Posted: Mon Jul 25, 2011 3:25 pm
Garoowe:-Waxaa indhawaale la hadalhayay wadahadal nabadeed oo u socda Puntland iyo kooxda Galgala kaas oo lagu doonayo in lagu soo afjaro dagaalka ka dhaxeeya Puntland iyo kooxda Galgala si loo helo xal nabadeed oo waara.
Wadahadalkan oo aan la shaacin ayaa waxaa la sheegayaa in qayb ka mid ah kooxda Galgala ay mar hore ay heshiis la gaartay Puntland, halka qaar kalana uu wadahadal u socdo, waxaana la sheegayaa in hogaamiyihii Kooxda Galgala Attam uu isagu ku sugnayn Puntland, walow, aysan caddayn in uu qayb ka yahay wadahadalka iyo in kale.
Khaliif Ciise Mudan Wasiirka Cusub ee Amniga Puntland ayaa caddeeyay in uu jiro wadahadal Puntland iyo kooxda Galgala u dhaxeeya, waxaana uu sheegay in berri si buuxda loo ogaan doono heshiiska cidda lala galayo iyo nooca uu ahaan doono.
Arintan, ayaa waxay tahay war wanaagsan haddii heshiiskan dhaco waxaana soo afjarmi doona dhibaato badan oo dad ku dhinteen, kuwana ku dhaawacmeen, hanti badana ay ku bur-burtay, waxaana shaki ku jirin in labada dhinacba aan wax dan ah ugu jirin dagaal sii socda.