Beesha Sade's MP's in Xamar have meeting- Warbixin
Posted: Mon Jul 25, 2011 6:27 pm
Xildhibaanada Beesha Sade had meeting in Xamar, regarding the numerous mamuul gobaleedyo that keep popping out everywhere. They denounce anyone that claims their land, and reject any mamuul in Sade land. They have welcomed the liberation of Gedo, and thank the TFG soldiers in Gedo.
http://www.allgedo.com/2011/07/24/xildh ... -muqdisho/
Muqdisho, Somalia (AOL) –Kullan aad u xasaasi ah ayaa maantay caasimada Magaalada Muqdisho waxaa ku yeeshay Xildhibaanada Baarlamanka KMG soomaaliya ee ka soo jeeda Beesha Sadde, waxayna kullankoodii uga warameen Maamul goboleedyada dalka ku soo badanaya.
Xildhibaanada Beesha Sadde waxay sheegeen in xiligan aanan loo baahnayn in wadanka ku soo bataan Maamul goboleedyada, dowladda KMG soomaaliyana aysan aqoonsanayn maamuladaasi.
Xildhibaanada Beesha Sadde uga jira dowladda KMG Soomaaliya waxay ka hadleen Maamul Goboleedka lagu magacaabo Azaaniya kaasoo ay shegeen inuusan matalin Shacabka ka soo jeeda gobolada uu sheegayo in maamulkaasi ka taliyo.
Marka kullankaasi aadka u xasaasiga ahaa soo idlaaday waxaa warbaahinta la hadlay Xildhibaan Axmed Abuukar oo ka mid ah Mudanayaasha Baarlamanka KMG Soomaaliya ee ka soo jeeda Beesha Sadde waxa uuna sheegay in madaxweynaha maamulkaasi yahay mudane ka tirsan Baarlamanka KMG Soomaaliya, ayna ka aqbalayn in maamul ka hirgaliyo gobolada Jubooyinka iyo Gedo.
Xildhibaan Axmed Abuukar waxa uu ugu baaqay Maamulka Azaaniya iyo maamulada kale ee ka jira wadanka Soomaaliya in ay ka laabtaan go’aamada ay ku dhiseen maamulada dalka, laakiin loo baahan yahay in gobolada maamuladaasi sheeganaya in ay marka hore dagaalo la galaan Xarakada Alshabaab si dalka uga saaraan, kadib maamulada ay sheeganayaan iyadoo Nidaam dowladdeed ah la yimaadaan.
Si kasta oo ay ahaato kullanka maantay ay yeesheen Xildhibaanada ka soo jeeda Beesha Sadde kana dhacay magaalada Muqdisho waxa uu imaanayaa xili maalmihii danbe ay soo badanayeen maamulada looga dhawaaqyo gobolada Koonfurta iyo bartamaha Soomaliya.
Daahir Guuleed, Muqdisho/Somalia.