Boosaaso (RBC Radio):- Dowladda Puntland ee Soomaaliyeed ayaa xabsiga magaalada Boosaaso ka sii deysay maxaabiis in badan ku xirnaa magaalada Boosaaso.
Maxaabiista ay dowladda Puntland cafiska u fidisay ayaa gaaraya 10 ruux, waxaana la sheegay in ay ahaayeen rag lagu soo eedeeyay in ay ka tirsanaayeen kooxda ka dagaalanta buuraha gobolka Sanaag ee uu hoggaamiyaha u yahay Maxamed Siciid Atam.
Cafiska loo fidiyey maxaabiistani ayaa ilaa iyo iminka cid ka hadashay aaney jirin, waxaana sii deynta maxaabiistani ay ku soo beegmaysaa xilli la burburiyey Maxkamadii dambiyada culus ee Puntland.
Dad xog ogaal u ah siyaasada Puntland ayaa sheegay in sii deynta maxaabiistani ay qeyb ka tahay heshiis ay wada gaareen Puntland iyo kooxda Atam, heshiiskaasi oo dhigayey in la xoriyadoodii dib loo siiyo maleeshiyaadkii laga xir xiray kooxda Atam xilligii dagaalku dhexmaray iyaga iyo Puntland.
Waxaa kaloo ilo xog ogaal ah ay RBC Radio u sheegeen in burburinta Maxkamada dambiyada culus ee Puntland ay ka mid ahayd qodobadii ay ku heshiiyeen Puntland iyo kooxda ka soo horjeeday ee Maxamed Siciid Atam uu hoggaamiyaha u yahay.
RBC Radio.
puntland free atom man from bossaso jail
Moderator: Moderators
- FBISOMALIA
- SomaliNet Super

- Posts: 9254
- Joined: Fri Oct 15, 2010 5:26 am
- Location: SSDF FOR LIVE , AUN AWOOWE AY
-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 0 Replies
- 478 Views
-
Last post by Coeus
-
- 7 Replies
- 693 Views
-
Last post by XaliimoFarax
-
- 3 Replies
- 1012 Views
-
Last post by Cirwaaq
-
- 5 Replies
- 589 Views
-
Last post by Coeus
-
- 0 Replies
- 712 Views
-
Last post by FBISOMALIA
-
- 5 Replies
- 717 Views
-
Last post by CORRUPTION
-
- 0 Replies
- 356 Views
-
Last post by Hiiraan boy
-
- 32 Replies
- 4988 Views
-
Last post by Rabshoole
-
- 1 Replies
- 468 Views
-
Last post by FBISOMALIA
-
- 21 Replies
- 2976 Views
-
Last post by Ben Dover