puntland free atom man from bossaso jail

Dedicated for Puntland politics and affairs.

Moderator: Moderators

User avatar
FBISOMALIA
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 9254
Joined: Fri Oct 15, 2010 5:26 am
Location: SSDF FOR LIVE , AUN AWOOWE AY

puntland free atom man from bossaso jail

Post by FBISOMALIA »

Boosaaso (RBC Radio):- Dowladda Puntland ee Soomaaliyeed ayaa xabsiga magaalada Boosaaso ka sii deysay maxaabiis in badan ku xirnaa magaalada Boosaaso.

Maxaabiista ay dowladda Puntland cafiska u fidisay ayaa gaaraya 10 ruux, waxaana la sheegay in ay ahaayeen rag lagu soo eedeeyay in ay ka tirsanaayeen kooxda ka dagaalanta buuraha gobolka Sanaag ee uu hoggaamiyaha u yahay Maxamed Siciid Atam.

Cafiska loo fidiyey maxaabiistani ayaa ilaa iyo iminka cid ka hadashay aaney jirin, waxaana sii deynta maxaabiistani ay ku soo beegmaysaa xilli la burburiyey Maxkamadii dambiyada culus ee Puntland.

Dad xog ogaal u ah siyaasada Puntland ayaa sheegay in sii deynta maxaabiistani ay qeyb ka tahay heshiis ay wada gaareen Puntland iyo kooxda Atam, heshiiskaasi oo dhigayey in la xoriyadoodii dib loo siiyo maleeshiyaadkii laga xir xiray kooxda Atam xilligii dagaalku dhexmaray iyaga iyo Puntland.

Waxaa kaloo ilo xog ogaal ah ay RBC Radio u sheegeen in burburinta Maxkamada dambiyada culus ee Puntland ay ka mid ahayd qodobadii ay ku heshiiyeen Puntland iyo kooxda ka soo horjeeday ee Maxamed Siciid Atam uu hoggaamiyaha u yahay.

RBC Radio.
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Puntland”