It started when they ordered every family to "donate" a son to their ranks (they must be feeling the heat) or instead give two She-camels (in time of drought?). The locals have immediate resisted and put a united armed front
I really hope the locals in Baidoa and Kismaayo also take the initiative. Al Shabaab can collapse in a matter of days without any local support to shelter them in the bushes as happened when the Ethiopians were in the country and people hid/supporter because of anti-Ethiopia nationalismXiisado dagaaal oo ka taagan Jowhar
Jowhar: (Sh. M. Network) Xiisado dagaal oo u dhaxeeya Ciidamo ka tirsan Xarakada Al Shabaab iyo Maleeshiyaad hubaysan ayaa saakay ka taagan deegaano hoostaga degmada Jowhar ee gobolka Sh/dhexe.
Wararka ka imaanaya deegaan lagu magacaabo Cad-caddey oo hoostaga degmada Jowhar ee gobolka Sh/dhexe ayaa waxa ay sheegayaan in deegaankaasi saakay ilaa xalay ay ka jirtay xiisad dagaal oo u dhaxaysa Ciidamo ka tirsan Al Shabaab iyo dadka deegaanka ah.
Xiisadahaani ayaa la sheegay inay bilowdeen kadib markii Maamulka Al Shabaab ee gobolkaasi uu amaro kusoo rogay dadka deegaanka ah kuwaasi oo ay ka mid ahaayeen in qoyskasta laga helo hal wiil oo ka qeyb qaata dagaalada Al Shabaab ay ka wadaan Soomaaliya hadii laga waayana uu qoyskastaa bixiyo labo neef oo geel ah taasi oo keentay in dadka deegaanka ay ka biya diidaan oo ay is hubeeyaan.
Wararku waxaa ay intaasi ku darayaan in Maleeshiyaad kasoo jeeda deegaanka ay bilaabeen inay hubkooda lasoo baxaan si ay isaga difaacaan Xarakada Al Shabaab, waxaana saakay ilaa xalay hakad ku jira goobihi ganacsiga kadib markii deegaankaasi ay isku horfariisteen Maleeshiyadka iyo Ciidamada Al Shabaab.
Dadka deegaanka ah oo qaarkood la hadlay Idaacadda Shabelle ayaa waxaa ay shegeen in xiisadahaani cabsi iyo baqdin ay ku abuurtay dadkaasi kuwaasi oo la daalaa dhacayay abaaraha ku dhuftay deegaandooda.
Majiraan wax war ah oo kasoo baxay Saraakiisha Maamulka Al Shabaab ee gobolka Sh/dhexe oo ku aadan xiisadahaani hase ahaatee lama oga sida ay ku dambeyn doonto xaaladda deegaanka Cad-Caddey oo ay xiisaddu ka taagantahay.
http://shabelle.net/article.php?id=9321