
His Excellence, Major General C/qadir the Leader of ciidamada qaranka has come to Jubooyinka to see of 600 soldiers that were recently trained in Dhoobley. He was companioned with Col Dhumaal. He also thanked Col Cabaas for his great leadership in Jubooyinka.
Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed Sareeye Guuto C/qaadir Sheekh Cali Diini ayaa maanta qaybo ka tirsan gobolka Jubbada hoose Tababar ugu soo xiray in ka badan 600 oo Askari kuwaas oo qeyb ka ah ciidamo ay dowlada Soomaaliya ugu talagashay in goboladaasi ay ka xureeyaan Maleeshiyada Kooxda Khawaarijta ah ee Al-Shabaab.
General C/qaadir Sh. Cali Diini oo ay wehliyaan saraakiil sar sare oo ka tirsan ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa maanta tababar muddo Lix bilood ah socday u soo gebagebeeyay Lix Boqol oo askari oo ka tirsan ciidamada XDS.
Munaasabaddaasi ayaa waxaa goob joog ka ahaa saraakiil sarsare oo ka tirsan ciidamada dowlada Kenya oo ciidamadaasi ka taageera dhanka saadka iyo qalabeynta, wuxuuna Taliyaha ciidamada XDS ku booriyay ciidamada tababarka loo soo xiray in ay dalka ka xooreeyaan Maleeshiyaadka Khawaarijta ah ee dalka ku soo duushay.
Taliyaha ayaa sheegay in ciidamadaasi ay ka mid noqon dooonaan ciiidamada dowladda ee howlgallada ka wada gobollada konfureed ee dalkeenna, isagoo tilmaamay in tababarada noocan oo kale ah sii socon doonaan.
Ma aha markii ugu horeeysay ee goboladaasi tababar loogu soo gebagebeeyo ciidamo ka tirsan XDS, kuwaas oo haatan howlgallo ka wada qeybo ka mid ah Gobollada dalka.
http://radiomuqdisho.net/taliyaha-ciida ... dhoobleey/
