Mudaharaadyo shalay Gilgilay Boorame isla markaasna Calanka Awdal state uu surnaa meelkasta oo magaaladda ah

shacabka Gobaladda Maamulka Awdal State ayaa mudaharaadyo balaadhan kaga hor yimi horjoogaha Maamulka Hargaysay Axmed Siilaanyo oo safar uu waji gabax kala kulmay ku tagay Boorame, Mudaharaadyo badan oo shacabka Boorame ay kula soo baxeen Calankooda ayaa ka dhacay Boorame iyada oo rabshado waa weyn ay ka taagan yihin wali Boorame
Bulshadda Awdal State ayaa doonaysa in ay iska rogaan reeryadda Kaligood talisnimadda Hargaysa waxana ay bulshadaasi dhisatay dhawaan Maamul tayadiisu ay meel wacan marayso ilaa iyo hadda dhawaana la filayo in madaxdiisu ay dalka yimaadaan, waxana Awdal state uu xidhiidh wacan la yeeshay odayaasha dhaqanka ee deegaanadaas oo wada taageersan iyo waliba qaybaha bulshadda ee kale
Bulshadda Awdal state waxa ay ku guulaystay in ay samaystaan idaacad laga dhagaysto Geeska Afrika oo soo gasha habeenka Axadda todobaadkasta taas oo lagu baahiyo horumarka, geedi socodka Maamulkaas iyo waliba tacadiyadda uu maamulka Siilaanyo u geysto Bulshadda rayidka ah ee Boorame
safarka Siilaanyo ee shalay uu ku tagay Boorame waxa ka soo baxaya sida dadka Awdal State aysan uga mid ahayn maamulkiisa waxa loogu soo dhigay casharo waa weyn oo bulshadda caalamka iyo dawladda itoobiyaba ay kor ka daawanayeen