Saddex gaadhi oo ka amba-baxay magaalada Boosaaso, kuna sii jeeday Qandala ayaa waxaa jidka u galay maleeshiyo beeleed kasoo jeeda degmada Ufayn, kuwaas oo horay dhibaato wayni uga dhex aloosnayd iyaga iyo beel kale oo kasoo jeeda degmada Carmo.
Khasaaraha Inta la la ogyahay waxaa ku dhintay 8 qof waxaana sidoo kale jira dhaawac aan la ogayn tiradiisa rasmiga ah, balse lagu sheegay 18 qof, waxaana dhaawaca loo daad-gureynayaa goobaha caafimaadka ee magaalooyinka Boosaso iyo Carmo.
Arrintan ayaa daba socota laba beelood oo walaala ah oo wada dega Gobolka Bari, oo muddooyinkii u dambeeyey Aano qabiil iyo aargoosi isku waday, shilkan maanta dhacayna wuxuu calaamad saarayaa doorka hogaanka dhaqanka,iyo dowlada Puntland oo xurgufta labadan beelood ku guul dareeystay inay soo afjaraan.
Rayid aan waxba galabsan in jidka lagu ugaarsado waa arrin ugub ku ah deegaamada Puntland, iyadoo shilalka noocaan oo kale ah ay ka dhici jireen koonfurta Soomalia, haatana ay dhowr jeer ku soo noq-noqotay gobollada waqooyi Bari.
Weerarka maanta dhacay ayaa la rumayan yahay in uu jawaab u yahay weerar sidan oo kale Bishii June ee sanadkan lagu qaaday dad shacab ah oo ku cibaadeysanyey masjid ku yaala tuulada Kob-dhexaad oo hoostimaada degmada Ufayn ee gobolka Bari, kolkaas oo lagu dilay 5-qof. dhamaana weeraradan fal-celiska ah waxay dhex-marayaan laba beelood oo walaala iyo deris-wadaagba ah.
Warkan oo aan wali laga hayn tafaasiil intan ka badan taas oo ay ugu wacantahay goobta dhibku ka dhacay oo ka fog laamiga, isgaarsiina aanay ka jirin ayaanu wixii kasoo kordha idiin soo gubin doonaa inshallaah.
Maxamed Axmed Yassin (Koranto)
--
An innocent traveler was killed by maurading gunmen in the heart of Puntland


A travel warning should be issued to prevent other innocents being killed by these masked thugs.