
Garowe(Puntlandi.com);- Wasiirka Ganacsiga iyo warshadaha Dawlada Puntland Xasan Faarax Jaamac (Geerash) ayaa ganacsatada Gobolka Mudug ugu baaqay in ay qaataan laysinka ganacsiga sida Dawlada ugu fududayso waxyaabo quseeya ganacsigooda.
Wasiirka ayaa sheegay in ganacsatada magaalooyinka Boosaaso iyo Garowe qaataan warqada aqaansiga ganacsadaha balse waxaana uu sheegay in gaabis uu kujiro ganacsatada Gobolka Mudug waxaana uu ugu baaqay in ay qaataan laysinka Ganacsiga.
Waxaa uu Ganacstada Puntland guud ahaan ugu baaqay in ay dar dargaliyaan ganacsigooda waxsoosaarna ku sameeyaan dhulkooda kana waantoobaan soo dajinta waxyaabo laga helikaro deegaanada Puntland.
Xasan Faarax ayaa sheegay in waxyaabaha layaabka leh ee loo baahanyahay in laga waantoobo ay kamidyihiin soo dajinta waxyaabo badan oo hudan ay kutahay dhulka Puntland waxaana ganacstada uu ujeediyay in dhulkooda ay hoos u dhugtaan.
Waxaa uu sidoo kale soo hadalqaaday dhuufinta biraha duugoobay ama iskaraabkaa ee si xawliga uga socda magaalooyinka Puntland gaar ahaan Magalada Galkacyo loona dhuufiyo dalka Ethopia si loo manaafacsado waxaana arintaa uu ku tilmaamay ayaan daro haysata guud ahaan shacabka Puntland.
Wasiirka ayaa sheegay in biraha duugoobay dalka waxtar uyihiin loona baahanyahay waxaana uu kadigay in laga ganacsado saraakiisha iyo mamulka Gobolada laga dhoofiyana waxaa uu ugu baaqay in ay cadaadis saaraan sidii loo joojinlahaa