Culimaa’udiinka Ahlusuna Waljameeca kulan ku yeeshay mudug

Dedicated for Puntland politics and affairs.

Moderator: Moderators

User avatar
FBISOMALIA
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 9254
Joined: Fri Oct 15, 2010 5:26 am
Location: SSDF FOR LIVE , AUN AWOOWE AY

Culimaa’udiinka Ahlusuna Waljameeca kulan ku yeeshay mudug

Post by FBISOMALIA »

Image
Shiikh Sayid Cali Shiikh Maxamed

Gaalkacyo (RBC Radio):- Culimaa’udiinka Ahlusuna Waljameeca ee ku sugan deegaanada Puntland ayaa kulan Alle bari ah ku yeeshay magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug.

Kulanka Alle bariga ah ayaa waxaa ka soo qeybgalay Culimo si weyn looga yaqaan deegaanada Puntland, waxaana kulankani uu ahaa kii ugu balaarnaa ee ay isugu yimaadaan Culimaa’udiinka Ahlusuna ee Puntland.

Shiikh C/raxmaan Salaad Diirshe oo ka hadlay kulanka ayaa sheegay in kulankani uu yahay kulan Alle bari ah oo ay isugu yimaadeen Culimada Ahlusuna Waljameeca ee deegaanada Puntland, wuxuu intaa ku daray in kulankani uu yahay mid ay ugu talo galeen in ay Alle SWT ku weydiistaan in dalka iyo dadka Soomaaliyeed in uu samata bixiyo oo uu ka dulqaado abaaraha iyo colaadaha jira isla markaana ay dadka Soomaaliyeed isku calool fayoobaadaan oo ay midoobaan.

Shiikh Sayid Cali Shiikh Maxamed ayaa u duceeyay dadka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan wuxuuna Alle uga baryay in dhibaato kasta oo heysata uu Alle ka dulqaado, wuxuu kaloo Shiikhu sheegay in ay soo dhoweynayaan bisha barakaysan ee Ramadaan oo ay maalmo kooban ka dhiman yihiin, wuxuuna dadweynaha Puntland iyo guud ahaan Soomaaliya ugu baaqay in ay ka feejignaadaan is khilaaf dhexdooda oo loo baahan yahay in ay hal maalin wada soomaan hal maalinna wada afuraan.

Shiikh Maxamed Maxamuud Xirsi (Dhuuke) ayaa dhiniciisa sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay kulanka balaaran ee Alle bariga ah ee ay isugu yimaadeen Culimaa’udiinka Ahlusuna Waljameeca, isagoo sheegay in Culimadu isku raacday in loo duceeyo dadka dhibaateysan ee Soomaaliyeed si uu Alle u samata bixiyo, wuxuu kaloo Shiikh Maxamed u dardaarmay dhalinta soo koreysa oo uu ku dhiiri geliyay in ay bartaan cilmiga Diinta kuwa barteyna ay sii kordhiyaan aqoontooda dhinaca Diinta.

Waxaa sidoo kale ka hadlay kulanka Shiikh Maxamed Deeq C/qaadir oo sheegay in uu soo dhoweynayo hadalada iyo ducooyinka ay jeediyeen Culimadii isaga ka horeysay ee kulanka ka hadashay, wuxuuna guud mar ku sameeyay ujeedada kulanka Culimada oo uu ku sheegay in uu ahaa soo dhoweynta bisha barakaysan ee Ramadaan iyo in Alle loo baryo shacabka Soomaaliyeed ee dhibaatada colaada iyo abaarta isugu jirta la daalaa dhacaya.

Waa kulankii ugu balaarnaa ee ay isugu yimaadaan Culimaa’udiinka Ahlusuna Waljameeca, iyadoo kulankani ay xigi doonaan kulamo kale oo Culimadu ku dhisan doonaan hoggaan iyo guddiyo hor kaca Culimada sida ay in oo xaqiijiyeen qaar ka mid ah Culimada Ahlusuna.
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Puntland”