Mama soul visits Mogadishu + pictures

Daily chitchat on Somali politics.

Moderator: Moderators

User avatar
Coeus
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 11709
Joined: Fri Nov 19, 2010 6:59 pm
Location: Assisting the Mujahideen in Galgala to free their region

Mama soul visits Mogadishu + pictures

Post by Coeus »

Fanaanad caan ah oo lagu magacaabo Mama Soul dhalashadeeduna tahay Maraykan ayaa maanta booqasho ku tagtay magaalada Muqdisho\..

waxayna kulan la yeelatay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada FKMG ah ee Soomaaliya Dr. C/weli Maxamed Cali, iyadoo sidoo kalena booqatay xero qaxooti oo ku taala gudaha magaalada Muqdisho.
Fanaanadan ayaa hore u soo martay xerooyinka qaxootiga dalka Kenya sida Dhadhaab, waxayna sidoo kale rajeyneysaa inay marto kuwa ku yaala dalka Itoobiya ee ay ku jiraan kumanaanka kun ee Soomaalida ah ee ka cararay gobolo ka tirsan dalka oo ay ka dilaaceen gaajo iyo macluul aad u daran.

Fanaanadan ayaa markii ay maanta booqatay xero qaxooti oo ku taala magaalada Muqdisho indhaheeda ku aragtay xaaladda adag ee ay ku noolyihiin barakacayaasha Soomaaliyeed, waxayna iyada oo ilmeyneysa baaq u jeedisay caalamka, gaar ahaana dowladda Mareykanka iyo Q/midoobay iyadoo tiri “Maxaad indhaha uga daawaneysaan shacabka Soomaaliyeed, waa inaad gargaar la soo gaartaan”.
Fanaanadu waxay sheegtay in muuqaalada laga daawado TV-yada caalamka iyo nolosha dhabta ah ee ka jirta xeryaha barakacayaasha Soomaaliya ay aad u kala duwan tahay “Waxaad noloshada dhabta ah ogaan kartaan marka aad timaadaan Soomaaliya oo aad aragtaan dhibaatada ka muuqata shacabka, maalin kasta gaajo iyo oon ayay u dhintaan caruur aad u yar yar iyo weliba hooyooyin” ayay mar kale tiri Mama Soul intii ay booqaneysay xeradan qaxootiga.

“Waxaa la joogaa waqtigii aanu toosi laheyn oo dadka Mareykanka iyo dawladduba ay hormuud ka noqon lahaayeen taakuleynta dadkan Soomaaliyeed ee dhibaatadu ku habsatay”.

Arrintan ayaa laga yaabaa inay soo jiidato indhaha caalamka siiba dalalka Yurub iyo Mareykanka oo si aada u qiimeeya baaqyada dadka fanaaniinta ah.

Image
Image
Image
Image
Image
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - General Discussions”