Salaam Puntland Bank oo Adeeg Cusub soo Kordhisay Bosaso

Dedicated for Puntland politics and affairs.

Moderator: Moderators

User avatar
FBISOMALIA
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 9254
Joined: Fri Oct 15, 2010 5:26 am
Location: SSDF FOR LIVE , AUN AWOOWE AY

Salaam Puntland Bank oo Adeeg Cusub soo Kordhisay Bosaso

Post by FBISOMALIA »

Image

Bangiga Salaam Puntland Bank ayaa si rasmi ah usoo bandhigay maanta Adeeg cusub oo la magac baxay KAAFTOON gudaha magaalada Bossaso ee magaalo Bosaso.

Xafladda lagu daah furay barnaamijkaan cusub ee KAAFTOON ayaa lagu qabtay Hotel Juba,waxaana kasoo qaybgalay mas’uuliyiinta Salaam Puntland Bank,Golis Telcom,ganacsato,aqoonyahano,Isimo,nabadoono iyo weliba Culuma’udiin.

Maxamed Jaamac oo ah maamulaha Salaam Puntland Bank oo ka hadlay Furitaankii xafladda ayaa ugu horeyn Faah-faahin kooban ka bixiyey adeegan cusub ee KAAFTOON,wuxuuna sheegay in uu yahay adeeg ay horey ugu balan qaadeen bulshada markii la furaayey Salaam Puntland Bank.

Qaybaha kala duwan ee bulshada ayuu ugu bishaareeyey adeegan cusub in si fiican ay uga faa’ideystaan,kaasi oo ku tilmaamay in uu yahay adeega Kaaftoon mid horumar baaxad leh u leh guud ahaan bulshada Soomaaliyeed.

Sidoo kale Maxamed Jaamac ayaa sharaxay Faa’idooyinka uu leeyahay Adeega Cusub ee KAAFTOON,wuxuuna sheegay in ay qayb ka yihiin:

In aad uga Kaaftoomeyso in Bangiga aad timaado adiga oo doonaya in lacag aad dhigato ama ka qaadato.
in aad Isticmaali adeega Kaaftoon xiliyada uu Salaam Puntland Bank uusan furnayn sida Jimacaha,duhurkii iyo habeenkii.
In aad u Isticmaali karto adeega Kaaftoon goob kasta oo ay gaarto Shirkadda Golis Telcom.
Adeega Kaaftoon wuxuu ganacsatada u sahlayaa xirrida Xisaabta maalin kasta sababtoo ah ganacsaduhu wuxuu mar kaliya Akoonkiisa Salaam Puntland Bank ku ridayaa dhamaan wixii uu shaqeeyey.

Qaabka loo Isticmaalayo Adeega Kaaftooon ayaa ah sidan:

Marka ugu horeysa Adeega Sahal ayaad galeysaa[*888#]
Ka dib waxaad dooraneysaa lambarka [8] oo ah Adeega Salaam Bank.
Ka dib waxaad dooraneysaa 4-tan qodob midka dooneyso:

Itus haraagaaga: oo ah in aad ogaato lacagta kugu jirta Akoonkaaga aad ku leedahay Salaam Bank.
Lacag dhigasho: oo ah in aad lacagta kugu jirta mobelkaaga Sahal aad ku wareejiso Akoonkaga Bangiga Salaam Bank,iyadoo aaney wax khidmad ah kaa go’ayn.
Lacag qaadasho: oo ah in lacagta kugu jirta Akoonkaaga aad kala baxdo adigoo isticmaalaya mobelkaaga Adeega Sahal.
Ka bax: oo ah aad ka noqoto Adeega oo dhan.

Cumar Maxamed Ciise (Cumar Faaruuq) oo magaca Shirkadda Golis Telcom Somalia ku hadlaayey ayaa sheegay in si farxadi ku jirto ay usoo dhaweynayaan Adeega Kaaftoon,wuxuuna hoosta ka xariiqay in uu yahay mid looga Kaaftoomi karo wixii aad doonto adigoo ku sugan goobtaada ganacsi,gurigaaga iyo wixii la mid ah.

Sheikh Daahir Aw Cabdi oo ka mid ah Culuma’udiinka deegaanada Puntland kana mid ahaa mas’uuliyiintii Xafladda ka hadashay ayaa adeega Kaaftoon ee u soo kordhiyey Salaam Bank ku tilmaamay mid ay bulshada Soomaaliyeed ay ku faani karto,kaas oo ah buu yiri mid ay si weyn u sugaayeen soo bandhigidiisa.

Siyaasi Cali Cabdi Awaare kana mid ah ganacsatada Puntland oo isaguna hadalo kooban kasoo jeediyey Xafladda ayaa sheegay in isaga qudhiisu uu aad ugu faraxsanyahay adeega cusub ee soo kordhey ee Kaaftoon,wuxuuna sidoo kale soo sheegay in qaar kamid ah dalalka Afrika aysan lahayn adeegan oo kale.

Xafladdii lagu soo bandhigay Adeega Kaaftoon oo mas’uuliyiintii ka hadashay sidoo kale ay kamid ahaayeen Ugaas Xasan Ugaas Yaasiin,Dr Axmed Xaaji Cabdirixmaan,Cabdirixmaan Cabdilaahi Jaamac iyo ganacsade Maxamuud Faarax Bile (Cunbul) ayaa dhamaantood isla qiray in uu yahay Adeegaan mid si weyn ay ugu hamuun qabeen bulshada Soomaaliyeed meel kasta oo ay kunoolyihiin.

Si kastaba ha ahaatee Adeegaan cusub ee Kaaftoon ayaa ah mid isla markiiba ay si weyn usoo dhaweeyeen bulshada Isticmaasha Adeega Sahal,kuwaasi oo markii horeba si weyn usoo dhaweeyey Adeegaasi,mas’uuliyiinta Salaam Bank qodo sharaf ayey u sameeyeen xubnihii kasoo qabgalay Xafladda.

Cismaan Turaabi
Horseed Media
Aseelah-Raaida
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 1590
Joined: Wed Apr 01, 2009 10:43 am

Re: Salaam Puntland Bank oo Adeeg Cusub soo Kordhisay Bosaso

Post by Aseelah-Raaida »

:up:
User avatar
CismanMaxamud1
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 1824
Joined: Sun Jan 02, 2011 11:16 am
Location: SSDF/Kulmis

Re: Salaam Puntland Bank oo Adeeg Cusub soo Kordhisay Bosaso

Post by CismanMaxamud1 »

Image :up:
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Puntland”