Kulan looga hadlayo sugidda amniga oo ka dhacay Garoowe

Dedicated for Puntland politics and affairs.

Moderator: Moderators

User avatar
FBISOMALIA
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 9254
Joined: Fri Oct 15, 2010 5:26 am
Location: SSDF FOR LIVE , AUN AWOOWE AY

Kulan looga hadlayo sugidda amniga oo ka dhacay Garoowe

Post by FBISOMALIA »

Image

Saraakiisha ciidanka Booliska iyo wasiir ku xigeenka wasaaradda amniga ayaa kulan looga hadlayo sidii bulshada loogu wacyi gelin lahaa inay ilaaliyaan amniga caasimadda Puntland ee Garoowe si wada jir ah ugu qabtay saldhiga bartamaha dhexe Garoowe.

Kulankaasi oo intiisa badan looga hadlayay sidii loo adkayn lahaa Amniga magaaladda Garoowe ayaa waxaa marka hore ka hadlay Taliye ku xigeenka ciidanka booliska Puntland Gaashaanle Sare Maxa’ed Siciid Jaqanaf oo kamid ahaa saraakiishii kulankaan qabtay wuxuuna dadka ku dhaqan magaalada Garoowe ugu baaqay inay si feejignaan leh uga shaqeeyaan nabad-galyadda.

Kulankaani ayaa ahaa mid si deg-deg ah ay u wada qabtaan masuuliyiinta wasaaradda amniga iyo sarakiiisha amniga Puntlan waxayna ka danbaysay ka dib markii la sheegay in saacado kooban ay ka harsan tahay u dabaal daga xuska markii dhidibada loo taagey Dowlada Puntland kuna beegan 1-da bisha 8-aad 2011.

Wasiir kuxigeenka amniga Puntland Cabdijamaal Cismaan Maxamed oo ka mid ahaa masuuliyiinta halkaasi ka hadashay ayaa shaaca ka qaaday in aan wax hub ah lagu dhex arki karin magaalada Garoowe noockastaba hubkaasi ha noqdo isla markasna cidii lagu arkay laga qaadi doona tilaabo sharci ah, arrintaas oo markii horeba mamnuuc ahayd ayaa wasiirku sheegay in ay sii xoojinayaan, wuxuuna C/jamaal ku daray in la farayo shacabka ku dhaqan magaalada Garowe ka shaqaynta amniga.

Marka laga soo tago kulanka wacyi galinta amniga oo ay si wada jir ah u wada qabteen masuuliyiinta amniga iyo saraakisha amniga Puntland ,waxaa magaalada Garoowe ka socda adkaynta goobaha lagu dhigayo xafladaha waxaana magaalada lagu dhex arkayaa ciidamado ku labisay dareeska ciidanka amniga oo si toos ah u ilaaliya nabad-galyada iyo xasiloonidda caasimadda Puntland .

Horseedmedia
Garoowe Puntland
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Puntland”