
Boosaso ( RBC Radio) kulan balaarn oo wacyigilin loogu sameynayay dadka damacsan tahriibka ayaa waxaa lagu qabtay xarunta dawlada hoose ee Magalada Bosaso.Qabashada kulankan ayaa waxaa lahaa ururka Ungam, waxaana maalgaliyay hay’ada IOM.
waxaana ka soo qayb galay qayabaha kala duwan ee bulshada Maamulka degmada Bosaso iyo xubno ka socda dallada Ungam.
inta badan waxaa halkaasi laga soo jeediyay ruwaayado muujinaya dhibaatada tahriibta iyo waxa ay u geysato dadka soo haajiray, taasi oo ay jilaayen fanaaniinta xidigaha Puntland.
qaybta kale ayaa waxaa ka hadlay ku xigeenka duqa boosaso C/qaadir yusuf oo ka warbixiyay dhibaatada tahriibta iyo inta ogaantiisa ah waxa ay geystay.
Duqa ayaa ku hambaliyeyay IOM sida ay mar walba ugu taagan tahay wacyigalinta dadka muhaajirinta ah ee yimid meel aan ahayn deeganadooda.
Dhinaca Horjogayaasha dalada Ungam oo qaybtood halkaasi ka hadlay ayaa ku dheeraday sida ay u sameyen barnaamij Faneedkan lagu joojinaayo falalka tahriibta oo khatarta badan.
waxaana ay sheegen in ay sii wadi doonan barnaamijyada noocan ah ee lagu wacyi galinaayo dadka jecel tahriibta, isla markaasina Boosaso u yimid in ay ka sii baxaan.
Si kastaba ha ahaate waxaa arintani ku soo beegmeysaa xili magalada boosaso ay ku soo Qul-qulayaan dadyow jinsiyado kala duwan leh oo daneynaya in ay u baxaan dalalka Khaliijka.